Home » News, Waraysi »

Guddoomiyaha Qurbajoogta beesha Maxamed Amaanreer oo fariin u diray bulshada reer Caabudwaaq kuna baaqay nabad ku wada noolaasho iyo in colaadda la joogjiyo (Dhageyso)

Related Articles

    Cali Jaamac Maxamed oo ah Guddoomiyaha qurbajoogta beesha Maxamed Amaanreer (Wagardhac), kuna nool magaalada Columbus, Ohio ee dalka Mareykanka oo galabta lasoo xariiray Shabakadda AOL ayaa waxuu fariin xambaarsan nabad ku wada noolaasho iyo in deg-deg loo joojiyo colaadda ka socota Degmada Caabudwaaq u diray bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan waqooyiga Galgaduud.

    Guddoomiye Cali ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xasaradda colaadeed ee kasoo cusboonaatay Degmada Caabudwaaq.  “Marka hore waxaan aad uga xumahay ugana wal-walsanahay isfahan waaga siyaasadeed ee isu badalay gacan ka hadal ee ka dhacay Caabudwaaq, marka xigtana waxaan halkaan baaq nabadeed ugu soo jeedinayaa dhamaan dadka walaalaha ah ee uu dhibku kala gaaray in ay wixii farqi ku xaliyaan wada hadal, kana fogaadaan dhamaan wax kasta oo keeni kara isku dhac iyo in la dagaalamo” ayuu yiri Guddoomiye Cali Jaamac.

    “Walaaleyaal hadaad ogtihiin 21-kii sano ee lasoo dhaafay kumanaan kun oo qof oo Soomaali ah ayaa siyaabo kala duwan naftooda ku waayay, kumanaan hantidoodii bay weyday, kumanaan ayaga oo qaxaya ayay oon u dhinteen, kumanaan ayagoo carar ah ayuu dhurwaa cunay, kumanaan ayaa xuduudaha dalalka aan dariska nahay silig ku oodan, kumanaan ayay doomo xeebaha ku daadiyeen oo ku dhintay, kumanaan kalana intay adduunka u qaxeen ayay dhaqankoodii iyo diintoodii ka tageen.  Adinka intaasoo dhan Ilaah wuu idinka bad-baadiyay.   Sidaas awgeed, waxaan maanta idinka codsan lahaa adinka oo ah dadkii sharafata badnaa in aad usoo jeesitaan in wixii dhibaato ah oo wada hadal lagu xalin karo in aan xabad lagu xalin” ayuu mar kale yiri Cali.       Dhageyso wareysiga Cali Jaamac oo dhan.


    ———–
    Maxamed Jaamac, Columbus/Ohio. 

     

    Allgedo News Media Network
    allgedo@allgedo.com

    Bookmark and Share

    15 Jawaabood " Guddoomiyaha Qurbajoogta beesha Maxamed Amaanreer oo fariin u diray bulshada reer Caabudwaaq kuna baaqay nabad ku wada noolaasho iyo in colaadda la joogjiyo (Dhageyso) "

    1. oogle says:

      Ali runtii ina ader sifiican baad wax utilmaantey , kuwa qaato Allaha kadhigo bulshada Reer cabudwaaq , illaahna hakala qaboojiyo umadeena walaalah ah
      Uma abuurnidiin in micno daro laguu dilo ee waxaad u Abuurantahay in aad adunka kunoolatid kuna cibaadeysatid , Haddaba Walalayaal qaata Haddalka iyo dhabaalka walalkeen Ali jaamac oo kaxumaadey Colaada micna darada ah

      Allow kala qabooji dadkeena fahansiina nolasha waxaytahay

      oogle salah sh.soofe, paris-france

    2. abdi fatah says:

      Waa arin aad u fiican hadii dadka ku nool Caabudwaaq Ay fahmaan fariintaan Caaqilka u diray reer-caabudwaaq.

    3. Maasha Allaah,Ilaahey baa waafajiyey (Cali Jaamac )walaalayaal meeshii Arrintaas Dawadeedu ku jirteyna wuu abbaray ee aanagana ilaahey ha naga dhigo kuwo ka faa,iideysta isagana miisaanka xasanaadka ilaahey ha ugu kabo aakhiro, waxaa la dhihi karaa waa caaqil ka damqaday dadkiisa waxa ay ku suganyihiin iyo waxa ku habboon,waxaa kaloo lagu sifayn karaa waa Aqoon yahan Cabbiri kara Mustaqbal Ummadeed,waxaa kale oo lagu tilmaami karaa daacadnimo iyo xaqdhowrka uu qof waliba mudanyahay
      ee sidaasna halagu tageero.

    4. waxaan dhihi Lahaa Caliyoow dadkaagu way kuu baahanyihiin,Dadkan waxaan dhihi lahaa walaalayaal aan ka faa,iideysanno Garashada walaalka daacadnimadu ku dheehantahay.intaas baa sharaf noo ah isagana niyadsami u ah.
      wa billahi towfiiq

    5. Fariinta uu soojeediyaya Nabadoonka waa arin aad ufiican waxaana ku talinlahaa in aritaan laqaato aniga oo ku hadlaya dadka dagan deeganka goldogob intaas iyo nabadgalyo.

    6. Adey says:

      asc wrwb dhamaan bulshada somaliyed tani waa fariin caafimaad qabta oo mudan runti ninka bixiyay wareysigan waa caaqil waxaa iga talo in la raaco rayigaas
      anoo ku hadlayaa magaca beelaha muqdisho

    7. ugaas siraj says:

      asc waxaan aad u soo dhaweynayaa fikirka walaalka ali jamac maxaa yeelay daawadii ayuu u sheegay dadka walaalaha is haayo ,

    8. Mahdigii says:

      Ahlusuna waljamaca halooga danbeeyo deegaanka maxaa wacay iyaga ayaa bilaabay nabada iyo kala danbaynta aagaas galgaduud. Marka waxaan ka codsanaya in aan la’afganbin culumada khayrka ay bilaabeen. Midkale hadaan ku darro firqooyin badan oo diimeed baa bilowday hadaba see bay ku heshiin karaan ahlusuna iyo kuwa kale? Soo in Ahlusuna meesha looga danbeeyo maaha? Tankale Guddoomiyaha Ahlusuna Prof Xirsi Maxamed Hilowle waa nin aqoon leh oo culumo ah oo siyaasi ah ee maa la’adeeco. Wabillahi towfiq!

    9. Cabdullaahi says:

      As/c

      Marka hore nabadoon cali jaamac fikirkiisa qiimaha badan aad ayaan usoo dhaweeynayaa taladuna waxa ay tahay soomaaliyeey talada culumada , cuqaasha,wax garadka,aqoonyahanada qaata wax badan oo guul ah ayaad gaareeysaane.

      Tan labaad ninka mahdiga isku magacaabay waxa aan leeyahay Ehlu suna wal jamaaca magac urur oo la iskala baxo maahee waa manhaj laraaco qofkii raacana uu kamid noqonayo waana wadadii nabigeena SCW no jideeyay , gobolka ama gobolada aad leedahay waa in ururkaas looga danbeeyo talada waxaad ku darsataa in uusan ururku lahayn goboladaas ee lalaleeyahay inta aad caqliga noocaas ah ku fikiraysaana umada meel gaarsiin meeysaan ee inta ay goori goortahay ilaah usoo noqda umadana wax la qaybsada wadanka guri aad dhisateen maahee waa wadan umadeed ee saa ula socda.

    10. ugaas jama says:

      markii lafiiriyo hadalka cali jama maxuma in laga taliyo wanaag laakin cali saan kunaqaanay waxuu ahaa mid lagu yaqaan nin iskudira dadka oo marwalba ku fakara dadka kala gayntiisa marka cali haduu kasoo noqday dabeecadiisii waa wax fiican

    11. Fadumo says:

      Wad mahad santahay ali jamac

    12. farah says:

      Warka ugas jama was hufiyobeen e hogamiye Ali lagumayaqan waxad shegtay e maafqabiil ba warkaa xun

    13. filiqey says:

      masha alaha ader ali jamaac waad mahasn tahay waa fakar fiican allaha aya cisag

    14. jubaland says:

      markahore mahadsanid cali wayjirtah ninay horumar iyo kaladanban garsiyen magalada lkn waxaykuqaldanyihin inay yirahadan qof cw udhashay kabax magalada

    15. Aqoonyahan Somaliyeed says:

      salaan qaali ah kadib,
      Marka Hore waxa mahad oo dhan iska leh Allaha swt. marka xigana nabadoon Ali Jama Mohamed oo sida aan waligeyba ku aqaaney ahaa shaqsi mar walba utaagan midnimada umadda Somaliyeed iyo raadinta xalka guud ee umadda somaliyed. hadaan nahay dadka udhashey Gobalka uu Nabadoodku ka hadlay maantey talo saliim ah ayaan ubaahneen walalkeena si hufan oo xikmad badan ku dheehan tahay iyo aragti fog ayuu wax noogu bindhaashey ee Allaha nagu anfaco taladiisa. asagana waxaan ka codsan lahaa inuusan marnaba ka caajisin talo siinta iyo ushaqeenta umadda somaliyeed.
      Allaha ku sharfo Nabadoone, waxaan rabi kaaga baryayaa cimri dheer iyo cibaado suuban.

    Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

    Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.