Home » News »

Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo) oo ka Hadlay Khilaafka Baarlamanka Soomaaliya

Muqdisho, Somalia, (AOL) -Raysul wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo) ayaa markii ugu horeeysay ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan baarlamanka dowladda KMG ee Soomaaliya, kaasoo salka ku haya xilka qaadista ay xubno katirsan baarlamanka ku sameeyeen Shariif Xasan SheekhAadan.

Mudane Farmaajo ayaa sheegay in Shariif Xasan ay tahay in uu isaga dago kursiga maadaama buu yiri ay xilka ka qaadeen inta badan xubnaha baarlamka KMG ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay in ay tahay in loo hogaansamo rabitaanka shacabka Soomaaliya.

“Waxaa loo baahanyahay in la tixgeliyo rabitaanka shacabka Soomaaliya, qofkii xilka laga qaado waa in uu isaga dagaa iyadoo wax dhib ah uusan dhicin, anigaba iyadoo ay shacabka i jecelyihiin ayaan xilka isaga dagay anoo eegaya maslaxada umadda Soomaaliyeed,” ayuu mudane Farmaajo hadalkiisa ku daray.

Mr. Farmaajo ayaa ugu baaqay shariif Xasan in uu xilka ka dago, isagoo sheegay in ay tahay in loo hogaansamo go’aanka baarlamka KMG ee Soomaaliya oo uu sheegay in uu ka turjumayo shacabka Soomaaliyeed, waxaana uu xusay in heshiiskii Kampala uusan dhigeyn in qofkii xilkiisa gudan waayo uu kursiga sii heysto.

Hadalkan kasoo yeeray raysul wasaarihii hore ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli xubno badan oo katirsan Baarlamanka Soomaaliya ay xilka ka qaadeen Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ay ku eedeeyeen in uu caqabad ku yahay howlaha golaha baarlamanka Soomaaliya, waxaana arintaasi ka biyo diiday Shariif Xasan iyo Xubno taabacsan oo ku tilmaamay in go’aankaasi yahay mid fowdo ah oo aan sharciga waafaqsaneyn.

 

C/qaadir Faarax, Muqdisho/Somalia

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

9 Jawaabood " Max’ed C/laahi Max’ed (Farmaajo) oo ka Hadlay Khilaafka Baarlamanka Soomaaliya "

  1. Jilbis says:

    Asc, inkastoo jileec lagu xanto farmajo balse Libaax nin ganey iyo nin galadeyba og

  2. Nasma says:

    Kk wuu ku qadhadhaya miya mar hadu wayay isagu de isba marki hore isgu dhaji ilen e loooolz

  3. gashaan says:

    mudane madaxweyne waad mahadsantay waa talo fiican

  4. Jacfar says:

    @Nasma nin madoow iyo nin ay aqoonta ku yar tahayba wuxuu xukun jecelyahay…That is why uu ina adeerkeen u qadhadhaya

  5. Mudug Sare says:

    kkkk nin kan nin xun mahee aslkuu ka dhinta hoyadiis ba gabtay haday ka firsan lahay abihiis manta sas uma calacalee maxan u awoodaah maskiin mire qare

  6. mazxamed says:

    madaxweynaha mustaqbalka waad kusaxantahay arinkaa ku aadan shariif xassan waayo waasax kadag nin ladhoho ha kadago waa wada fiican umadana u horseedi karko in la is maqlo somali yeye miyey san saxnayan arinkaa

  7. Gorgor says:

    MUDUG SARE NINKAADAAN LA BAXAY INA GUMEED LAANGAAB AH OO CUQDAD U DHIMANAYA AYAAD U HADAL EG TAHAY

    FARMAAJO : HADALKA MEESHA LAGA AADO AYUU YAQAAN
    AAD AYAAD UGU MAHADSANTAHAY HADALKAADA QIIMAHA BADAN

    AAD AYAAN UGU RIYAAQNAY MARKII AAD JAWAABTAA KU HABOON SAKIIN AAD JEEDISAY NOOLAW

  8. fai says:

    farmaajo waa ninka soo celin karo soomaali midnimadeed in ka stoo ay adagtahay hada sababtoo ah caado qaatayaashii waay bateen shariif sakiin cid uudan uhayo majiroto hadii booskaas uu katagana soomaaliya waay hagaagi lahaayd

  9. Ali says:

    Waxaan la yaabay reer Gedo shariifka waad daba socon jirteene oo waagii C/laahi yusuf uu ku kacsanaa waadinkii barlamaanka markuu soo galo xildhibaanadiinu shushumin jireene maxaa dhacay ma inta yar ee uu Garoowe tagay baad ula colowdeen, raali ahaada waa soo socdaaye garoowa tagideedana waa uu idinka xaalmarinaayaaye.

    Runta