Home » Archive Daily December 25th, 2011

Qarax miino oo lala eegtay ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa dalka Burundi ee ku sugan magaalada Muqdisho

Dec 25, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Qarax miino oo nooca dhulka lagu aaso ah ayaa  maanta lagula beegsaday gadiid kolonyo ah oo ay wateen ciidamada dalka Burundi ee ka tirsan kuwa midowga afrika ee AMISOM jidka warshadaha ee deegaanka Dayniile ee magaalada Muqdisho. Qaraxan oo si weyn looga maqlayey guud ahaan magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanada ku dhow jidka wershedaha ayaa la sheegayaa inuu gaystay... 

Gudigii loo Xilsaaray Doorashada Gudoomiyaha Baarlamanka oo Kulan ku Yeeshay Muqdisho

Dec 25, 2011
Kulan ay maanta isugu yimaadeen gudigii dhawaan ay magacaabeen xildhibaanadii xilkaqaadista ku sameeyay Shariif Xasan Sheekh Aadan ayay kasoo saareen qodobo la xiriira doorashada gudoomiyaha cusub ee baarlamanka. Gudiga ayaa kulankoodii maanta uga hadlay qaabka ay u dhaceyso doorashada iyo weliba cida loo dooranayo xilka gudoomiyenimo, waxaana kulanka kadib saxaafadda lahadashay gudoomiye ku xigeenka... 

Saraakiil Katirsan Dowladda KMG oo lagu Dilay Deegaanka Buusaar ee Gobolka Gedo

Dec 25, 2011
Laba sarkaal oo katirsan ciidamada dowladda KMG ayaa lagu soo waramayaa in lagu dilay deegaanka Buusaar ee gobolka Gedo, oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda oo garab ka helaya kuwa Kenya. Warar is qilaafsan ayaa kasoo baxaya dilka labadani sarkaal, waxana ay wararka qaar sheegayaan in saraakiishani ay toogteen rag katirsan Alshabaab oo si dhuumaleysi ah usoo galay deegaankaasi, halkawarar kalena... 

Qarax lala Eegtay Askar katirsan Ciidamada Burundi

Dec 25, 2011
Qarax nooca miinooyinkadhulka lagu aaso ah ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ay wateen ciidamada Brundi ee ku sugan magaalada Muqdisho, xilli ay marayeen wadada Warshadaha ee magaalada Muqdisho. Wararka ayaa sheegaya in qaraxu uu ku dhintay hal askari oo katirsan ciidamada Brundi halka ay sidoo kale dhaawacyo kasoo gaareen laba kamid ah askartaasi, waxaana dadkii ka agdhowaa goobta ay sheegeen in qaraxu... 

Iska-horimaad ay Dad ku Dhinteen oo ka Dhacay Gaalkacyo

Dec 25, 2011
Iska horimaad xoogan ayaa lagu soo waramayaa in xalay gudaha magaalada Gaalkacyo uu ku dhexmaray dabley hubeysan iyo ciidamada maamulka Galmudug ee magaalada Gaalkacyo. Iska horimaadka ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa shan ruux tiro intaa ka bandanna dhaawacyo ayaa kasoo gaareen, waxaana uu isku dhacani yimid kadib markii ciidamada ammaanka maamulka galmudug oo howgal ka waday... 

Faahfaahin ku Saabsan Duqeyn ay shalay Diyaaradaha Kenya ka Geysteen Jaziiradda Kudhaa ee Gobolka J/hoose

Dec 25, 2011
Diyaarado nooca helicopterska loo yaqaan oo ay leedahay dowladda Kenya ayaa shalay casar liiqii duqeymo ka geystay jaziiradda Kudhaa oo dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo. Diyaaradahan oo la sheegay in ay kasoo kicitimeen maraakiib dagaal oo ay leedahay dowladda Kenya oo ku sugan nawaaxiga Jaziiradda Kudhaa, ayaa la sheegay in ilaa sedex gantaal ay la beegsadeen goobo cayiman oo kuyaal Jaziiradda... 

Qarax Bambaano oo Xalay ka Dhacay Gobolka Waqooyi Bari Kenya

Dec 25, 2011
Qarax xoogan ayaa  xalay fiidkii lala eegtay goob lagu caweeyo oo ay dad badani isugu yimaadeen oo kutaal degmada Wajeer ee gobolka Waqooyi bari Kenya. Saraakiisha Ciidamada booliska Kenya aya sheegay in qaraxu ahaa nooca bambaanooyinka gacana lagu tuuro, waxaana ay sheegeen in lagu soo dhex tuuray dad badan oo ku caweynayay Clap ku yaallay gudaha magaalada Wajeer ee gobolka waqooyi bari Kenya. Qaraxa...