Home » Archive Daily December 29th, 2011

Soomaali badan oo laga sii daayay Xabsiga dhexe ee caasimadda dalka Libya ee Tripoli

Dec 29, 2011
Tripoli, Libya (AOL) – Muhaajiriin Soomaaliyeed oo ay tiradoodu gaarayso 172 dhallinyaro ah,  kana kooban 118 rag ah iyo 54 dumar ah, ayaa  laga sii daayay Xabsiga weyn ee ku yaalla Magaalada Tripoli ee dalka Libya.  Muhaajiriintaan Soomaaliyeed, ayaa in muddo ah ku jiray Xabsigaas, ka-gadaal markii ay Ciidanka Nabad-sugidda ee dalkaas Libya ku soo eedeeyeen inay u guntanaayeen Tahriib xagga... 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday Maxjaro ku yaala Bosaaso iyo Jaamacadda Bariga Afrika (Sawiro)

Dec 29, 2011
Boosaaso, Somalia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdigii ballaarnaa ee uu hogaaminayay muddooyinkii ugu dambeeyeyna booqasho ku marayay qeybo ka tirsan degaanada Puntland ayaa waxaa maanta uu kormeeray Jaamacada magaalada Bosaaso iyo weliba Maxjaro ku yaala duleedka magaalada.   Ra’iisul Wasaaraha oo ay wehlinayaan labadiisa kuxigeen, xildhibaano... 

Ra’iisl Wasaaraha Soomaaliya oo maanta booqday qeybo ka mid ah Boosaaso oo ay ku jiraan Dekedda iy Garoonka (Sawiro)

Dec 29, 2011
Bosaaso, Somalia (AOL) - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta booqasho ku tegay qeybo ka mid ah magaalada Bosaaso, isaga oo ugu horeyn soo kormeeray Dekedda magaalada Bosaaso oo ay ka socotay howlo baaxad leh, Isbitaalka Bender Qasim, Garoonka Diyaaraddaha iyo weliba xarun lagu tababaro ciidamada oo ku taala duleedka magaalada.   Ra’iisul wasaaraha ayaa... 

Faahfaahin ku Saabsan Weerarkii lagu Qaaday Xarunta MSF ee Magaalada Muqdisho

Dec 29, 2011
Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeyso weerar galabta lagu qaaday xarunta MSF ay ku leedahay Agagarka Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho. Wararkii ugu danbeyay ee aynu ka heleyno halkaasi ayaa sheegaya in ninka weerarka qaaday uu ahaan jiray kuxigeenka madaxa Logistiga ee hay’adda MSF Belgium xarunteeda Muqdisho, waxaana la sheegay in dhawaan amar kasoo baxay hay’adda uu ku waayay shaqadii uu... 

Shaqaale katirsan Hay’adda MSF oo lagu Dilay Muqdisho

Dec 29, 2011
Muqdisho, Somalia (AOL) – Wararka aynu ka heleyno magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in rag hubeysan ay  weerar ku qaadeen  xarun ay daganayd hay’adda MSF oo ku taal isgoyska Zoobe  ee magaalada Muqdisho, iyadoona ay dil u geysteen shaqaale isugu jiray Cadaan iyo Soomaali. Warar hordhac ah oo aan ka heleyno goobta uu weerarka ka dhacay ayaa sheegaya in weerarkii... 

Dowladda Kenya oo Shacabkeeda ugu Baaqday in ay Feejignaadaan inta lagu Jiro Dabaaldegyada Sanadka Cusub

Dec 29, 2011
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xoogaga Alshabaab ee ka dagaalama Soomaaliya ay wadaan qorsheyaal ay ku doonayaan in ay qaraxyo uga fuliyaan gudaha dalka Kenya, xilli uu fooda nagu soo hayo Sanadka Cusub. Wasiirka amniga gudaha ee dalka Kenya George Saitoti ayaa sheegay in xoogaga Alshabaab ay qorsheynayaan qaraxyo ay ka fuliyaan goobaha ay dadka isugu soo baxaan, waxaana uu ugu baaqay shacabka dalka... 

Gudoomiyihii Degmada Gaalkacyo ee Maamulka Galmudug oo is Casilay

Dec 29, 2011
Gudoomiyihii degmada Gaalkacyo ee maamul goboleedka Galmudug State ayaa maanta iska casilay xilkii gudoomiyenimo ee uu ka yahay magaalada Gaalkacayo, kadib markii uu sheegay in dhibaatooyin badan uu kala kulmay masuuliyiin katirsan Maamulka Galmudug. Duqa magaalada Gaalkacyo Farxaan Xasan oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in uu iska casilay xilkii uu u hayay maamul goboleedka Galmudug, isagoona... 

Xooaga Alshabaab oo Qarax la Eegtay Gaadiid ay Wateen Ciidamada Kenya

Dec 29, 2011
Dhoobley, Somalia (AOL) – Xoogaga Alshabaab ee Jubooyinka ayaa maanta qarax nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ah la eegtay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Kenya ee ku sugan qeybo katirsan gobolka J/hoose. Gaadiidka ay wateen ciidamada Kenya ayaa qaraxa miino lala eegtay xilli ay marayeen wadada dheer ee isku xirta tuulooyinka Taabto iyo Qooqaani ee ku yaal galbeedka gobolka J/hoose. lama...