Home » Archive Daily January 4th, 2012
Xildhibaanada Baarlamanka oo Doortay Gudoomiye Cusub
Muqdisho, Somalia (AOL) – Waxaa goordhawayd lasoo gabagabeeyay kulan ay isugu yimaadeen xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya oo ay tiradoodu gaareysay ilaa 300 oo xildhibaan oo ay ku doonayeen in ay ku doortaan hogaan cusub oo uu yeesho baarlamanka Soomaaliya, kadib markii ay xilka ka qaadeen Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xarunta golaha Shacabka aya goordhawayd looga dhawaaqay natiijadii kasoo...
Mudane Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo oo Madaxda Soomaaliya ugu Baaqay in ay ka Taliyaan Danta Umadda
Muqdisho, Somalia (AOL) – Raysulwasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane C/laahi Max’ed C/laahi Farmaajo oo isagu ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay in khilaafka ka dhexeeya baarlamanka uu ku yimid sad-bursi awoodeed oo ka dhexeeyo madaxda dowladda KMG ee Soomaaliya.
Mudane Farmaajo ayaa sheegay in dhibaatada jirta ay ugu wacatahay xil-jecleysi iyo sad-bursi awoodeed oo u dhexeeya madaxda dowladda...
Todobo Xildhibaan oo ku Dhaawacantay Gacan kahadalkii ku Dhexmaray Xarunta Golaha Shacbka
Muqdisho, Somalia (AOL) – Waxaa maanta markii afaraad ka dhacay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho gacan ka hadal la isku adeegsanayay bakoorado iyo feer oo u dhexeeyay xildhibaanada baarlamanka KMG ee Soomaaliya.
Dagaalka ayaa ka danbeeyay kadib markii xubno katirsan baarlamanka oo taageersan Shariif Xasan ay gudaha usoo galeen xarunta, oo uu ka socday kulan ay xildhibaanadu qudbado...
Kenya oo Sheegtay in ay Shabaab ka Qabsadeen Deegaanka Faafaxdhuun
Nairobi, Kenya (AOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in xoogaga Alshabaab ay ka saareen deegaan lagu magacaabo Faafaxdhun oo ku dhow magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Afhayeenka militariga Kenya Emanuel Chirchir ayaa sheegay in dagaal ay la galeen xoogaga Alshabaab ay kaga saareen deegaanka Faafaxdhuun, islamarkaasina waxa uu sheegay in ay ka dileen ilaa sedex dagaalyahanno.
Afhayeenka ayaa...
Xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya oo Xilka ka Qaaday Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamanka
Baarlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad xilka uga qaaday gudoomiye ku xigeenka baarlamanka KMG eee Soomaaliya Mudane, C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey.
Xildhibaanada Baarlamanka oo maanta ku shiray xarunta golaha shacabka ayay dhexmartay dood dheer oo dhalisay muran dhexmaran xubno katirsan Baarlamanka, iyadoona muranka baarlamanku uu sababay in uu goobta ka dhaco gacan qaad, kaasoo sababay...
Kenyoy adigaa kibrayoo Kaabihii jaraye: Waa gabay cusub oo uu tiriyay Cabdi rashiid Maxamed Qaasim (Agronomist).
Sida lawada ogsoon yahay waayadaan dambe dowlada kenya waxa ay dhibaato lixaad leh ugaysatay shacabka soomaliyeed guud ahaa, gaar ahaa shacabka kunool gobaldda gedo iyo jubada hoose, sidaa dartee qofkasta oo leh damiir nool waa inuu ka dhiidhiyaa dulmiga, danaha gaarka huwan ee lagu wax yeelaynayo shacabkeena.
Gabaygan magicisa waxaa weeyo ”Kenyoy Adigaa Kibrayoo Kaabihii Jaraye” ee...
Axmed Buule Gareed oo ku dhawaaqey in uu ka baxay Maamul Goboleedka la magac baxay Azania ee lagu dhisey Dalka Kenya.
Luuq, Somalia (AOL) – Axmed Bulle Maxamed oo horey u ahaan jirey Gudoomiyaha degmada Luuq ee Gobolka Gedo ayaa sheegay inuu ka baxay Maamulka Azania ee lagu soo dhisey Dalka Kenya oo uu ka tirsanaa mudo sanad ka badan, isagoona Maamulkaasi uu madaxda u yahay Prof. Gaandhi ku tilmaamay mid aan faa’ido u lahayn bulshada uu sheeganayo in uu matelo.
Axmed Buule oo maanta shir jaraa’id...
