Home » Suugaan »

Kenyoy adigaa kibrayoo Kaabihii jaraye: Waa gabay cusub oo uu tiriyay Cabdi rashiid Maxamed Qaasim (Agronomist).

Related Articles

    Sida lawada ogsoon yahay waayadaan dambe dowlada kenya waxa ay dhibaato lixaad leh ugaysatay shacabka soomaliyeed guud ahaa, gaar ahaa shacabka kunool gobaldda gedo iyo jubada hoose, sidaa dartee qofkasta oo leh damiir nool waa inuu ka dhiidhiyaa dulmiga, danaha gaarka huwan ee  lagu wax yeelaynayo shacabkeena.

    Gabaygan magicisa waxaa weeyo ”Kenyoy Adigaa Kibrayoo Kaabihii Jaraye” ee akhris wacan:

    Kenyoy Adigaa Kibrayoo Kaabihii Jaraye
    Kaca Adaa Yiri Ciidankee Kumanaan Diraye
    Kanoni Adaa Ladhacay Masaakiin Aad Utaag Darane
    Killer- Baa Tahay Kufriyoo Naxariis Darane
    Kibir Haduu Waxtari Iyo Muruqyo Waawayn
    Koofil Buu Anfici Lahaa Iyo Katiibadiisiiye
    Kobtii Uu Ku Kufay Macal Kolanyadiisii
    Kaliirbay Ahayd Maalintii Koofil Uu Go’aye
    Kutubtay Kutiil Taarikh Aadu Xusuus Badane
    Kornayl-Kii Ina Kadaafi Maalintuu Kor Isu Qaaday
    Kumanaan Waatay Kaceen Koroonkor Loo mooday
    Kubaxaay Iyo Eryaaydii Waatii Kaabiga Loo Gaaray
    Kamiinki Loo Dhigayna Waatii Kurka Loogu Gooyay
    Kibir Buu Ahaa Wixii Ina Kadaafi Koofanaha Jaraye
    King-ga Afrikana Waa Ahaa Iyo Kabiiradoodiiye
    Adiguna Kobtaad Mari Hadaad Kaadsan Waydaaye
    Awal Bay Shacabki Horay Qaxay Ee Xuduuda Katilaabay  
    Eed Kunturaat  Ku Heshaye  Kaamamka Ku Xaraysay
    Kuujaa Bahaadi Kamay Bixin Katiinadayntiiye
    Kabna Way Udheer Tahaye Iyo Kurba Gooniyaye
    Kumiyana Way Baxshaan Wali  Kaashash Kaamilane
    Kuligood  Hadaad Wada Kufsatay Ood Ku kaftoomaynin
    Ee Kuwii Gudaha Kuharayna Kor Kaga Raacayso
    Waa Ilayaab Waxaad Nagu Gashaa, Nagu Gumaadaaye 
     Ahdaaftan Maldahan Ee Kooxo Loo Garabsiini 
     Gedo Iyo Kismaayana Fardaha ogu Kooraysay
    Kansi Doon Weeyaan Iyo Korarsi Xoolaade
    Kaydkiyo Shidaalkaad Rabtaa Kanazadeeniiye
    Waxba Yaanu Hadalku Ila Tagine Waxaa Talo Kusoo Koobay
    Ruux waliba  Waxu Dambi Galaa  waa loo Kitaabayni.

    Akhrirtoow fikradaadu waa muhiim.

    Cabdi rashiid Maxamed Qaasim (Agronomist).
    owqaasim7@hotmail.com

     

    Allgedo News Media Network
    allgedo@allgedo.com

    Bookmark and Share

    2 Jawaabood " Kenyoy adigaa kibrayoo Kaabihii jaraye: Waa gabay cusub oo uu tiriyay Cabdi rashiid Maxamed Qaasim (Agronomist). "

    1. Aadan asad says:

      Masha alah runti abwanku wuxu ucabaray sidi ay ahayd wa inan gabayada caynkan ah si goni ah ufiirsana okuna dhaqaqnaa

    2. Abwaan abdi rshiid aad ayuu umahadsanyahay runti waa abwan qiiro leh dadkiisa iyo dalkisana jecel alaaha ku barakeeyo

    Comments/ Fikradaha Akhristayaasha

    Please publish your comment once, do not reload same comment. Thanks.