Home » News »

War-saxaafadeed Gabagabadii Shirweynihii Beesha Reer Gaaraad Uga Socday Degmada Ceelcadde

Awalan Ilaah ayey mahad oo dhan u sugnaatay, Nabigeenni Muxumed ahaana naxariis korkiisa ha ahaato.  Shir mudda dheer uga socday beesha degmada Ceel-Cadde ee Gobolka Gedo ayaa shalay oo taariikhdu ahayd 01/03/12 wajigiisii koobaad la soo gabagabeeyey iyadoo lagu gaaray go’aanno taariikhi ah oo la xiriira qaab dhismeedka hogaanka dhaqanka ee beesha. 

Shirkaan oo in mudda ah loo fadhiyey ayna ka soo qayb galeen dhaammaan, nabaddoonada, culumida, waxgaradka, iyo xubnno qurbajoogta ka mid ah ayaa waxaa muddadii uu socday lagu gorfeeyey arrimo badan oo la xiriira wax ka badelidda nidaamka dhaqanka beesha iyo arrimo badan oo kale oo maslaxadda caamka ah khuseeya.  Beesha Reer Garaad waxay ka mid tahay beelaha Sade ee ku nool gobolka Gedo, waxayna taariikhiyan caam ku tahay nabadda, islaaxa, iyo  fidinta diinta islaamka. 

Waxaa si gaar ah loogu xasuustaa kaalintii ay ka soo qaadatay arrimaha islaaxa iyo nabadeynta bulshada gobolka iyadoo degaannada ay gobolka ka degto ay noqdeen meelo nabadgelya ah oo aan cidnna lagu dilin ama lagu dulmin muddadii dheerayd ee fidnadu cammimtay guud ahaan dalka Soomaaliya gaar ahaan gobolka Gedo. 

Mahadda ilaahay ka sokow, waxaa iyaguna mahad leh mudanna in la bogaadiyo odayaashii iyo waxgaradkii beesha ee suurta geliyey wanaagga aan kor ku xusnay, waxayna ku gaareen horumarkaas iyagoo mar walba amuurahooda saldhig uga dhigayey dariiqa alle. Ilaahay ha u naxariisto, kuwa badan oo lafdhabar u ahaa ku hagidda beesha dariiqa wanaagsan ayaa ifka ka tagay, waxaana alla ka baryeynaa inuusan iyaga gadaashood na fidnnayn nagana dhigo kuwo raaca dariiqii wanaagsanaa ee ay bulshada u horseedeen. 

Gaar ahaan, mar haddii uu Allihii abuuray uu isagu oofsay odagii hoggaanka muddada dheer u hayey beesha Reer Garaad Sh. Maxamuud Sh. Cabdullahi “Ilaahay ha ka abbaalmariyo wanaagii uu ummadda Islaamka ka dhex sameeyey” ayaa waxaa lagama maarmaan noqotay in la buuxiyo kaalinkaas isla markaasna dib u habayn lagu sameeyo qaab-dhismeedka beesha.  


Masawirka sare (bidix ka bilow) Xaaji Nabadoon Maxamed Barkhadle, (dhexda) ninka ku jira waa Garaad Maxamed Sh. Maxamud iyo ninka midig jira oo ah Sh. Maxamud Macalin Yusuf.

Sida laga wada warqabo guud ahaan isbeddel ayaa ku yimid arrimaha la xiriira koboca bulshada, qaabka dhaqan-dhaqaale, dhaqan bulsho, iyo midka siyaasadeed ee beelaha Soomaaliyeed; waxaana lagama maarmaan ah in lala tilaabo qaado isbeddelka muuqda ee bulshooyinku samaynayaan.  Haddaba iyadoo beeshu mudda dheer u fadhiday kulankaa taariikh ah oo looga tashanayo danta iyo masaalixda gaarka u ah, dib u qaabaynta hoggaanka dhaqanka beesha, iyo xiriirka kala dhaxayn kara beesha Sade inteeda kale iyo guud ahaanba ummadda Soomaaliyeed, Ayey beeshu go’aansatay:

1- In magaca hogaanka dhaqanka beeshu noqdo GARAAD. Magaca Garaad waa isim soo jireen ah oo beeshu ku abtirsato.

2- In si buuxda beeshu ugu heshiisay loona gartay in Garaadka beesha loo caleema saaro Garaad Maxamed Sheekh Maxamud Sh. Cabdullahi.

3- In seddexda qaybood ee beeshu yeelato min hal nabaddoon oo mucayim ah isla markaasna deegaanka loo sameeyo gole shuuro “Guurti” (qaabka iyo xeer hoosaadka golaha guurtida dib ayaa looga tashan doonaa)

4- Beeshu waxay mar walba taageeraysaa midnimada guud ee beesha Sade. Qaab dhismeedka cusub ee dhaqanka beesha Reer Garaad ma aha mid wax u dhimaya ama liddi ku ah wixii dhaqan guud ah ee beesha Sade si midaysan isugu waafaqdo.

5- In beeshu ku dhaqanto shareecada Islaamka. Wax kasta oo mucaamil ah, beesha dhexdeeda ha ahaato, ama wixii kala dhexeeya beelaha kalaba waxaa aasaas looga dhigi doonaa isla markaasna  loo cuskan doona shareecada Islaamka. 

Ugu dambayn, beeshu waxay umadda Soomaaliyeed ugu baaqaysaa midnimo iyo in colaadda dhexdeeda ah la joojiyo, wadahadalnna lagu dhammeeyo mushkilada dhextaal.

Wabbillaahi Towfiiq.

Saxiixayaasha Bayaanka:

1- Nabaddoon Xaaji Maxmed Barkhadle Guuleed
2- Nabaddoon Sh. Maxamud Macallim Yusuf
3- Nabaddoon Macallim Cabdulqadir Cismaan Cabdi
4- Nabaddon Xaaji  Maxamed Axmed Faarax (Indhayare)
5- Nabaddoon Sh. Salaad Cabdille Maxamed
6- Caaqil Adam Cilmi Warsame – Wakiilka Jaaliyadda Dibadda. 

Masawiradii xafaladda dib ayaan idinkaga soo diri doonaa.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

10 Jawaabood " War-saxaafadeed Gabagabadii Shirweynihii Beesha Reer Gaaraad Uga Socday Degmada Ceelcadde "

  1. Asalaamu calaykum warraxmatullaahi wabarakaatuhu dhammaan bulshada Somaliyeed, gaar ahaan beesha Reer Garaad. Waxaan si gooni ah u salaamayaa Garaadka la doortay, Mohamed Sh. Mohamud Sh. Abdullahi. Ilaahay haku xafido, xilka aad qaadayna Ilaahay hakuu fududeeyo. Waa sunno ama jid wanaagsan go’aanka ay beeshu qaadatay oo ah in Ilaahay la raalli geliyo, shareecadiisana lagu dhaqmo. Yaa uga baahi badan Somali maanta, gaar ahaan Sade inay shareecada Alle oogaan si ay ugu yaraan ukala badbaadiyaan dhiiggoda meel kasta oo ay joogaan.

  2. Nasir says:

    Waa arin wanaagsan oo aya qaaday Beesha Reer Garaad. waxaan rajaynayaa dhamaan beelaha kale ee reer Sade in ayay ku daydaan walaalahooda.

  3. Omar M Jama says:

    ASC
    Salaanta Islaamka ka dib Anigoo ku hadlaaya Magacayga & Magaca beesha aan ka dhashayba waxaan hambalyo & bogaadin u dirayaa beesha walaalahaya ee Reer Garaad & Garaadka ay doorteen ee Garaad Mohamed Shiikh Mahamoud Shiikh Abdullahi.
    Allaha la garab galee Garaadka waan kugu taageereynaa xilkaas,waana ku garab taaganahay.

  4. Waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Beesha SADE gaar ahaan beesha Reer Garaad iyo Garaadka la caleemasaaray GARAAD Mohamed sh. mohamoud Sh, Abdullahi. Waxaan allaha awooda leh uga baryayaa in uu ku xafido mas,uuliyada uu qaaday.

  5. Bishaaro says:

    Asalaamu calaykum
    waxaan uhabayeenahay garaadka allah waxaan oo gabaya inuu ufudideey xiguu qaday ka naa digoo mid waxaa wanaagsan laaga daydo oo ku keena dhamman walaalyaasha sade

  6. A/shahuur says:

    Salam kadib waxaan Hal kaan uga hambalyay naynaa anigoo ku hadalaya Afka Beesha Re Ali Hussein .Garaad ka Beel weynta Re Garaad sida wanaga towfiiqda iyo wada jirka leh ee lagu caleemo saaray Gadaad maxamed shaikh maxamud waxaana Alaah oga bar yaynaa in uu ku garabgalo

  7. ibnu xasan says:

    as,wr,wb, waa wax wanaagsan una haboon in sharciga allaah sw lagu dhaqmo waxii ka soo haray ku dhaqankeedana waa gaalnimo iyo shirki waana ku mahadsanyihiin beesha hadii ay sidaa qaateen. laakiin sow ma,aha in ay beesha is garabtaagto shareecada ka hana qaaday gobolka iyo dhamaan dalka soomaaliya oo aan arkeyno in uu cadaw inta ku soo duulay uu diyaarada la dhacaya marka ma waxaan sireysaneynaa in aan ku dhaqmeyno shareecada alle si markaa ay nooga leexdaan cadawga shareecada la dagaalankeeda sow ma,ahayn waxii loogu duqeynaayay diyaaradaha ceelcade mise tan alshabaab madaxda ka yihiin waa masiibo oo tanbaa tii saxda aheyd ah.allaah sw ayaa og waxa saxda ah. laakiin waxaan ogahay ragga hambalayada iyo bogaadinta dirahaya in aanay ka aheyn shareeca jacayl ee ay ka dhigteen sidii ninkii yiri aniga ma waxaan ahay uun ilaa waxii reer hebel ay yihiin mooyee hadii ay toosaana waan la toosi hadii ay lumaana iyagaan ka mid ahay marka shareecada illaahay halaga daayo nin jecleysiga hana laga runsheego inta wali lanoolyahay.waxaan la hadlayaa waa wiilasha reer sade oo doonaya in ay sida ninkaa oo kale naga dhigaan oo hadii uu sade diin qaata waan la qaadaneynaa hadii uu ka tagana ma waxaan sade ahayn baanahay

  8. Abu Zainab says:

    Aslaamu Calykum
    Waxaan halkaan Hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa dhamaan Beesha SADE gaar ahaan Beesha Reer GARAAD, iyo GARAAD mohamed Sh Maxamud Sh abdullahi waxaan leehay Hambalyo. waxaan ilaahay ooga barya yaa inuu ku xifdiyo kaana dhigo ii umada khayr iyo wanaag u horseedo.

  9. SCWW MARKA HORE WAXAAN HALKAAN HANBALYO U GUDDBINAYAA WALLALKEY SAXIBKEY QALIGA AH OO LOO DOIORTEY GARADKA BEESHA REER GARAAD MAXAMED SH.MAXAMUD WAXAAKU LEE YAHAY6 HANBALYO ILAAHEY HAKULA GARSB GALO XILKA LAGUU MAGACAABEY AAMIN AAMIIN

  10. Asalaamu calaykum waraxmatullahi wabaraakutuhu.salaanka dib waxaan hambalyo u dirayaa dhamaan beelweynta reer garaad meel kasta ay joogaan caleemasarkii Garaad Maxamed Sheekh maxamuud sheekh Cabdullahi,waxaan sigaar ah ugu hambalyeynyaa Garaad Maxamed sheekh Maxamuud waxaana Allh ooga baryayaa inuu u fududeeyo xilka culus oo ay beeshiisa u dooratay waxaan kale oo aan hambalyo udirayaa nabadoonada la shaqaynaya garaadka dhamaantood waxaan leeyahay hambalyo iyo guul kuwaara wasalaamu calykum waraxmatullahi wabaraaktuhu.