Home » Archive Daily January 6th, 2012
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo booqasho hal maalin ah ku tegay magaalada Beled-weyne kulamana la qaatay qeybaha Bulshada iyo saraakiisha Ciidamada (Sawiro)
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi ballaaran oo uu hogaaminayo ayaa saaka gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaasoo dhowaantan ay ciidamada dowladda oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ay kala wareegeen kooxdii nabadiidka ee Al shabaab, waxaana socdaalkan oo qaatay hal maalin galabta 6-dii maqribnimo ay dib ugu...
Hambalyo iyo bogaadin ku socota Garaad Maxamed Garaad Sheikh Maxamuud
Annaga oo ah Aqoonyahanadda,Macalimiinta Dugsiyada Sare iyo Dugsiyayada Hoose-Dhexe ee Gobolka Gedo ee ka Hawl-galo 95 – Iskuul oo isugu jiro Sare iyo H/dhexe oo ku kala yaalo Degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Gedo, waxaan halkaan uga Diraynaa Habalyo, Bogaadin iyo waliba soo dhaweyn ay Farxadi ku dheehan tahay Garaadka Guud ee Beesha Ree Garaad (Garaad Max’ed Garaad Sh. Max’uud...
Tacsi ku socota dhamaan reer Aadan Waraabe iyo inta taqaan marxuun nabdoon Maxmed Aadan Waraabe
Innaa ilaahi Wa innaa Ilaahay Raajicuun. Anaga oo ah dadka uu magacooda hoos ku xusan yahay, isuguna jira mas’uuliyiin, aqoon yahano, ganacsato iyo wax garad kuna kala sugan Qaaradaha Dunida, kana tiiraanyeysan geeridii naxdinta laheyd ee ku timid nabdoon maxamed aadan waraabe oo ku geeriyooday deegaanka ceelasha biyha ee gobolka Sh/hoose oo dhawaan uu ku xanuun sanaa Waxaan ALLE uga baryaynaa...
Tacsi ku socota qoyska iyo qaraabada Alle ha u naxariistee marxuum Nabadoon Maxamed Aden Waraabe oo maanta ku dhintay ceelasha biyaha ee magaalada Muqdisho.
Inaa Lilaahi wa Inaa Ilaahi raajicuun. Ma dhinte waa Eebe, naf walbana in ay MAWTKA DHADHAMINEYSO WAA XAQIIQ. Rabbi ha u naxariistee waxaa maanta ceelasha biyaha ee magaalada Muqdisho ku dhintay marxuum Nabadoon Maxamed Aden Waraabe. Geerida marxuumka waxaa la ogeysiinayaa dhamaan qoyskiisa, qaraabada iyo dhamaan asxaabtii uu ka tagay meel kasta oo ay joogaanba.
Rabbi marxuumka ha u naxariisto,...
Mahiga oo Xildhibaanada Soomaaliya ugu Baaqay in ay Wadahadal ku Dhameeyaan Khilaafkooda
Nairobi, Kenya (AOL) – Ergayga Qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa sheegay in uu aad uga xunyahay khilaafka soo kala dhexgalay mudaneyaasha baarlamanka KMG ee Soomaaliya.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska qaramada midoobay u qaabilsan siyaasadda Soomaaliya oo uu ku saxiiixnaa danjire Augustine Mahiga ayaa loogu baaqay xildhibaanada Baarlamanka Soomaaliya in...
Madaxweeyna Shariif oo Sheegay in Mar dhow ay Shabaab ka Saarayaan Dalka oo Dhan
Muqdisho, Somalia (AOL) – Madaxweeynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in la joogo xilligii xarakada Alshabaab laga xoreyn lahaa guud ahaan dalka, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay barbar istaagaan ciidamada qalabka sida.
Madaxweeynaha oo qudbad ka jeediyay xaflad lagu soo bandhigayay waxqabadka maamulka banaadir ayaa sheegay in dhawaan ay Xarakada...
Faahfaahin ku Saabsan Wafidigii uu Hogaaminayay Raysul Wasaaraha ee Booqday Beledweyne
Beledweyne, Somalia (AOL) – Raysul wasaaraha Soomaaliya Mudane C/weli Max’ed Cali (Gaas) iyo wafdi uu hogaaminayo oo maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa waxa si diiran garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi ugu soo dhaweeysay masuuliyiin katirsan maamulka dooxada Shabeelle, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan halkaasi, odoyaal Dhaqameed...
Duqeymo ka Dhacay Jubooyinka iyo Gedo
Garbahaareey, Somalia (AOL) – Diyaaradaha dagaalka dowladda Kenya ayaa duqeymo kala duwan ka geystay deegaano katirsan gobollada Gedo iyo Jubooyinka oo ay ku suganyihiin xoogaga Alshabaab.
Wararka aynu ka heleyno gobolka Gedo ayaa sheegaya in diyaaradaha Kenya ay shalay gelinkii danbe duqeymo ba’an ka geeysteen deegaanka Ceelcade ee gobolka Gedo.
Lama oga qasaaraha ka dashay duqeynta, waxaana...
Wafdi uu Hogaaminayo Raysul Wasaaraha Soomaaliya oo Gaaray Magaalada Beledweyne
Muqdisho, Somalia (AOL) -Wararka aynu saaka ka heleyno deegaanka Ceelcade ayaa sheegaya in ciidamada dowladda KMG iyo kuw Kenya ay saaka gacanta ku dhigeen deegaanka Ceelcade oo mudooyinkii danbe fariisin u ahayd xoogaga Alshabaab ee gobolka Gedo.
Dagaalyahannada Alshabaab ayaa la sheegay in ay deegaanka isaga baxeen iyadoo uusan dhicin wax dagaal ah, haseyeeshee waxa jiray duqeymo xoogan oo diyaaradaha...
