Related Articles
Codka Warbaahinta: Dhiig baxa shacbigu waa dhammaan dhagar u noolooyin!.
Asc. Dhammaan ummada soomaliyeed meel aad joogtaanba. Allaah (SWT), baa mahad dhamaanteed leh Rasuulkiisa Maxamed (NNKH), baa sharaf leh. Codka Warbaahinta ayaa ah kan ka ilaaliya ummadiisa dhammaan waxyaabaha xun xun guud ahaan. Gaar ahaan, dal masiibooyin iyo dagaalo sokeeye ka dheceen sida dalkeena hooyo. Waxay horseedaan barnaamijyo, wacyigelin iyo faa’iido ummadda u leh. Waxay dood cilmiyeed ku muujiyaan qilaafaadka jira, iyagoo la kaashanaya cidda aqoonta u leh iyo kuwa leh wax ka qabadkeeda.
Waxay ka digaan wixii wanaagga ummadda ka dhan ah, waxay qayb ka noqdaan dadaalna u galaan xasilinta iyo dejinta dalka iyagoo u maraya dariiqa ugu haboon. Waxay xushaan kuwa leh damiirka wanaagsan jecelna wanaagga. Waxay ka fogaadaan wixii dhib ummadda u keeni kara. Waxay dhiirigelin, toosin iyo tala bixin aan turxaan lahayn la garab istaagaan ummaddooda kuna abuuraan shucuur midnimo, nabad, wadaniyad iyo nidaam dawladeed.
Hadaba kuwa maanta ku matala codka warbaahinta magaca ummadda Soomaliyeed ayaa ku caan baxay 99%, cadaawadda iyo naceybka ummadda soomaaliyeed. Noqdayna kuwa u nool kuna nool dilka, kala dirka iyo kala daadinta ummadda soomaliyeed. Kicinta, kobcinta xiisadaha colaadeed, bogaadinta; dhiiri gelinta daadashada dhiigga ummadda, damqinta iyo ku liiliijinta warmaha boogaha aan weli biskoon. Soo dhaweynta iyo u gacan haadinta cid kasta oo ka qaawan damiir, wadaniyad iyo aqoon.
Waxay darseen meel kasta oo ummaddu ka nugushahay. Waxay u adeegsadeen xirfadooda iyo codka warbaahinta oo ay ku matalaan magaca ummada soomaliyeed. Waxay isku dhaarsadeen in aan ummaddu degin, nabad helin oo laba ka mid ah wanaag dhexmarin. Waxaa in badani la yaaban tahay, ama is weydiinaysaa sida ay ugu sahlan tahay abuuridda dhibka ummadda soomaaliyeed oo ay ugu adag tahay ka shaqeynta wanaagga iyo waxa u diidey?
Hadaba maxay tahay cadaawadda intaa la’eg ee warbaahintu u qabto ummadda soomaaliyeed? Waxaan qabaa in aan jawaabtu meel fog jirin. Waayo, waxay ku dhismeen xaaraan, sharci daro iyo aqoon la’aan. Waxay qabaan haddii sharci, maamul iyo kala dambeyn ummaddu hesho in aysan jiri doonin. Haddaba maxaa la gudboon ummadda soomaliyeed? Waxaan qabaa mar haddii codka warbaahintu ku caan baxay caadeysteyna cadaawadda, NABADA, MIDNIMADA DADKA IYO DALKA SOOMALIYEED, in ay tahay lagama maarmaan iyo waajib lama gudbaan ah. In loo arko loona aqoonsado, kuwooda arintan ka dhigtay, dastuurka iyo in ay xaq u leeyihiin dibindaabyada ummadda iyo dariiqaas foosha xun Cadowga 1aad ee ummadda soomaaliyeed sidaasna loola xisaabtamo.
Waxaan aqristoow halkan kuugu soo gudbinyaa tixdan gaaban oo ku wajahan warbaahinta maanta. Magaca gabayga ayaa ah DHAGAR U NOOLE. Adinkoo mahadsan mar walba aqris iyo dhegaysi wacan.
Dhageyso gabayga Dhagar u Noole
INTUU NABAD DHAYDHAYI LAHAA SHACABKA DHIIFAYSAN
DHAWAAQ DHIILA WADA IYO COLAAD HA U DHISNAADEEN
DHAGARTIYO DHIBAATADA SHACBIGA HA U DHAGTAAGEEN
KOLKII UU WANAAG YARI DHASHABA HAW DHIGAAN QALADE
DHIDIBADA HA SIIBAAN MARKII WAX U DHAQAAQAANE
DHARKANA HA U XIREEN WIXII KA DHANA HANA KU DHAARTEENE
MAKAROOFAN HAYS DHINIC WADEEN HAYSKU DHERERSHAAN
HADBA DHIDAR DHUFEYS UGU JIRIYO KII AH DHIMIR LAAWE
DHUGLAAWE AN WANAAGU U DHADHAMIN HA U DHIGAAN MIIS
DHARKEYN IYO HASOO DHIRINDHIRSHEEN SUN IYO DHUUNKAAL
OO HAYSUGU DHAFEEN ERAYO AY KALA DHANTAALEENO
DHAMAC IYO DHIMBILO HA U SHIDAAN HANA U DHIIBAAN
DHAN WALABA HA U DHOOFSHEEN MARKUU BUUSHO DHOOMAHA
DHAMBAALADA HA WARIYEEN BULSHADA DIB U DHECEEDA AH
WIXII DHAAWACAHAYAHABA HAWADA HA U DHAQAAJAAN
HA KU DHIIRI GALIYEEN DHAC IYO DHIIG IN UU GALO
DHALANTEEDKA HAYSAGA DHIGEEN DHOOL GU’ OO DA’AYO
DHEXDHEXAAD HA SHEEGTEEN INTAY BALO DHARDHAARAAN
DHAKAFAAR NAFLUHU HAW DHINTIYO DHAYGAG IYO YAAB
TAARIIKHDU DHUMIMAYSO OO WAA MID AAN DHIMAN
WAXA AAD DHIGTAAN OO DHAHDAAN BAA DHITA AHAANO
DHIIG BAXA SHACBIGU WAA DHAMAAN DHAGAR U NOOLYIN
AFARTAAS DHIDBAYE BAL AN MID KALAE ARAGTIDOOW DHAAFO
DHULKAYGIYO DHACDADA MAANTA TAAL AAN KA DHAHO WEEDHAN
RABBINA U BANDHIGO TALADA TII UU DHAHAA DHIGANE
CALANYAHOW DHARAAR IYO HABEEN DHABANKA DUUGAYA
CIIDYAHAY LA DHALAN ROGAY HADANA DHABARKA LOO TUURAY
UMMAD YAHAY DHIB MOOYEE AN WELI DHEEFSAN CUDUDEEDA
INKASTOOYSAN DHAAYUHU ARKEYN WIXII AN DHAWRAAYEY
BOQOLKIINA DHAWR TAHAY WAX RABA INAAD DHISNATABA
OO UU DHIF IYO NAADIR YAHAY QARAN MID LOO DHIIBO
HAYEESHEE XAQAAGII DHIGMAA QEYRKA KUU DHALIYE
RABBINA WAA KUU DHEEHANAHAYAA WAA AAD DHEGAYSAYE
NASIIBKAAGA OON KALA DHINEYN KUU DHAMMAYS TIRANYEEY
AAMIIN.
——–
A.Y. JAMA Abdullahi Isim
abduldjamal@yahoo.com
————
HOOS KA AKHRI AMA KA DHAGEYSO QAAR KA MID AH GABAYADII HORE EE ABWAAN CABDULAHI ISIM:

Waa gabay wanaagsan mansha alah idaacaduhu waa qabqablayaal qurmay
marka hore waxaan umahad celineyaa aqoonyahanka iyo bahda reer gedo /tan kale waa run maanta waxaa soomaaliya ka jira warbaahin afsoomaaliga ku ku qoran ha,ahaadeen website ama raadiyada ama tv yada dhamaantooda waxaa ay fulineyaan ahdaaf iyo ajandiyaal dibadeed warbaahinta qaar ayaa waxaa laga leeyahay wadamada aan jaarka nahay iyagoo u istimaaleyaa ama ku fulineyaa hadafkooda aan leexleexadka leheyn kaasoo ah gumeysi cusub in ay geliyaan dalka soomaaliya waxaan kaloo jira kuwa soomaali ay leedahay laakiin cuqdad qabiil ama shakhsi uqaba umada soomaaliyeed waxaa kaloo warbaahinta ay maanta afsoomaaliga ku qoran ay ku tartamaan sidii ay weji uga helilahaayeen melez iyo kibaaki iyo museveni oo soomaaliya usoo direy ciidan xasuuqa dadka soomaaliyeed waxaa kaloo arin lala yaabo ah in maanta warbaahinta qaar ay buunbuuniyaan dacaayadaha iyo beenta gumeysiga sida markii keenya ay duqeeyso gedo ama juba waxaa ay sheegaan waxaan dilney shabaab laakiin waxaa soo baxa durbadiiba in ay xasuuqeen dad sheceb aan aan waxba galabsan marka warbaahinta soomaalida waxaa ladhihi karaa ma,ahan mid umada uadeegeysa xaqa iyo waajibka ka saaran difaaca dalka iyo dadkana ay ka gaabiyeen waxaa kaloo wax lala yaabo in warbaahinta qaar isu bedeleen soomaali ilaa keenyaati ayna buunbuuniyaan wararka been abuurka xukuumada keenya ay sheegto marwelba ay duqeyso dad sheceb ah aniga waxaan qabaa warbaahintaas in la ceebeyo loona sheego shecebka soomaaliyeed in aysan dheysan warkooda iyo beentooda laguna xisaabtamo godob kasta ay ka galaan dalka iyo dadka iyo diinta /////////// kacdoonka looga hortageyo xasuuqa keeenya itoobiya ugaanda iyo dhamaan cidii ku soo xadgudubto shecebka soomaaliyeed /http://www.somaliwalalo.com