Home » News »

Xildhiban laga soo doortay Kamukunji oo soo gaaray dalka Maraykanka lana kulmay Soomaalida Ohio (Sawiro)

Boqolaal Soomaali ah ayaa ka soo qayb gashay xaflad soo dhaweyn ah oo loo sameeyay Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka mid ah xildhibaanada dalka Kenya, lagana soo doorto Xaafada Kamukunji. 

Halkaan ka daawo masawiro badan oo ku tusaya qaabka magaalada Columbus loogu soo dhaweeyay xildhibaan Yuusuf Xasan.

Xildhibaanka oo maalinimadii shalay soo gaaray magaalada Columbus Ohio ee dalka Maraykanka, waxa ay xafladani u ahayd fursad xoogan oo uu kula hadlo qurba joog, u badan Aqoonyahan, Siyaasiyiin, iyo Waxgarad ka kala socday qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxaa uuna xildhibaanku si buuxda uga warbixiyay xaalada Nololeed,Mida horumarineed, Mida Amni iyo dhanwalba, Soomaalida Islii ee uu Xildhibaanka u yahay. Iyo Taariikhdiisa xariirka Caalamigaa ee uu leeyahay. 

Xildhibaan Yusuf Xassan oo ah saxafi rug cadaa ah, waxa uu xusay in xaafadaha Kamukunji ee laga soo doortay ay yihiin 7 xaafadood oo labo ka mid ah ay Soomaalidu si buuxda u daganyihiin. Asaga oo dhanka kale xusay in xildhibaanka laga soo doorto xaafadaha kale ee kenya uu yahay kenyati qaas ah, halka midka laga soo doorto kamagunji uu yahay xildhibaan Soomaali ah oo ka shaqeynaya danaha labada dal iyo shucuubta labada dal sidii ay ugu noolaan lahayeen nabad iyo horumar. 

Dhibaatooyinkii jiray oo uu xusay in uu qaar kamid ah wax ka qabtay mudadii uu xildhibanka ahaa ayaa waxa uu ka xusay, isku keenida soomaalida Islii gaar ahan inta waxgalka bulshada u ah, Wax ka qabashada amnidarida, iyo sidii soomaalida bilaa sharcigaa sharci loo siinlahaa, dhinaca kale ayuu xusay in ay Islii ka hirgaliyeen koronto galin aad u saraysa, halka ay socdaan qorshayaal dhismo wadooyin iyo waxyaabo kale o badan. 

Isga oo sharaxayay galitaanka ciidamada Kenya ee Somalia, waxa uu yiri “Ugu horeeyn anigu mahi xibin ka tirsan taliska Kenya, balse waxan ahay xildhibaan Soomaaliyeed oo baarlamaka Kenya ku jira, dowlada Kenyana uma arko in ay ku duushay qarankii Soomaaliyeed ee waxan u arkaa in ay dalkeeda ka difaacayso niman Burcad ah oo soo handaday, kuwaas oo ah Al-shabab marka lama dhihi karo waxay Kenya ku duushay Somalia” ayuu yiri xildhibaanka oo dhanka kale xusay in Dastuurka cusub ee dalka kenya uu yahay mid xoriyad xanbaarsan isla markaana qofwalba oo Kenya ku nool ee aan danbiga galin uu xaq u leeyahay in uu nabadgalyo ku noolaado. 

Waxa uu muujiyay in aysan xubanaha Soomaalidaa ee ku jira dowlada kenya aysan aqbali karin in dad shacab ah lagu laayo si aan sharci ahayn, isaga oo dhanka kale xusay in Kenya ay Somalia la doonayso daganaansho iyo in loo soo celiyo qarankoodii.

Gobolada Soomaalida ee dalka kenya ayuu xusay in ay yeelanayaan maamulo madaxbanaan sida Wajeer, Mandhera, Gariza, iyo kuwo kale oo la dooran doono Governars cusub oo maamula dhinaca dhaqaalaha, nabadgalyada iyo dhinacyo kale, waxa una isbadalkaasi ku sifeeyay mid qayb ka qaadan kara in Soomaalidu helaan nolol isbadal xanbaarsan. 

Waxa uu xaalada Somalia ku tilmaamay in ay iminka tahay (Lose,Lose) oo uu ku mecneeyay ana waayay ee adana waa oo uusan jirin isku tanaasul, iyada oo taa badalkeeda loo bahanyahay, (Win, Win) iyo in soomaalidu ka gudbaan caqabada 21 jirsatay ee Somalia.

Kahor inta uusan xildhibaanku ka hadlin xafladan waxaa hadalo kala duwan ka soo jeediyay, wakiilo ka kala socda qaybaha bulshada, oo ay ka mid yihiin, Madaxa gudiga qaban qaabada xafladan, Abdirisak Hared, Suldaan fiqi, Gudoomiyaha jaaliyada, Hassan Ali Omar, C/laahi Max’ed Farah, Muuse Farah oo ah Commissioner ka golaha talobixinta ee degmada, shahaadooyina gudoonsiiyay xildhibaanka.  suldaan, Ibrahim Max’ed dacar,Suldaan Faro Cade, Gudoomiyaha SDSI Abdigani Ali Diini, Dr: Max’ud Sheeikh Maxed, Maryan Omar,Jibriil Maxed oo ah madaxa SOMALICAN,Farxiyo Max’ed Shire oo ah Gabar aqoonyahanad ah isla markana ka qayb qaadata arimaha bulshada.

Tariikhda Xildhibaan Yuusuf  Xasan oo gaaban 

Waxa uu ku soo koray dalka Kenya oo uu waxbarashadiisa Hoose ilaa dugsi sare jaamacad ku qaatay dalka kenya iyo Tnzania, waxa uu jaamacado kala duwan ku soo dhameeyay South Afrika oo uu PHD ku diyaariyay, Boston USA iyo London, ayaa ka mid ah meelaha uu jaamacada uga baxay,waxa uu in mudaa ka soo shaqeeyay dhinaca saxaafada caalamka iyo mida Soomaalida, waxa uu ka bilaabay idaacada  dalka Kenya ee Voice of Kenya, kadib BBC ayuu ku biiray isaga oo dalka Ingriska tagay, waxa uuna ka shaqeeyay qaybaha Englishka, Sawahiliga, iyo Somaliga, oo uu madax ka aha xiliyada qaar, waxa uu mar mar ka soo warami jiray qaarada Africa oo uu xaalada cakiran ee Africa soo tabin jiray, waxa uu ka soo shaqeeyay VOA , waxa uu ka sii aaday Tvga iyo idaacada dalka Namibia, waxa uu ka sii aaday Qaramada Midoobay  dhinaca Samafalka, oo uu kala shaqeeyay Johannesburg  Konfur Africa, Mosambik, Angola Zambia,Malawi, waxa uu ka sii aaday dalal ku yaala Eshia, wax auu ku soo laabtay xarunta Qaramada midobay ee New York, oo kla talinayay arimaha qaxootiga iyo samafalka. Waxa ugu sii xigay Xaafiiska IRIN ee Q.Midoobay oo uu maamule, iyo maamule ku xigeen ka soo noqday, isla qaramada midoobay ayuu markale howlo uga qabtay Nairobi, isaga oo sanadkii 2010kii ka soo tagay shaqadaasi. Kadibna isku taagay xildhibaanimada
kamukunji.

Lama soo kobi karo Taariikhda xildhibaanka waxbaanse idinka soo qaadnay, sikastaba arintu ha ahatee Xildhibaanka waxa uu u taganyahay xilka Madaxnimada Kenya ee nagu soo aadan,  Sida uu xafladan ku shaaciyay.

———-
Deeqo Shire SONNA, Columbus Oh USA
Deeqosonna@gmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

5 Jawaabood " Xildhiban laga soo doortay Kamukunji oo soo gaaray dalka Maraykanka lana kulmay Soomaalida Ohio (Sawiro) "

  1. Abdi-qaadir says:

    Mudane Dr. Yuusuf Hassan waa la soconaa taariikhdiisa, waa rug caddaa waayo-aragnimo dheer leh ugu danbeyntiina waxaa laga soo doortay magaalada Nairobi oo uu ka yahay MP, waa yar yahay somali heysta credentials uu haysto iyo experience-kiisa isagoo ka soo shaqeeyay adduunka oo dhan iyo aqoontiisa dhowr jaamicadood oo reer galbeed ah. Waxaan u rajeyneynaa GUUL,allahana u fududeeyo howlahiisa.

  2. ali says:

    DR yusuf hassan abdi waxuu ku daashay kenya adigana waxaatiirii kenya iyuu ku so koray waad qaaldaaantahay ie saax waaxaad qoortaay sxb

  3. axmed says:

    hada ka shaqee danaha somaliyed hanoqon sidi ey noqdeen hogaamiyasha somaliyeed oo qabiilka ku waashay adiga waxa ilahay kaa dhaliyaa qabiil tiro badane u shaqee danta somaliyeed asc

  4. mudane DR yuusuf waxaa la oram karaa waa ninkii raadin lahaa xaquuda somali kenyanka ee maqan sidaan la socon somalida kenya waa dad dulman marka yaa raadin karo waa qof expirence u leh

  5. Kenyan says:

    @Fahad Xaquuq nagama maqna hadaan nahay Somalida Kenya wexeena waan haysanaa! Xaqdaro hadii nalaku haayo MP Yusuf hasan kama soo bexeen Nairobi.Kenya waa democratic tartanka wey wada galaan Ninka Somaliga ah iyo ninka kukuyada ah. qabiilkasta ama shaqsi kastaoo Kenyan ahna lama xaqiro maxkamado ayaa jira kala xaqsoora. waana wadan hormaray lagana aqoon sadbursi ninkii laga codbatana nasiibkiis.