Home » Archive Daily January 28th, 2012

Ciidamo kasoo goostey Maamulka Somaliland oo Galabta soo gaarey Magaalada Buhoodle ee gobolka Cayn (sawiro)

Jan 28, 2012
Buuhoodle, Somalia (AOL) – Galabnimadan maanta oo ah Sabti waxaa magaalada Buuhoodle ee gobolka cayn soo gaarey ciidamo ka tirsnaan jirey ciidamada Somaliland ee magaalada Laascaanood gaar ahaan kuwo ka baxsaday saldhigyada kala ah Saldhiga dhexe,Saldhiyga Wadnaha & kan bariga Laascaanood.  Ciidamadan oo badankoodu yahay kuwo booliska isla markaasna ay weheliyaan tiro yar oo ciidamada mileterig... 

Xiisado colaadeed oo ka taagan degaanka Huftiro ee gobolka Sool.

Jan 28, 2012
Huftiro/Sool (Somalia) – Degaanka Huftiro ee gobolka Sool ayaa maanta laga soo sheegaya xiisado colaadeed oo u dhexeeyo dad xoolo dhaqato ah oo ku wada nool degaankaasi,waxaana ismaandhaafkan sababay isku-qabsi ceel biyood oo degaankaasi ku yaala. Dhalinyaro hubeysan oo kasoo jeeda Degaanka Huftiro ee gobolka Sool ayaa la sheegey inay dad reer guuraa ah oo ka soo jeeda bariga Burco ee gobolka... 

Tacsi ku socota qoyska iyo qaraabada AUN marxuum Ex G/Sare abuukar Sankuus Ibraahin oo dhawaan ku dhintay magaalada Shaakiso ee dalka Itoobiya.

Jan 28, 2012
Rabbi ha u naxariistee waxaa maalintii Jimcihii shalay aheyd ku dhintay magaalada Shaakiso ee dalka Itoobiya marxuum Ex G/Sare Abuukar Sankuus Ibraahin oo intii muddo ahba halkaas ku xanuunsanaa.  Marxuunka waxuu ifka uga tagay 27  warasadiisa ah oo isugu jira waxuu dhalay iyo waxay sii dhaleen. Haddaba, anaga oo ah dadka uu magacooda hoos ku xusan yahay ayaa waxaan tacsi u direynaa qoyska iyo... 

Somali prominent journalist shot dead in the capital tonight

Jan 28, 2012
Somali Exiled Journalists Association (SEJASS) is dismayed to learn that two unknown gunmen killed one of the prominent Somali Journalists in Mogadishu tonight.  Hassan Osman Abdi known as “Fantastic” was the Senior director of Shabelle Radio and was shot dead by two men with pistols when he was coming to his home in Nasteh village at Wadajir district in the capital.  He was rushed to... 

Agaasimihii Idaacadda Shabeelle oo goor dhow lagu dilay Muqdisho

Jan 28, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Allaha u naxariistee Kooxo hubaysan ayaa salaadii maqrib kaddib degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dilay Agaasimaha Warbaahinta Shabelle Xasan Cismaan Cabdi (Fantastic).   Masawirkaan waa Agaasimahii Warbaahinta Shabelle Xasan Cismaan Cabdi (Fantastic) oo ay galabta dabley aan heybtooda la garan ku dileen gurigiisa oo ku yaal xaafadda Nasteexo ee Degmada Wadajir... 

Xiisad ka Taagan Nawaaxiga Degmada Luuq ee Gobolka Gedo

Jan 28, 2012
Luuq, Somalia (AOL) – Wararka aynu ka heleyno magaalada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in ay halkaasi ka jiraan xiisado dagaal oo xoog leh, kadib markii ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG iyo Itoobiya ay halkaasi ka bilaabeen dhaqdhaqaaqyo ciidan. Boqollaal gaadiid noocyada dagaalka ah oo ay leeyihiin Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya ayaa la sheegay in ay kasoo ambabaxeen magaalada... 

12 Milyan oo Doolar oo lagu Xiray Siideynta Wariye Mareykan ah oo lagu Heystay Soomaaliya

Jan 28, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Burcad badeeda Soomaalida ah ayaa kuxiray siideynta wariye u dhashay dalka Mareykanka oo u afduubnaa lacag gaareysa ilaa $12 (Laba iyo toban Milyan oo Doolar). Madaxweeynaha maamul goboleedka Galmudug Max’ed Axmed Caalim ayaa sheegay in uu ku guuldareystay isku day uu ku doonayay in lagu sii daayo wariyaha u afduuban burcad badeeda, isagoona sheegay in burcaddu ay... 

IGAD oo Isku Raacday in Hal Dhinac looga soo Wada Jeesto Cidii kahortimaada Heshiiskii Kampala

Jan 28, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Kulan ay isugu yimaadeen wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya ayaa madaxdii kulanka ka qeybgashay waxa ay isku raaceen in tallaabo cad laga qaado cidii kahortimaada heshiiskii ka dhacaya magaalada Kampala ee dalka Uganda, qorshaha Roadmap-ka iyo weliba heshiiskii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Garoowe. Safiirka... 

Dowladda Itoobiya oo Sheegtay in ay kusii Sugnaan Doonto Soomaaliya

Jan 28, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Dowladda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ay sii wadi doonto dagaallada ka dhanka ah Xoogaga Alshabaab ee ay ka wado Soomaaliya. Raysul wasaaraha dowladda Itoobiya Meles Zenawi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadoodu ay ku sii sugnaan doonaan gudaha Soomaaliya, isagoona sheegay in goobaha ay Alshabaab ka qabtaan ay ku wareejin doonaan ciidamo katirsan kuwa...