Related Articles
Muqdisho, Somalia (AOL) – Kulan ay isugu yimaadeen wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD oo ka dhacay magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya ayaa madaxdii kulanka ka qeybgashay waxa ay isku raaceen in tallaabo cad laga qaado cidii kahortimaada heshiiskii ka dhacaya magaalada Kampala ee dalka Uganda, qorshaha Roadmap-ka iyo weliba heshiiskii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada Garoowe.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya Yuusuf Nuur oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkii wadamada IGAD ku yeesheen Itoobiya looga hadlay in la meelmariyo heshiiskii Kampala, qorshaha Roadmap-ka iyo kii Garowe, isagoona intaa ku daray in madaxda wadamada IGAD ay isku raaceen in tallaabo laga qaado cidii jabisa heshiisyadaasi.
Danjiraha ayaa intaa ku daray in shirka la isla soo qaaday howgallada ay ciidamada Kenya, Itoobiya iyo kuwa AMISOM ka wadaan Soomaaliya oo uu sheegay in la go’aansaday in ciidamadaasi ay dhex marto wadashaqeyn ku aadan sidii loola dagaalami lahaa xoogaga Alshabaab ee ku sugan Soomaaliya.
Danjiraha ayaa sidoo kale sheegay in madaxda wadamada IGAD ay ka wada hadleen sidii loola shaqeyn lahaa dowladda KMG islamarkaasina meesha looga saari lahaa xoogaga Alshabaab ee ku sugan inta badan gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.
Madaxda IGAD ayuu safiirku ugu danbeyn sheegay in ay ugu baaqeen mudanayaasha baarlamanka KMG ee Soomaaliya in ay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka dhexdooda ah.
Kulanka ay isugu yimaadeen wadamada urur goboleedka IGAD ayaa kusoo beegmaya iyadoo la filayo in maalinta berito ah uu ka dhaco magaalada Adisababa shir ay kasoo qeygali doonaan madaxda dowladaha ururka midowga Africa, kaasoo waxyaalaha looga hadli doono ay ku jirto arinta Soomaaliya.
C/qaadir Faarax, Muqdisho/Somalia

”Shimbirayahoow Heesa Hees wanaagsan heesa” hadii ay daacad ka tahayoo la rabo soomaaliya in doowlad ay noqoto maa laga hadlo Nabadayn, Dhaqaalo abuuris, Shaqo abuuris, Caafimaad, Dib u dhis, iwm, waa iyada Ethopia ay dabada ka wado 3 jabhadood, Kenyana ka wado 3 jabhadood, afkana ay ka dhahaan doowladaan taageeraynaa kulligood waa Daalimiin, mana rabaan Soomaaliya inay Doowlad ka dhalato ama Diintooda ay xor u noqdaan. Teeda kale u fiirso haday daacadnimo jirto Dhaqaalaha lagu bixiyey in ay doowladahaan soo geliyaan Ciidamo, Madaafiic Hub, Rasaas, Raashin, Daawo, Shidaal, Gadiid yar yar iyo mid waaweyn, Tuutaha, Kabaha, iyo Mushaar iyaga la siiyo waa immisa Milyan oo dollar lacagtaas, Aniga shaqsi ahaan waxaan aaminsanahay hadii lacagtaas iyo dadka wax bartay ee soomaalida wadankooda xor looga dhigo inay ahaan lahaayeen kuwo dunida ugu horeeya, laakiin taas marna ma dhici doonta oo Ilaahay baa quraankiisa noogu sheegay Gaalo inaysan marna raali ka noqonaynin qof muslin ah iyo horumarkiisa, waana taas keentay in gaalada ay yiraahdaan waxaa Soomaaliya xukumaya Qabqablayaashii dagaalka, Dambiilayaal qaran iyo wax ma garato. waana fikradayda, Allgedo waad ku mahadsan tihiin inaan commentiskayga dhiibto.