Home » Archive Daily February 2nd, 2012

Wasiirka Arrimaha dibadda dawlada Ingiriiska oo booqasho ku tagay Muqdisho

Feb 2, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo wasiiska Arrimha dibadda galka Ingiriiska William Hague oo maanta soo gaaray magalaad Muqdisho ayaa kulan ay albaabada u xiran yihiin la yeeshay madaxweynah Soomaliya Shariif Sheeikh Axmed, kulanka kaddibna  waxaa warbaahinta la hadalay wasiirka arimha dibadda Soomaaliya Maxamud Maxamed Ibaarhim waxuuna ka war bixiyay  waxyaabahii ay... 

Gabay: Damiir la’aani waa balee maxaa Soomaalaay ina dareen qaaday? By Abdi Jiijiile

Feb 2, 2012
Asalamu Alaykum Warahmah. Akhriste, waxaan ahay gabayaa ka mid ah dhalinyarada qurbaha ku kortay. Waxaan ahay gabayaa Soomaali ah. Waxaan jecelahay in aan jiilka cusub oo aan ku jiro ay meesha ka sii wadaan taariikhdii taxanaha ahayd ee gabayada Soomaalida. Hadda waxaan tiriyay gabayga hoos ku yaal oo aan uga waramayo xaaladda dadkeenu maanta ku sugan yahay iyo sida aan u arko. Runtii waa gabay... 

Qabanqaabada Caleemo saarka Ugaaska Beesha Xasan Gaashireedle oo si habsam leh uga socota degmada Luuq ee Gobolka Gedo.

Feb 2, 2012
Qaban Qaabada iyo Diyaar garoowga hogaanka dhaqanka Beesha Xasan Gaashireedle oo ka mid ah Beelaha SADE ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay si habsami leh uga socotaa degmada Luuq ee Gobolka Gedo, waxaana maalmahii ugu dambeeyeyna degmadaasi gaarey Ergooyin aad u tiro badan oo ka kala yimid dalka gudahiisa iyo dibadiisa.  Maxamed Xuseen Cismaan (Ganey)oo ka mid ah Gudiga Qaban qaabada Caleemo saarka Hogaanka... 

Ciidamada Dowladda KMG iyo Kuwa Kenya oo la Wareegay Gacan ku Heynta Badhaadhe

Feb 2, 2012
Kismaayo, Somalia (AOL) – Dagaal aad u xoogan islamarkaasina la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwana ayaa lagu soo waramayaa in duleedka degamda Badhaadhe uu ku dhexmaray xoogaga Alshabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya. Dagaalka oo socday mudo saacado ah ayay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya markii danbe la wareegeen gacan ku heynta degmada Badhaadhe oo ay... 

Dhaqtar Xalay lagu Dilay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo

Feb 2, 2012
Gaalkacyo, Somalia (AOL) – Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in ay xalay toogasho ku dileen dhaqtar caan ka ahaa magaalada Gaalkacyo oo lagu magacaabi jiray Dr. C/qaadir Max’ed Keynaan. Ilaa imka lama oga sababta ka danbeysay dilka Dhaqtarka, waxaana la sheegay in kooxo hubeysan ay gudaha usoo galeen goob caafimaad oo uu ku lahaa magaalada Gaalkacyo, kadib ay la dhaceen rasaas. Dad goobjogeyaal... 

Dagaal Culus oo Xalay ka Dhacay Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose

Feb 2, 2012
Kismayo, Somalia (AOL) – Dagaal aad u culus islamarkaasina la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa xalay saqdii dhexe gudaha magaalada Dhoobley ku dhexmaray xoogaga Alshabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya. Cutubyo katirsan dagaalyahannada Alshabaab ayaa la sheegay in ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen magaalada Dhoobley oo ay in mudo ah gacanta ku hayeen ciidamada... 

Talyaaniga oo ka Codsaday Dowladda KMG in ay ka Caawiso Siideynta Markab ay Heystaan Burcad Badeed

Feb 2, 2012
Rome, Italy (AOL) – Dowladda Talyaaniga ayaa ka codsatay dowladda KMG ee Soomaaliya in ay ka caawiso siideynta markab ay heystaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida kaasoo ay saarnaayeen shaqaale gaaraya 18 qof. Raysul wasaaraha dalka Talyaaniga Mario Monti oo kulan la qaatay raysulwasaaraha Soomaaliya Dr. C/weli Max’ed Cali ayaa ka codsday in dowladda Soomaaliya ay gacan ka geysato dadaallada... 

Qaramada Midoobay oo Sheegtay in la Xallin Doono Khilaafka Baarlamanka

Feb 2, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ergayga gaar ah ee hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga ayaa sheegay in aan indhaha laga daboolan karin khilaafka u dhexeeya baarlamanka dowladda KMG ee Soomaaliya, isagoona sheegay in hay’adda qaramada Midoobay ay xallin doonto khilaafka ka dhex aloosan baarlamanka. Danjire Augustine Mahiga oo hadal ka jeediyay kulan looga hadlayay...