Home » Archive Daily February 8th, 2012
Alaha u naxariistee waxaa caawa bartamaha magaalada Caabudwaaq lagu dilay Nabadoon Cabdulaahi Gayre Cigaal oo loo yaqiinay “Bawdo-kuus” (Akhri tacsida)
Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Bartamaha Soomaaliya (Somali Centaral State) mudane Maxamed Xayir Nuur iyo Guddoomiyaha Qurbajoogta beesha Wagardhaceed – Cali Jaamac Maxamed iyo waliba dadka uu magacooda hoos ku xusan yahay ayaa waxay si wada jir ah tacsi tiiraanyo leh ugu dirayaan qoyska iyo qaraabada uu ka tagay Allaha u naxariistee marxuum Nabadoon Cabdulaahi Gayre Cigaal oo loo...
Dagaal maanta mar kale ka dhacay deegaanada Sool-joogto iyo Maygaale ee degmada Buuhoodle iyo qasaare culus oo labada ciidan ee dagaalamay soo kala gaaray (Maqal iyo Masawiro.)
Buuhoodle, Somalia (AOL) – Xoogaga maamul goboleedyada Khaatumo State of Somalia iyo kuwa Somaliland ayaa uu maanta mar kale dagaal ku dhex maray deegaanada Sool-joogto iyo Maygaale oo ka tirsan degmada Buuhoode. Dagaalka ayaa waxuu bilowday aroornimadii hore ee maanta, waxaa jirta inay ciidamada labada maamul ee baryahaanba is horfadhiyay ay qolo walba sheegeyso in ayada duulaanka lagu soo...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub (Sawiro)
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Midowga Yurub Alexander Rondes oo ay la socdeen Madaxa EU ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale. Kulankan waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Difaaca Mudane Hussein Arab Isse, Wasiiru Dowlayaasha Arrimaha Dibedda...
Faahfaahin ku Saabsan Dagaal Maanta ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo
Gaalkacyo, Somalia (AOL) – Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeyso dagaal xoogan oo maanta gudaha magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray ciidamo katirsan maamul goboleedka Puntland iyo Maleeshiyo beeleedyo kasoo jeeda koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Dagaalka oo ahaa mid xoogan islamarkaasina laga dareemay guud ahaan magaalada Gaalkacyo ayaa inta la ogyahay waxa ku dhimatay lix qof iyadoona la xaqiijiyay...
Safiirka Turkiga u Fadhiya Soomaaliya oo Nasiib Darro ku Tilmaamay Hadal kasoo Yeeray Al-shabaab
Muqdsho, Somalia (AOL) – Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Camelettin Kani Torun ayaa nasiib darro ku tilmaamay hadal kasoo yeeray masuuliyiinta Al-shabaab, kaasoo lagu sheegay in dowladda Turkiga ay Soomaaliya ka qeybiso raashiin dhacay.
Safiirka ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay in ay Soomaaliya ka qeybiyaan Raashiin dhacay, wuxuuna sheegay in arin laga xumaado ay tahay...
Wafdi ka Socda Midowga Yurub oo Muqdisho kula Kulmay Madaxweeynaha Soomaaliya
Muqdisho, Somalia (AOL) – Madaxweeynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi kasocda Midowga Yurub, kaasoo uu hogaaminayay Wakiilka Midowga Yurub u Qaabilsan Bariga Afrika Elexder Roms.
Masuulkani ka socda Midowga Yurub iyo Madaxweeynaha Soomaalia ayaa ka wada hadlay marxaladda uu marayo dalka iyo weliba arimo ku saabsan shirka...
Madaxweeynaha Soomaaliya iyo Egayga Midowga Afrika ee Soomaaliya oo ka Wadahadlay Khilaafka Baarlamanka
Muqdisho, Somalia (AOL) – Madaxweeynaha dowladda KMG ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo ergayga midowga Afrika ee Soomaaliya, John J. Rawlings oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka wadahadlay khilaafka u dhexeeya mudanayaasha baarlamanka KMG ee Soomaaliya.
Ergayga gaarka ah ee midowga Afrika John J.Rawlings oo kulanka kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweeynaha Soomaaliya...