Home » Archive Daily February 10th, 2012
Barnaamijka Faaqidaada Todobaadka AOL oo aan kusoo qaadanay qodobo muhiim ah halkaan ka dhageyso.
Aalaaba, shabakadda Allgedo Online waxay akhriste-yaasheeda usoo gudbisaa dhacdooyinkii Todobaadkii tagay oo maqal ah, taasoo cidii ay dhaaftay akhbaartii ugu xiisaha badneyd todobaadkii tagay ay uga bogan karto barnaamij gaar ah oo aan ugu magac darnay “FAAQIDAADA TODOBAADKA.”
Haddaba, si aad u maqasho barnaamijka Faaqidaada Todobaadka oo uu wariyaheena Mohamed Abukar nooga daadihinayo xarunta...
Guddoomiyaha Ururka Hormuud oo ka hadlay xalaadahii ugu danbeeyey ee deegaanada Galguduud iyo Jubbooyinka, sheegeyna inay hawlaha ururku si xoog-leh u bilaabanayaan.
Ururka hormuud oo saldhigiisu yahay magaalada Seattle ee gobolka Washington, oo hadda lix-bilood jirsaday wuxuu in muddo ahba qiimayn ku sameynayey xaalladdaha cakiran ee dalka guud ahaan, gaar ahaanna deegaanada uu ururku ka howgalo oo ay colaado, abaaro iyo maamul-darro ba’ani ku habsatay. Qiimayntaas kadib, wuxuu hogaanka ururku xaaladaha deegaanadaas ka muujiyey walaac, wuxuuna dhwaan bilaabidoonaa...
Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) oo ah madaxweynaha maamul goboledka Bartamaha Soomaaliya oo ku dhawaaqay xubno golahiisa wasiirada, magac gobol iyo degmooyin cusub (Dhageyso wareysi)
Caabudwaaq, Somalia (AOL) – Madaxweynaha maamul goboleedka Bartamaha Soomaaliya (Somali Central State) mudane Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) ayaa maanta dhisay qaar ka mid ah wasiiro uu maamulkiisu yeelan doono, isla markaana ku dhawaaqay magac cusub oo ay deegaanada uu maamulkaas ka taliyo yeelan doono, kaasoo ah KULMIYE.
Deegaanada uu maamulkaas ka taliyo oo horay ugu kala qeybsanaa gobolada...
Madaxamed Xayir Nuur oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Somali Central State ayaa shaaca ka qaaday in uu maamulkaas ka hergalay gobolada dhexe “Dhageyso wareysi”
Caabudwaaq, Somalia (AOL) – Waayahanba waxaa gobolada dhexe ee Soomaaliya socdaal shaqo ku marayay wafdi balaaran oo ay hogaaminayeen madaxweynaha maamul goboleedka Somali Central State mudane Maxamed Xaashi Carabey iyo ku xigeenkiisa mudane Maxamed Xayir Nuur ayada oo ujeedada socdaalka wafdigaasna uu ahaa sidii ay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanadaas uga dhaadhicin lahaayeen faa’iidada...
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Booqday Dhaawacyadii ku Waxyeeloobay Qaraxii ugu Danbeeyay ee ka Dhacay Magaalada Muqdisho
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo ay wehlinayaan xubno ka tirsan golahiisa Wasiirada ayaa maanta booqday dhaawacyada ku jiray Isbitaal Madiino kuwaasoo ay waxyeelo kasoo gaartay Qaraxii ka dhacay labo cisho ka hor Baar Fatxi ee ku yaal nawaaxiga Hotel Muna ee Magaalada Muqdisho.
Wasiirada la socday Ra’iisul Wasaaraha booqashadiisa...
50- Guuradii Aasaaskii Ciidamada Badda Soomaaliyeed oo laga Xusay Muqdisho
Muqdisho, Somalia (AOL) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga xusay 50-guuradii kasoo wareegtay maalintii la aasaasay ciidamada badda Soomaaliyeed, iyadoona munaasabaddii lagu xusayay malainta ciidamada Badda ay kasoo qeybgaleen masuuliyiin katirsan dowladda KMG ee Soomaaliya.
Munaasabaddan oo ka dhacday Sugunto Liido ayaa waxa kasoo qeybgalay masuuliyiin ay kamid yihiin; madaxweeynaha dowladda...
Madaxweeynaha Soomaaliya oo Sheegay in Xoogaga Alshabaab ay Yihiin Fidno-wadayaal aan Dooneyn Nabad
Muqdisho, Somalia (AOL) – Madaxweeynaha dowladda KMG ee Soomaaliya, Mudane Shariiif Sheekh Axmed ayaa sheegay in markii hore ay soo dhaweeyeen xoogaga Alshabaab isagoona sheegay in ay u maleynayeen in ay nabadda qaadan doonaan, balse waxa uu sheegay in uu hada qirayo in Al-shabaab ay yihiin Fidno-wadeyaal.
Madaxweeynaha ayaa sheegay in xilligii maxkamadaha Islaamiga ah ay soo dhaweeyeen Alshabaab...
Midowga Africa oo Wado Dadaallo Lagu Dhexdhexaadinao Baarlamanka
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ururka Midowga Africa ayaa wado dadaallo uu doonayo in uu ku dhexdhexaadiyo baarlamanka KMG ee Soomaaliya oo mudooyinkii u danbeeyay uu ka dhexeeyay khilaaf xooggan.
Wafula Wamuyiyi oo ah kuxigeenka ergayga gaar ah ee Midowga Afrika u qaabilsan arimaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay wadaan dadaallo ay ku doonayaan in ay ku dhexdhexaadiyaan masuuliyiinta baarlamanka KMG...
Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Guddoomiyaha gobolka Gedo oo sheegay in bartamaha bisha soo socota ee March uu shir weyn ka dhici doono gobolka Gedo, kaasoo looga tashan doono sidii maamul goboleed loo dhan yahay loogu dhisi lahaa gobolada Jubbooyinka iyo Gedo (Dhageyso)
Garbahareey, Somalia (AOL) – Shabakadda Allgedo Online ayaa waxaa u suurta gashay in ay maanta wareysi dhinacyo badan taabanayo la yeelato Maxamed Cabdi Kaliil oo ah Guddoomiyaha gobolka Gedo oo marka aan wareysiga ka qaadnay ku sugnaa xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey.
Guddoomiye Kaliil oo ka hadlay shir dhawaan lagu qabtay magaalada Garbahaarey ayaa sheegay in uu ku saabsanaa sidii gobolada...
Afhayeenka Ahlusunada Koofureed “Maxamed Maxamuud Aw-libaax ma ahan Guddoomiyaha Ahlusunada Koofureed, balse Guddoomiyaha rasmiga ah waa Sh. Cayduruus Sayid Axmed Sayid Warsame” (Dhageyso)
Garbahareey, Somalia (AOL) – Shabakadda Allgedo Online ayaa waxaa u suurta gashay in ay maanta wareysi dhinacyo badan taabanayo la yeelato Sheekh Maxamed Xuseen Isaaq Al-Qaadi oo ah Afhayeenka Ahlu Sunnada koofurta Soomaaliya oo marka aan wareysiga ka qaadnay ku sugnaa xarunta gobolka Gedo ee Garbahaarey.
Afhayeenka oo ka hadlay shir dhawaan lagu qabtay magaalada Garbahaarey ayaa sheegay in uu...