Home » News, Waraysi »

Madaxamed Xayir Nuur oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Somali Central State ayaa shaaca ka qaaday in uu maamulkaas ka hergalay gobolada dhexe “Dhageyso wareysi”

Caabudwaaq, Somalia (AOL) – Waayahanba waxaa gobolada dhexe ee Soomaaliya socdaal shaqo ku marayay wafdi balaaran oo ay hogaaminayeen madaxweynaha maamul goboleedka Somali Central State mudane Maxamed Xaashi Carabey iyo ku xigeenkiisa mudane Maxamed Xayir Nuur ayada oo ujeedada socdaalka wafdigaasna uu ahaa sidii ay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanadaas uga dhaadhicin lahaayeen faa’iidada ama waxtarka uu u leeyahay maamulka Somali Central State.

Haddaba Maxamed Xayir Nuur oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Somali Central State oo maanta asaga oo jooga magaalada Caabudwaaq qadka Teleefanka kula soo xariiray shabakadda Allgedo Online ayaa sheegay in bulshadii Soomaaliyeed ee loogu tala galay in uu u adeego maamulka Somali Central State ay si fiican usoo dhaweeyeen, isla markaana ay aqbaleen in uu maamulkaas ka howl galo gobolada dhexe.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxuu kaloo sheegay in ay waayadaanba shirar isdaba joog ah la lahaayeen bulshada Soomaaliyeed ee deegaanada maamulkooda hoos taga, taasoo ugu danbeyntii uu sheegay in shirarkaas natiijadii kasoo baxday ay noqotay guul iyo isafgarasho iyo in wixii maanta ka danbeysa uu maamulka Somali Central State si rasmi ah uga howl-gali doono gobolada dhexe ee Soomaaliya.

  Halkaan ka dhageyso wareysiga ay AOL la yeelatay Maxamed Xayir Nuur oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Somali Central State.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Madaxamed Xayir Nuur oo ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Somali Central State ayaa shaaca ka qaaday in uu maamulkaas ka hergalay gobolada dhexe “Dhageyso wareysi” "

  1. ali jama says:

    mashaa alah bulshada caabudwaq maanta waxay Garteen dantoodii hadii ayqateen mamul guboledka somali sentar state
    waxan kacodsanaya dhamaan bulshada gobolada dhexe in aytageran qaatana maamulak cusub waa guul iyo nasiib uyimid
    maamulkii hore ee sunawaljameca waxan ayana sigaara in lashaqeyaan maamulak iyo dahaan qaybaha bulshada

  2. khatumostate says:

    marexen haguulaysto hadanu nahay khatumo state of somaliya walöalahayo marexan guul ayan leennahay wana khasab in manta besha marexan aya heeda katashato oo ay kahyrkeed higsato iskashi wanagsan badhtamaha somalia , khatumo state puntland. kinilkashanad intaba waxa lagaraba inay ka tanasulan danta xun ee an mel gadhsiisanay ayna istageran xarunta lagu kulmi donana inshalaha waxa qabanaya khatumo state of somalia