Home » Archive Daily February 11th, 2012

Dagaal Goordhawayd ka Qarxay Gudaha Magaalada Beledweyne

Feb 11, 2012
Beledweyne, Somalia (AOL) – Dagaal xooggan oo u dhexeeya ciidamada maamulka dooxada shabelle iyo kooxo hubeysan ayaa goordhawayd ka qarxay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Dagaalkan oo laisku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa saameyn ku yeeshay guud ahaan magaalada, iyadoona dagaalku uu yahay mid xoogan oo sababay in uu istaago dhaqdhaqaaqii ganacsi ee magaalada. Ilaa... 

Dowladda Serbia oo Sheegtay in ay ka Qeyb Qaadaneyso ladagaalanka Al-shabaab

Feb 11, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Dowladda dalka Serbia ayaa sheegtay in ay ka qeybqaadaneyso dagaallada ka dhanka ah Alshabaab, ee ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ka wadaan Soomaaliya. Ra’iisul wasaare kuxigeenka, ahna wasiirka arimaha gudaha dalka Serbia Ivica Dacic ayaa sheegay in dowladiisu ay taageersantahay howgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM... 

Dowladda Mareykanka oo Wallaac ka Muujisay ku Biiridda Alshabaab ee Alqaacidda

Feb 11, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay walaacsantahay ku biiritaanka xoogaga Alshabaab ee ururka Al-qaacidda. Afhayeenka waaxda arimaha dibadda dalka Mareykanka Victoria Nuland ayaa sheegtay in ku biiritaanka xoogaga Alshabaab ee ururka Al-qaacidda ay horseedi karto dhibaato soo wajahda dalka Soomaaliya iyo caalamka. Haweeyneydani ayaa sheegtay in ay ka walaacsantahay... 

Saraakiisha Dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya oo kawada Hadlay Ammaanka Beledweyne

Feb 11, 2012
Beledweyne, Somalia (AOL) – Saraakiisha Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Beledweyne ayaa kawada hadlay sidii loo adkeyn lahaa ammanka guud ee magaalada Beledweyne oo mudooyinkii u danbeeyay ay ka jirteen xaalado amni darro. Shirka ay yeesheen saraakiisha labada dhinac ayay uga wadahadleen qodobo ay kamid yihiin sidii loo sugi lahaa ammaanka magaaalada... 

Dhalinyarada Reer Kismaayo oo laga Mamnuucay Ciyaaraha Kubadda Cagta

Feb 11, 2012
Kismaayo, Somalia (AOL) – Maamulka magaalada Kismaayo ayaa ka mamnuucay dhalinyarada ku dhaqan magaaladaasi, ciyaaraha Kubadda cagta, iyadoona dhalinta looga digay in ay kubad ku cayaaraan garoomada magaalada iyo Xeebta. Ciidamo katirsan maamulka Al-shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa la sheegay in ay kala ceyriyeen dhalinyaro kubad ku cayaareeysay Xeebta Liido ee Magaalada Kismaayo, iyadoona... 

11 Qof Soomaali ah oo ku Dhimatay Dooni kula Dagtay Gacanka Cadmeed

Feb 11, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Tahriibayaal Soomaaliyeed oo doonayay in ay galaan dalka Yemen ayaa lagu soo waramayaa in ay Dooni kula dagtay Gacanka Cadmeed iyadoona la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dad gaaraya ilaa 11 qof oo Soomaali ah. Hay’adda Qaxootiga Aduunka ee Qaramada Midoobay (UNHCR) ayaa sheegtay in dad Soomaaliyeed oo ka cararayay dhibaatooyinka dhinaca nolosha ee ka jira Somaaliya...