Home » Archive Daily February 12th, 2012

Madaxweeyne Shariif: Shabaab waa in Loo Aqoonsadaa Midkamid ah Gumeystayaashii Dalka ku soo Duulay

Feb 12, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Madaxweeynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xoogaga Al-shabaab ay lamidyihiin gumeystayaashii kusoo duulay dalka, waxaana uu sheegay in Al-shabaab aysan dooneyn Nabad iyo Horumar midna. Madaxweeynaha oo ka qeybgalay Munaasabad loogu Magacdaray isdhexgalka Bulshada oo uu soo qabanqaabiyay maamulka Degmada Wadajir ayaa ugu horeyn... 

Gaari ay leedahay AMISOM oo Wiilyar ku Jiiray Muqdisho

Feb 12, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Gaari nooca dagaalka oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa wiil yar ku jiiray isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho. Dad goobjoogayaal ah oo ku sugnaa goobta uu shilka ka dhacay ayaa AOL u sheegay in Gaari nooca dagaalka oo ay leeyihiin ciidamada AMISOM in uu jiiray wiilyar xilli uu marayay wadada dhinaceeda, waxaana la sheegay in gaadiidkii... 

Dowladda Kenya oo Sheegtay in ay Gacanta ku Dhigtay Haweeney katirsan Al-shabaab

Feb 12, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Dowladda Dalka Kenya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Haweeney looga shakisanyahay in ay katirsan xoogaga Al-shabaab, taasoo saraakiisha dhanka ammaanka Kenya ay sheegeen in ay gacanta kusoo dhigeen xili ay ku jirtay falal ka dhan ah ammaanka. Afayeenka booliska dalka Kenya Eric Kiraithe oo warbaahinta kula hadlay magaalada Nairobi ayaa sheegay in ay ciidamada ammaanka... 

Waa Sidee Xaaladda Beledweyne kadib Dagaalladii Shalay

Feb 12, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Wararkii ugu danbeeyay ee aanu ka heleyno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaaladda Magaalada ay saaka tahay mid dagan, iyadoona dhinacyadii dagaalamay lagu guuleystay in lakala qaado. Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Beledweyne ayaa la sheegay in ay kala dhexgaleen dhinacyadii dagaalamay, iyadoona lagu guuleystay in lakala qaado... 

Dagaalka Xalay ka Dhacay Deegaanka Qooqaani ee Gobolka Jubada Hoose

Feb 12, 2012
Kismaayo, Somalia (AOL) – Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya iyo Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka deegaanka Qooqaani ee hoostaga degmada Afmadow ee gobolka Jubada Hoose. Dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar gaadmo  ah ku qaadeen fariisimo ay deegaankaasi ku lahaayeen ciidamada isbaheysiga ah, taasoo keentay in uu halkaasi...