Home » Archive Daily February 13th, 2012

Cali Dheere: Heshiiska aan la Galnay Al-qaacidda Wuxuu Cadeyn u yahay in ay Soo Noqon Rabto Khilaafadii Islaamka

Feb 13, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Sheekh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere) oo maanta khudbad dheer ka jeediyay dibadbax ka dhacay deegaanka Calamada ee ku yaal duleedka Muqdisho ayaa sheegay in ay aad ugu qanacsanyihiin heshiiska ay la galeen uruka Al-qaacidda. Afhayeenka ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan dagaallada ka dhanka ah dowladda KMG iyo ciidamada shisheeye ee ku sugan gudaha dalka, waxaana... 

Dowladda KMG oo Soo Saartay Warsaxaafadeed iyo Ciidamada Xoogga Dalka oo la Geliyay Heegan

Feb 13, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Dowladda KMG Soomaaliya ayaa soo saartay warsaxafaadeed ku aadan ku biiritaanka Al-shabaab ee urur weynaha Alqaacidda, taasoo lagu baahiyay qaar katirsan websiyada ay leeyihin xoogaga al-shabaab. Warsaxfadeedkan kasoo baxay dowladda KMG ayaa lagu sheegay in dowladda KMG ee Soomaaliya ay marnaba shaki ka qabin in Al-shabaab ay ka tirsanaayeen ururka Al-qaacidda, arintaasoo... 

AMISOM oo Qorsheyneysa in ay Qabsato Degmada Afgooye

Feb 13, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika (AMISOM) ayaa wado qorshe ay doonayaan in ay ku qabsadaan magaalada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose halkaasoo ay gacanta ku hayaan xoogaga Al-shabaab ee dagaalka kula jira. Taliye kuxigeenka Amisom Audace Nduwumunsi oo wareysi gaar ah siiyay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in ay wadaan qorshe ay doonayaan in ay ku weeraraan... 

Dibadbaxyo Ka Soconayo Deegaanada loo Barakacay ee Duleedka Muqdisho

Feb 13, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Dibadbaxyo ballaaran ayaa maanta ka soconayo deegaanada loo barakacay ee ku yaal duleedka Muqdisho, kuwaasoo lagu taageerayo midnimada ururrada Al-shabaab iyo Al-qaacidda. Gaadiid ay ku xiranyihiin codbaahiyeyaal ayaa saaka shacabka ku dhaqan deegaanada Ceelasha, Taree Dishe, Siinka Dheer iyo Afgooye ku wargeliyay in aysan furi karin goobaha ganacsi iyo waxbarasho, iyadoona... 

Midowga Afrika oo Sheegay in ay Shabaab u Aqoonsadeen Argagixiso Caalami ah

Feb 13, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Ururka Midowga Afrika ayaa shaaca ka qaaday in ururka Al-shabaab ay u aqoonsadeen argagixiso caalami ah, kadib markii hogaanka Al-shabaab uu dhawaan sheegay in ay si rasmi ah ugu biireen urur weynaha Al-qaacidda. warbixin kasoo baxday Xafiiska Guddiga Ammaanka iyo nabadda ee Midowga Afrika ee magaalada Adisababa ayaa lagu sheegay in xoogaga Al-shabaab ay haatan ka fogaadeen...