Home » Archive Daily February 14th, 2012

Faahfaahin ku Saabsan Dagaalkii Maanta ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Feb 14, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Faahfaahin dheeri ah ayaa kasoo baxeyso dagaallo xoogan oo duleedka Muqdisho ku dhexmaray ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab. Dagaalka oo socday in mudo ah ayaa inta la ogyahay sababay dhimashada laba qof iyo dhaawaca afar kale oo dhinacyadii dagaalamay ah, iyadoona dagaalku uu saameyn ballaaran ku yeeshay isu socodkii dadka iyo... 

Raysul Wasaaraha Dowladda KMG iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo Gaaray Magaalada Garoowe

Feb 14, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Raysul wasaaraha dowladda KMG ee Soomaaliya C/weli Max’ed Cali iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland, oo la filayo in maalinta berito ah uu ka furmo wejigii labaad ee shirka wadatashiga dhinacyada Soomaaliya. Raysul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa qeyb ka ah wufuud caalami ah iyo qaar katirsan madaxda maamul goboleedyada... 

Dagaal Culus oo ka Qarxay Wadada Isku Xirta Muqdisho iyo Afgooye

Feb 14, 2012
    Muqdisho, Somalia (AOL) – Dagaal aad u xoogan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan ayaa lagu soo waramayaa in uu goordhawayd ka qarxay wadada isku xirta magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye gaar ahaan wadada Sarkuusta, iyadoona dagaalku uu  u dhexeeyo xoogaga Al-shabaab iyo ciidamada AMISOM oo kaashanaya kuwa dowladda KMG. Dagaalka ayaa yimid kadib markii saaka ciidamada... 

Askar Katirsan Maamulka Puntland oo lagu Laayay Weerar Gaadmo ah oo ka Dhacay Nawaaxiga Boosaaso

Feb 14, 2012
Boosaaso, Somalia (AOL) – 17 askari oo katirsan ciidamada maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhimatay weerar gaadmo ah oo ka dhacay deegaan lagu magacaabo Sugurre oo ku dhow magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Wararka aynu ka heleyno magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in cutubyo katirsan maleyshiyaadka taabacsan wadaadka lagu magacaabo Sheekh Max’ed Siciid Atam ay weerar kusoo qaadeen... 

Ergayga Midowga Africa u Qaabilsan Soomaaliya oo ka Digay Macluul Hor Leh oo Dib uga Dilaacda Soomaaliya

Feb 14, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Ergayga Midwoga Afrika u Qaabilsan arimaha Soomaaliya Jerry Rawlings ayaa ka digay macluul markale ka dilaacda dalka Soomaaliya hadii la joojiyo gargaarka biniaadanimo ee la siinayo dadka danta yar ee ku nool Soomaaliya Jerry Rawling ayaa sheegay in dad gaaraya ku dhowaad 9.5 Milllion oo qof oo ku nool geeska Afrika oo 2.5 Million oo kamid ah ay yihiin Soomaali ay heysato... 

Garaad Maxamed Sh.Maxamuud oo ka Hadley Dhibaatooyinka ka Dhashey Colaadaha ka Taagan Gobolka Gedo iyo Aragtidiisa ku Aadan Hogaanka Dhaqanka Gobolka Gedo (Dhageyso Wareysiga)

Feb 14, 2012
Baardheere, Somalia (AOL) – Garaad Maxamed Sheekh Maxamuud oo ka mid ah hogaamiyayaasha dhaqanka Gobolka Gedo,isagoo ku sugan Magaalada Baardheere ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadley mowqifkiisa iyo aragtidiisa ku aadan xaalada Gobolka uu marayo marka laga eego dagaalada iyo Colaadaha ka taagan Gobolka oo uu sheegay in ay geysteen khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac, Barakac iyo...