Home » News, Waraysi »

Garaad Maxamed Sh.Maxamuud oo ka Hadley Dhibaatooyinka ka Dhashey Colaadaha ka Taagan Gobolka Gedo iyo Aragtidiisa ku Aadan Hogaanka Dhaqanka Gobolka Gedo (Dhageyso Wareysiga)

Baardheere, Somalia (AOL) – Garaad Maxamed Sheekh Maxamuud oo ka mid ah hogaamiyayaasha dhaqanka Gobolka Gedo,isagoo ku sugan Magaalada Baardheere ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadley mowqifkiisa iyo aragtidiisa ku aadan xaalada Gobolka uu marayo marka laga eego dagaalada iyo Colaadaha ka taagan Gobolka oo uu sheegay in ay geysteen khasaarooyin isugu jira dhimasho, dhaawac, Barakac iyo bur bur hantiyeed, isagoo tilmaamayna dagaaladii ka dhacay Ceelcade, Faafaxdhuun, Buusaar iyo dhulka miyiga ah in ay ku barakaceen dad ka badan ilaa 10kun oo qoys, kuwaasi oo uu sheegay in xilligan ay ku nool yihiin xaalad Qalafsan oo dhinaca nolosha ah.

Garaad Maxamed oo siiyey Idaacada Markabley Wareysi dheer oo dhinayo badan taabanaya ayaa  waxaa uu soo hadal qaadey qaabka uu ku imaan karo hogaanka dhaqanka Beesha SADE oo uu tilmaamay in xilligani ay haboon tahay Jifooyinka Beesha ay sameystaan Ugaasyo,Garaadyo,Suldaano iyo Nabadoono ay ku midaysan yihiin ,si looga baxo ayuu yiri dhibaatooyinkii iyo kala eed sheegashadii Beelaha dhexdooda ee la soo marey 22kii sano ee la soo dhaafey oo inta badan Wax qabad la,aanta la saarayey Hogaanka dhaqanka.

Mar uu ka jawaabayey  sida uu u arko shirar iyo kulamo dhowaanahnba ka soconayey degmooyinka Mandhera iyo Luuq oo dhamaantoodba looga hadlayey Arimaha dhaqanka Beesha SADE ayuu sheegay in mudo ahba  Gobolkan in ay ka jireen dhibaatooyin dhinaca dhaqanka ah,aad ayaana ugu faraxsanahay in Beel weliba ay u sameystaan Nidaam dhaqan oo ay ku midaysan yihiin,balse markii aan wax ka xuso mida guud ee mareexaan waxaan qabaa dadka in ay u baahan yihiin wadahadal iyo in la turxaan biixiyo waxii dhibaatooyin ah ama is fahan la,aan ee horey u jirey.

Si kastaba arintu ha ahaatee Hadalka Garaadka ayaa ku soo beegmaya xilli mudo haatan ka joogo bil loo caleemo saarey Xilka Garaadnimada guud ee  Beesha Reer Garaad oo ka mid ah Jifooyinka Beesh SADE iyo weliba xilli xaalad deganaansho la,aan ah ay ka jirto Gobolka dagaalada iyo Colaadaha dartooda.

Halkan ka Dhageyso Wareysiga aan la Yeellannay Garaad Maxamed Sh.Maxamuud

———–
Axmed Cumar Saalixi, Baardheere/Gedo

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

48 Jawaabood " Garaad Maxamed Sh.Maxamuud oo ka Hadley Dhibaatooyinka ka Dhashey Colaadaha ka Taagan Gobolka Gedo iyo Aragtidiisa ku Aadan Hogaanka Dhaqanka Gobolka Gedo (Dhageyso Wareysiga) "

  1. Your name... says:

    ninkaan yuu uyahay garaad yaase doortay waan ognahay in reer garaad isku khilaafay shirkii ceelcade ee nabadoonka lagu dooran lahaa midakale beesha sade ugaas bay leedahay majiraan wax garaad layiraaho arinkaan garaadnimadana waa arin la doonayo in lagu burburiyo ugaasnimada beesha sade

  2. hareed says:

    Niinkan sidu uu hadlaayo waxay na tuseeysa inuu yahay niin tageero qooxda argaxiisada ee al-shabaab (ahlu khawaarij). Isla niinkan Garaadka sheeganaayo hala diilo. Garaad ku sheega been buu sheegay, waa niin been badan, waayo meelaha ka taliyaan Dowlada iyo Ahlu Sunna waxaa ka jiro nabad iyo amaan buuxda, dad badan oo ka so qaxay meelaha ka taliyaan Al-Shabaabna waxay soo gareen degmooyinka ee ka taliyaan dowlada iyo Ahlu sunna, marka Garaadku sheega wuxu beenta la wado waan la yaabay.

    Sido kale, Beesha Reer Garaad oo idil baa wada ah Al-Shabaab, waxay iis mowdeen inay yihin dad diinta dad ka kale ka badiyo, laakiin xaqiiqda wado qaldan bey ku jiraan. Waxaan dhamaan shacabka Reer Garaad ugu baaqaya inay joojiyan xumantada. Qofna ma idin necbo and dadkiina diinac ka raaca! Jooji xulefeysida iyo isla weynida.

  3. Waayeel says:

    Somaliland iyo Puntland arrimaha dhaqan oo kajira iyo sida ay isu maamulaan Suldaanada, Garaadyada, iyo waxaas magacyaha badan oonan aqoon ulahayn kuma dayan karno haddaan Mareexaan nahay. M

    axaa wacay, iyagu way kala adagyihiin, waykala laan-dheersanyihiin, way kala aqoon badanyihiin. Arrimahaasoo dhanna waxay keentay in lakala danbeeyo ama la is xurmeeyo oo nin walba hawshiisa yaqaanno. Micnahaygu ma ahan aan islaynno iyo aan kala adkaanno iyo wax lamid ah, laakiin dhaqanka iyo xaajooyinka dhulkaas kajira sida uu kuyimid ama uukujiro ayaan u iftiiminaya walaalkay Garaadka R.Garaad !!

    Maxaan yeelnaa?

    Nabad iyo warsan

  4. yyy says:

    asc dhamantin kkkkkkkkkk waxan layabanahay ciyalka koola dhuuqa ah waxa ay ku qoren mesha oo qabyalad iyoqurinba ah waxan idin leyahay ku dhinta caradina waxadna tihin ashahada la dirir adinka iyosin jigina

  5. bulbul says:

    asalaamu caleykum walaalayaal in badan ayaan idin salaamayaa
    salaa ka dib waxaan aad iyo aad uga xumahay in maanta beelaha
    sade inay wax fiican moodeen haddii cid walba ay samaysato ugaas u gaar ah ama suldaan magacay doonaan ha bixiyeene kuwi horay u jirayna la mucaarado inay guul gaareen waxaan leeyahay haddii aad xurmayn waydaan kuwii idinka horeeyey yaa adinka idin xurmaynayo ma waxaad ka heshaan fawdada iyo isku yaaca maanta jira waxaan isleeyahay dhibaatada maanta ka jirta waxaan kala dambayn la,aantta
    ama xurmayn la,aanta odayaashii dhaqanka e soo jiraanka ahayd ha noqdo ugaas ama nabad doon kuwaas oo ahaa niman isku xran si wanaagsana u wada shaqayn jiray waayahoodii waxaana dhaqan rogay
    kuwa magacyo aanan aqoon sheeganayo kuna cusub beesha dhexdeeda ilaahay ha garansiiyo wanaaga dadkooda iyo dalkooda aamiin ayaan leeyahay

  6. dhaqane says:

    waa mahadsanyahay Garaadka warbixintiisa waana u hambalyaynayaa waxaana leeyahay howshaada si wanaagsan u gudo Allahana kula garabgalo.
    tan kale walaalaha jawaabaha soo qoray waxaan oran lahaa dadku waa walaalo ma aha cay iyo xunaan in dadka dhexdiisa laga abuuro
    qof walbo afkiisa ha ilaashado
    garaad maxamed waa garaad la doortay oo ka mid hogaanada dhaqanka ee beesha sade aragtidiisa mawqifkiisana xor buu u yahay
    waanan taageersanahay allaha ku baadbaadiyo garaad maxamed.

  7. ceel cadde says:

    maasha allah garaadkeena sifican ayuu ooga hadlay xaqiida ka jirta wadanka midda kale dad ka ku hayo yaa doortay ninkaan anaga ayaa dooranay hadaanhay ree ceel cadde waana nin ka kaliya oo u qalmo garadnimada ree garad waana tii ay ree ceel cadoo dhan ama ree garad oo dhana ay u wada vote gareeyeen marka halaga danbeeyo garadka mida kale mareexaan malaha u gaas rasmi ah waayo u gaas cumar allaha unaxariistee u gaas kadanbeeyay majirin mahad sanidiin

  8. waxgarad says:

    waan idinsalaamay waxaanlayaabanahay ninka garaadka sheganayo
    waayo asagaabasheegay inaan Amaanjirin taaswaxay natusaysaa in uu skajeclaaday magaca uu sheegaayo midakale waxaan ognahay marki larabay in nabadon lasameyo inuu reegaraad kukalajabay meeshiina lagukalatagay midakalle waxaan ognahay inuu hada reegaraad samaysanaayo garaad guud oon Asaga Ahayn Ama ninkala magacaabanaayo sidas daraadeed sidey isuqaban Arimahaas, yan lagu dheelin nadaamka mareexaan waana lala xisabtami markay habonaato dadka waxaas kucaanbaxay ooninkaan ugudambeeyo cidisana dhib bugeliyey wabilaahi towfiiq

  9. boygedo says:

    Asc walaalayal waan idinsalamay dhamaan salankadib horta waxaan soodhawaynayaa hadalka garaadka waxaankusiidarsanayaa garaaryada iyo ugaasyada odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka reergedo inay u istaagaan ladagaalanka gaalada madow iyo kuwa caloshood u shaqaystayaalka ah iyo kuwa ladhacsan wuxuushta gobolka wasaqaynaysa ee boobka iyo jirdilka iyo kufsiga iyo fasaadka lasoogalay wadanka walahi intay goori goortahay hadaanlaga hortagin inlagashalaayi waxa aysamaynayaan moryanta iyo diinlaawayaasha iyo kuwa inangumeedka ah ee moodaya waxa itobiyo iyo kenya ay u sheegen inay mansab iyo magac ku helayaan .

  10. Ana iskaleh says:

    waa idinsalaamay salaan kadib waxaan layaabanahay ninka lagu waraystay baadheere oosheeganaayo garaadka waasu aale yaadoortay ninkaan ileen waanaqaanaa sida garaad loodoorto yaa iskuraacay yaadoortay mala iskasheeganaayaa hadaysidaastahay waxaa u arkaa madaxwenayaasha
    siasbaraha ah oosheeganaayo inay umada matalaan xaqiiqdana maaha sidaas ninkaan waxaan u arkaa inuukuwaas kamid yahay wuuna kafoyahay xaqiida mana matali karo garaad nimo reegaraadna kumaraacsano sidaan maqalay waliba meelxun bay kagaarsisantahay cida dhexdeeda

  11. maajid says:

    asalaamu caleykum salaan kadib reegaraad waxay bilaabeen fowdo tii uguwened wiilbaasheegtay garaad joogo baardheere ninbaa asagoo jawaan bariis ah xambaarsan baa wuxuu arkay mid dhulkayaalo wuxuu yiri hadaanan kugudarin jawaanyahaw waa ilaahay amarkiis ilaa kumadarikaree hada ninkaas sidaasaan u arkaa sababtu waxaytahay gobalka gedo tulo tulo ugudbikarto malaha oowaa ognahay marka ninkaas wuxuulamidyahay ninkii jawaanka udhaartay uusan qaadikarin micnuhu waxaan u arkaa haduurabaa talo umada yaan lawaalin beentuna mafiicno firo gaara walibo isagaa kutalinaayo hawlaha dhaqanka inlagafiirsado Adigaaba fiiro ubaahan

  12. cabdulahi says:

    A c salan kadib marka hore waxaan u hanbalyeeynayaa Garadka .marka labaad waxaan dhihi lahaa dadku waxaad moodaa in ayna aakhira ka danbeeyn oo wax ay rabaan isaga hadlayaan ,iyagoon xaqiiqda waxba ka ogayn.Reer garaad iskuma khilaafin si ijmaac ah ayaan loo doortay Garaadka Ra’yigiisana waa kan Reer garaad waana in lagu ixtiraamaa.

  13. faaiso says:

    Graad Mohamed wuxuu ka hadlay xaqiiqda meesha ka jirto, ilaahay ha u fududeeyo dadkeena dhibaataysan askana howshiisa ha la garab kalo aamii. Dadka caloosha ka jirana ilaahay caafimaad ha siiyo. Your abhorrence ignorant comments will not change anything, so I advise you to do your homework because Graad Mohamed is graad and we are very great full to have him as the leader of (Reer graad)

  14. geesi Sade says:

    KKKKKKKKKKKK Kii Sade hadlaba oo runta sheegaba ma la qaniinayaa. Reer garaad ayagaa xaq ah u leh inay doortaan ninkay doonaan, cidana kala tashan mayaan. mariixaanna ma laha hogaan dhaqan iyomid siyaasadeedba, garaadkana runtuu shegay ee qolo walba ah dhisato hogaankooda xalasha ah. kii hore waa xaaraantimoobaye.

    asc

  15. nabad says:

    Garaad Mohamed wuxuu ka hadlay xaqiiqda meesha ka jirto, ilaahay ha u fududeeyo dadkeena dhibaataysan askana howshiisa ha la garab kalo aamii. Dadka caloosha ka jirana ilaahay caafimaad ha siiyo. Your abhorrence ignorant comments will not change anything, so I advise you to do your homework because Graad Mohamed is garaad and we are very great full to have him as the leader of (Ree rGaraad) and he could be your leader too so have some respect.

  16. doodwanaag12 says:

    Graadku waa mahadsanyahay waxbixintiisa waxaana leeyahay thanks. Dadka nacaybka ku jirana waxaan leeyahay xaasidnimo mafiicno ee qalbigiina hagaajiya.

  17. Aadan asad says:

    Runtii waxaa layaableh in waxkasto la isa siyo waar waad waalantihine garaadkan yu uyahay garaad waar reer garaad aya dortay jifada maad eegtaan nacasinyahay horay ayayba ulahanjirtay garadyo ugaasna waan kensandona hadi la isku dayo in wax lasheko ugasnimada marexanna nin ayan ukensanayna wayo xaq ayan uleyahay

  18. mohamed elmi says:

    waxan layaabanahay dad kaan masaakiinta ah war nin kaan ree garad madaxdooda ayaa doortay oo meelkasta is kaga yimid dal iyo dibadba meeshi uu ku dhashayna waa lagu caleema saray madaxdi ree garadna iyo madaxdi mareexana waa fadhiyeen ee af kiina qurun ka ah kaduwa madaxda masaakiin yahay

  19. Wagardhac says:

    Garaadka Reer Garaad Dadka wax ka sheegaaya waa dad Jealous ah oo aan Garaado iyo Madax dhaqameed aan lahayn. Garaadka reer Garaad waan ku Ictiraafsanahay hadaan Wagardhac.

  20. MR XARAGO says:

    DADKAADA DHINAC KA RAAC YAADAN !!!!
    YAADAN DHUMINEEE DHINAC KA RAAC !!!

    SXB QOF WALBAAA GEEDKUU ABUURUU MIRO KA GURTAA
    BEESHA REER GARAAD IYO HOGAAMIYEYAASHOODUBA WAXAY MAR KASTAA KA SHAQAYSAAA WAXA DHABARJABKA KU AH MAREEXAAN;
    HADABA FOWDADA IYO TAFARAARAQA AAD LABAATANKII SANO EE UGU DAMBAYSEY AAD RAADINAYSEEN WAA TANEEE SI FIICAN MIREEHA U GURTA REER GARAADOOW !!!
    MIDA KALE INA SH. MAXAMUD IYO R, GARAADOOW CALAACAL CAADO RAGEED MAAAHAN !!!

  21. MR XARAGO says:

    SXB QOF WALBAAA GEEDKUU ABUURUU MIRO KA GURTAA
    BEESHA REER GARAAD IYO HOGAAMIYEYAASHOODUBA WAXAY MAR KASTAA KA SHAQAYSAAA WAXA DHABARJABKA KU AH MAREEXAAN;
    HADABA FOWDADA IYO TAFARAARAQA AAD LABAATANKII SANO EE UGU DAMBAYSEY AAD RAADINAYSEEN WAA TANEEE SI FIICAN MIREEHA U GURTA REER GARAADOOW !!!
    MIDA KALE INA SH. MAXAMUD IYO R, GARAADOOW CALAACAL CAADO RAGEED MAAAHAN !!!

  22. A.A.Xade says:

    Garaadkaa iftiimayoow Ilaah Guusha kuu garaye.
    Geesigi ku dhalay iyo u Guro Gaaski Maxamuude.
    Oo Gardaadi reeraha Gar qaad waan u Gacaloone.

    Kana Gaabso duulkaa Guryami yaay ku Gaagixine.
    Ama Gogol u fidi waa intooy yara Garaabaane.
    Ama Geeska jebi waa horaay Sade Gumeeyeene.

  23. waxaan layaabanahay dadka gedo kasoo jeedo maangaabnimadooda iyo waxay ay hada 2012ka hadlayaan war qof walba waxuu hormarinyaa dhulkii uu dhashay maxaa diiday gobalkii labaad eesomali uwaynaa ugna qayraadka badan dhanka beeraha iyo xoolaha uu ugu liito gobalada somali asagoon hada qabiil kugu haysta aan jirin maalin walba waxaan kumashquulaynaa waxaan jirin inaan isku mucaradno hada waaba sheeko kale oo tabansano dib udhac nagalinaysa garaad iyo ugaas waxii isku duubnaa maansiikala fur furayna dadka cuqda qaba alaha daaweeyo dada waxay aminsanyahiin in laga fadli badanyahay waana dad farabadan oo aan layaabay say ufakiraayaan

  24. ibnu xasan says:

    A.A.xade saaxiib waad asiibtay oo waa kuwii presedent Siyad Barre ku yiri meesha inagaa iska leh ee cagaha dhulka ka qaad (garbahare) marka waa doqonkii faraska looga dagey oo waxaay moodaan in ay mudan yihiin ee ma oga in la isla xisaabtami doono mida kale waxaay mooganyihiin geesi yaashii reer faatax in ay garbahare joogaan oo waa garanayaan in uu hal qabsigooda noqday ma ninkii boqolka nin u dhimataybaa markii ay arkaan sawirkii alle ha u naxariistee DR,CALI NUUR war iyo dhamaantii gobolka edeb u daganaada hadii kale si fudud ayaad uga guuridoontaan. reer garaadna xaq ayay u leeyihiin in ay ninka ay doonaan garaad ka dhigtaan.mareexaana malaha ugaas oo kali ah ee qaarbaa boqoro leh,ugaas,garaad,suldaan iyo waxii ay doonaanba marka ugu dambeyntii waxaan leeyahay beesha xanuunsan 21 kii afduubka ahaa wuu dhamaaday ee afkiina iyo dhagahiina ha is maqleen oo ixtiraamna mareexaan ku dhex jooga hadii kale cidaad doontaan sheegta taasna waa arin idiintaala ee ogaada. ragana runta kama nixiso

  25. cw says:

    aad iyo aad ban oga xunahay hadii anahay dhalin ta sade dadka ducfigaah sheegan waxey ahen ka coo tosa dhalinyarad sade ooooooooooooo walal yaal difaca midnimada sade iyo la dagalan ka biciga alle shabab sorry sade youth becuose why we not united see allover ather trips why not as

  26. khaliifSuday says:

    Asalaamacalaeykum waraxmatulaahi wabarakaatu. Dhamaan akhristayaasha waxa ay ku salaaman yihiin Salaanta islaamka intaa ka dib, wax dhib ah uma arko hadii reer ama jifo reer sade ah ay doortaan garaad ama suldaan ama boqorba oo aysan ku kala geeyneen jifada ama beesha guudba, una kaal maysanayaan macruufka oo la is faro iyo munkarka oo la iska reebo, intaas hadaan uga baxo arinta garaadka, waxaan leeyahay guud ahaan reer Sade beeraha hala fasho xoolahana ha la dhaqdo aqoontana hala kobciyo alena halaga baqo iyo maalintii dambeeysay

    Jazaakumalaah
    kh.Suday

  27. Zakariya says:

    waxaa salaamayaa dhamaan guud ahaa beesha Sade.
    waxaan umada u sheegeynaa inay iska daayaan cuqdada foosha xun oo ay ku kala dilayaan beelaha walaalaha ah. waa in la taageero ninkii wax qabanaya ee u suxul duubtey horuminta beesha.
    iska daaya cuqdad a qol isugu soo xireysaan ama ceelcade an iraahdee

  28. hashi says:

    ninkii reer garaad ugu xigmada iyo dadnimada badnaa ayaa waxaa laga hayaa labadayda lugood midii reer diini xigtaan necebahay macadalaahi ninkaan beenta ku tuugsanaya ceelcade iyo reer garaad haday 10000 oo qoys laga heli lahaa cuqdada waa ka bogsoon lahaayeen waayo nin laandheere ah intaas cuqdad ma wadi karo waxbuu dili lahaa haddii la doono isagaba ha lagu dilee reer diinina hadda ma aha markii lagu tilmaamay dab xagaa hadaad ku dhawaatana ku gubayey hadaad ka fogaatidna dabaysha xagaagu ku dileysay hadda waa geed harac ah ee iska hoos harsada adiga iyo odaygaan booranta ah

  29. HASHI says:

    Gun ninkii ahaan jirey hadduu nabar xun kaa gaaro
    Galaayuus ma daayoo intaas wuu guryamayaaye
    Gaawiskii markuu waayo buu guuxa badiyaa

    Garaad laawe wuxuu gooriyaa gacal xigaalkiise
    Ciddoo guurtay oo geediyuu gaadh u baxayaaye
    Goohiisa badan baa necaye yaa wadnaha gooya

    Gardaraale guul uma hoyaan gabanaduu haysto
    Gowracooda goortuu arkuu guran abaalkiise
    Gurboodkiisa kacay buu is yiri goolal bay dhalin

    Godlan maayo geel libaax arkoo waa ka gaagaxa’e
    Goortuu dareemuu nafluhu wada gariiraaye
    Gayigoo dhan gaar in lay yaqaan soow ma garanaysid

    aar gaamuroo gaadoweyn muruqyadii goostay
    shaashkuna garbaha dhaafay oo gidi madoobaaday
    gabal bow dam yiri reeruu galay gaagna harimaayo

    aniguna gadaasaan ahee gali calooshaada
    golxobtayda kii aan darana waan gunaanadi
    gantaalkaygu wuxuu gaasiraa gaanka soo baxay

    godob hore ninkii goobayee gocosha reemaaya
    gam’i waayey galina hurdada oo gibil madoobaaday
    waxba yuu gafuur soo xirane golaha ha is keeno

  30. SALAAMU CLAYKUM . ugaaska ama nabadoonka ama garaadka aadbaauslamaayaa waana salaan sharasheed waana kuugu hambalyeyenaayaa walaakey maxmed sheekh maxmuud midda kale dadkan waxaa kamaqan aqoonta ey u leeyihiin wiilkaan da,da yer ee aqoonta leh eee haddana ka dhashey rerahlu beytka reer diimeedka reer sharafeedka reer sheekh cabdulaahi cali.allah xifdiyeee war ma waxad uquuri weysantihiin suu u noqdey garaad reergaraad waligood sowtii ey lahaayeen garaad ama nabadon maxaa maanta cusub walaalayalo qoloda reer sade ku ah dhabarjabka eee dal iyo dibad laka joogi la yahay waan is naqaanaaye hadeynaad reer sade saad ku wadaan ama kala yaaca iyo kala taga ka deynweysaan walaahi inta soo harta inta tashato baad meel aad qabsataan weyn doontaan war maxaad kari weyseen intaad tashataan ood nabadeysataan wadankiin in aad umada miis lasoo fariisataan waataad barooraneyseen shalay markii wasiirnimadii xoog laidiin kaga tuurey misse waxaad ka heshaan kala gaynta tolka oo waxaad u tihiin naageeyaal shisheyaha ama shisheeye kalkaalo baad tihiin…………….. annaa ogaas ah baad meel lafadhidaa keen nabad iyo horu mar markaasna ugasnimo ku dood reer garaad wey tashatey awalkeedii horena waxay ahayd beesha kaliyee tolka kamuuqata gedo oo dhan kamuuqata hadana hadey cuqaashoodii iyo culumadoodii u doorteen wiil cilmi iyo maskax cusub wata hadee waa nimcadaillaahey ninkuu rabuuna siiyaa milkiga ee udhalasho maahan wabillaahi towfiiq guuul maxmed sheekh maxmuud iyo dhamaan ree garad…………

  31. A.A.Xade says:

    Reer Garaad Gun ma ahoo war waa Guurti iyo sheekhe.
    Mana Garab furaan reerahee ee waay u Gargaaraane.
    Waxaa Guna ah Galleey kugu dilaha kaa Garbixi waaye.

    Gambana kaama qaadine iyagaa Gaaray taladoode.
    Haddii aad ku Goodiday anaa waayo saa u Gaabshay.
    Oo aad Gocosayahay faartay tiri waan Gambiyey waayo.

    Gafuur jibis waxaa mudan Guntii Gacalka laaysaaye.
    Oo Goorti aay cadaw arkaan sii Galbeedsaniye.
    Haddaad Geesi tahay maad Gambiyid Dirahan Gaagaaban?{ Xeraale }

    Iyagaaba kaa Guul heloo baadda kaa Gurane.
    Oo aad u Geeysaa Gabdhiyo Geela kii dhaliye.
    War Gumaad haddaad Gaani tahay waabad Gocotaaye.

    Ama Guunyahoow Goodigiyo faanka naga deeyso.
    Ama Guux sidii Awrki waad Gurani doontaaye.
    Ama Garacyahoow Gees ka raac Sadahan kaa Guurye.

    Gabbaldhiciyo waaberiba waad Gananafleeysaane.
    Waxbo yaanay ku Gefin baad khalqiyi Gees u gelisaane.
    Godolkeeda maal waa waxaad Galabsaneeyseene.

  32. Aadan asad says:

    Waxan layaabanahay midka laandhernimada shektay waar hadad laan dhertahay maxaad ucalaacalaysaa o ugaasnimada aad ka baqaysid rer garad inu ka dhoco maad lagoöni noqotid waar marexan adiku malihid ugaasna loma bahno o beelwaliba ayadaa dhisan ugaas horayna way ulahayen ugaaryo sida besha rer cismaan o leh suldaan aqonyahan ah besha xasan gashiredle besha howrarsame besha calidherd belaha kalana way dhisanayan

  33. rer siyaad. says:

    waxan halkan kasalaamaya garaad maxamed waxaan aad oka xumahay in si goni ah lo arko halbel aydo lawada ogyahay in marexan ay horay ulahayen ugasyo belwaliba ugar ahi rer garaadna xaq ayay uleyihin inay yeshan ugasyo ama garadyo waxan leyahay mesha aad kamucaradaysan rer garad wax dhista ayakaba idinma haystane

  34. libaax says:

    waanasib daro inaad kudashid meel adan wax kafa idaynin jifo kasta ayada aya xaq uleh waxa ay samaysanayso hadi ay ugas garad suldan boqor dhisato ninka hashi labaxay wa nin calosha xumad ka qabo waayo meshani wax laka dodo mayalan rer garaadna marexan wax umaysan dhisin marka hadad indholtahay se lakudhihi ama malaha cunug rer garad ah aya gurigina kuku tumi jiray waar xishow o iska daa qabyalada wa laka ficanyahaye

  35. A.A.SANGAAB says:

    ASC WRWB SALAAN KADIB HADDII AAN KA DHIIBTO FIKRADAYDA GAAR AHAANED EE KU AADAN GARAAD BEESHA WAA MARKA 1AAD WAAN U HAMBAYAYNAYAA MARKA 2AAD NINKA AYAA JIRAY SOOQORAY REER GARAAD WAA LAANGAAB OO UQDAD AYAY QABAN OO ANIGOO REER DIINI AH AYAA LAANDHEERE AH WAXAAN IDIN WAYDIINAYAA QOFKASTA OO AQLI IYO AQOON LEH ILAAHAYBAAN IDINKU DHAARSHE MA NINKA CALAACALAYA EE KA XUN UMAD HOR MAR IYO NIDAAM IYO KALA DAMBAYN IYO MAAMUL AAN CIDNA CADOW KU AHAYN OO AAYAHOODA KATASHADAY MIYAY TAHAY IN LAGU CAAYO DAD UQDADAYSAN MISE WAXAA JIRAN OO BUKA NINKA AAMIINSAN 2012 QABIIL IYO ASRI JAAHILI IYO TAARIIKH MADOW MIDA KALE REER DIINI WAA QABIIL WAYN DAD SHARAF LEH WAA KA BUUXAN MANA WADA XUMA HORMARKA REER GARAAD GARAYNA INBADAN OON KA XUMAYN AYAA JIRTAA WAANA LA YAQAA REER U HAYSTA IN CID AAN AYAGA AHAYN WAX NOQON KARIN AMA TASHAN KARIN UNA HAYSTA SALDANADU INAY TAHAY WAXYI NABINIMO OO MUQADAS AH LAAKIIN WAXAA CAD OO RUN AH MAREEXAANA OG YAHAY WAXA MAREEXAAN HALKAA DHIGAY OO ISKU DIRAY OO GODOB KALA DHEXDHIGAY WAA LAYAQAAN REER WALBO OO MAREEXAN AHNA INAY TASHADAAN KOLAY NINKII MAANGAAB AH OO UQDADNA QABA AYAA KA XUMAADA UMAD MASIIRKEEDI KA TASHATAY WAANA SIDAAN HADA ARKAYNO HADAN NAHAY BEESHA REER GARAAD WAAN SOO DHAWAYNAYNAA CIDKASTA OO AAYAHOODA KATASHATA WAXAAN KU SOO KOOBAYA HADAL AHAA RERGARAAD AYAAN ISKU RAACSANAYN DOORASHA GARAADKA BEESHA R GARAAD TAASIN JAWAAB UMA BAAHNA SABABTOO AH QOFKA WALBA OO AQLI USAAXIIB AH WUU FAHMI KARAA WAXAA LAYIRI XAASIDKA SIDIISABA WAA HUB IYO HIIL U AH AMA HABAAR AMA XAASIDNIMO IYO XUMAAN IYO XANUUN

  36. aadan asad says:

    1_ninka mooday gobanimo anaa ehelki kala gaabshay
    2_nabad baa gunwayanlehe ninkaas guluf kubaqaaya
    3_oo gacal iyo xigaal kiis kala guroo gooynaayo
    4_goomo lotolay ninkii gacaladis dhafshay
    5_goortuu hormarin laha ninkaa gaabin odumin
    6_ruuxi garshegana gadaaf oku abaalmarinaayo 7_garaadkii ladoortana ninki xumo gudoonsiyay 8_gabaldhacay iyo wabiri ninkii guro xigaal kisa
    9_garabkiisa midig ninkii seef kukala goyay
    10_goortuu ubaahdana gacal kadonaya
    11_warbal gala xaajadaas koley way ila gurracantahay

  37. Abdulaziz says:

    Dhamaan Bulsha waynta reer Columbus ee gobolka Ohio iyo nawaaxigeeda waxaa loogu baaqayaa oo lagu casuumayaa inay kasoo qayb galaan xaflada hambalyeeynta caleema-saarka Ugaas Maxamed Ugaas Xirsi. maalinta axada ah 6pm galabnimo iyo libaaxyada isgoyska morse rd iyo cleveland ave.

    Kaqaybgal wanaagsan
    Mahadsanidiin

  38. Dalal says:

    K k k waar abdul azizow ugaas yada farabadna gesiyada rd aad kutilmamtay lagoninoqoshada ugaska koley wa ugas rd cml k k k k hakala goynin rer tolka yusan gabalka kadhicin e

  39. waxaan filayaa ninkasta oo xukun madax maraba waxaa ku filan kalimada ah

    looma dhamo mareexaan gaar ahaan iyo soomaali guud ahaan hala socdeen
    in an loo dhamayn ninkaan garadka sheegtay waxba kama duwana madax wayna yaasha maalin walba yurub aad cidaacadaha ka maqashaan
    waad mahadsaaantihiin

  40. buuhood says:

    Cakuye cakuye may buuraha dhaqaaqaan oo geedaha qoslaan o may gudoönsiyaan waxay goobayaan xameeti ma quurayaashu war reer garaad ayakaa dayaxi ah hada garaad ayaad ba ka dodaysa anan kuqusayn waxana nasib daro ah go i okaasi dhacaya inaad siiba turto indhihi aya caag idinka noqday alaha idintuso xaqina

  41. yonis says:

    masha allah garaadka sifiican ayuu u hadlay waxaana rajaynayaa garaadyada kale oo tolka sidaas oo kale ayaan ka rajaynayaa mareexaan isku duubni ayaan u rajaynayaa wadadka hadda cadow ayaa haysto insha allah wayna xaroobi ………….. dadska fikradaha qaldan oo ku salaysan qabiilaysi iska dhaafa gobalka wuxuu u baahanyahay nabad hormar kala dambayn waxaana ku heli karnaa anagoo gacmaha is qabsano gaalada wadaka haysatana iska difaacno ………..

  42. anigoo jaalaha kor ku xusan waxaan salaamayaa dhamaan akhristayaasha allgedo iyo inta dooda wanaagsan ka dhiibatay Qodbadii Garaadka Karaamaysan ee Beesha reer Garaad.
    Waxaan u aad u gu Hanbalyeynayaa Dhabaan beesha sade gaar ahaan Besha reer Garaad oo doortay Garaad laysku raacsan yahay. waayo Garaadka reer Garaad waa Garaadka sadde.
    waa wax loo baahan yahay in lawada sameeyo oo beel walba meesheeda kasamaysato garaad ama suldaan . Kadibna ayagu iska doortaan Mid guud lagana baxo waxa meesha dhigay beesha sade ee riyadda beenta ah oo laleeyahay Ugaaska guud Ugaas, cumar, Ugaas ciise Ugaas siraaji, ugaas taakow Ugaas muraayad Garaad, Ugaas faarax, Ugaas kayse, Ugaas Taakoow, Ugaas Qooray, Ugaas xaawo ugaas ugaas ninkeeda ugaas caruuurtoota ugaas Taray, Ugaas Magan, Qunsulkii North America , Ugaaas wakiiiiiiiiiiiilka Ugaaska Ugaas wakiilka Ugaaska ee Naroobi ugaas shaafici, Ugaas dhamaan beesha reer ugaas sharmarke diini.!!! Maxay naqayma dileen magacyadaani ayaguna isqaymo dileeeeeeeeeeeeen!11

  43. asc wr wb waxaan halkaan kasalamayaa dhamaan bulsha waynta kunool gobalada gedo iyo jubooyinka anoo ku sugan ama jooga magalada cabudwaaq walalayaal plzz and plzzzz walalayaalow hala is xushmeeyo oo cayda iyo aflagadada iyo iskala sarka foosha xun hala joojiyo intaas ka dib walalayaal garaad iyo ugaas iyo boqor iyo amiir intaba waan leenahay eee mid walba meshiisa halagu xushmeeyo oo walalayaalow qilaafka iyo reer hebel ka iyo hebel baa loo danleeyahay iyo wax yalaha gadaal gobalka iyo adinka iyo anagaba na dib ridaaya halaga baxo plzzz gar ahaan anaga besha sade ah is qabqabsi iyo wax isku quuri waga aan iska dayno qof walbana hogaankiisa iyo meesha uu bulshada ugu jiro haloo qadariyo walaalayaaalow wana mahadsantahiin

  44. marlabaad walalaha ama aqristayaasha ama wax garadka qabyalada iyo is qaybinta hala joojiyo somalia ayey meeshaad aragteen dhigteen gar ahaan anaga sade ah na waa aragtaan meeesha uu na dhigay walalayaalow plzzzz mantay qabaail ka aan ka dhalaynay ee sade daarood meel xun bay xaaladiisu taala anagoo saas ah inaan is garowsan waynana waa nasiib daree aan is daba qabano mareehan sade amiir iyo garaad iyo ugaas iyo suldaan ba inuu yeesho waan soo dhawayno waxbaa noogu sii kordhayee waxba nagama ba ayaan aniga hada inla hadlaya mantay aad baan u jeclaan lahaa amiir iyo boqor iyo ugaas iyo suldaan iyo garaad sade marehan ah inaan arko aad baan ugu farxi lahaa oo isku hadaf ah oo is raacsan oo isku meel wax u wada walahay aniga gedo waligay ma arag hadana hadii dhib la iiga sheego waan walwalaa maxaa yeelay tolkay iyo dadkaygii baa dagan dadka gedo jogana galgaduud waqoooyi hadii dhib laga sheego waa lamid maxaa yeelay walalahood baa dagan war walalayaalow dadka hala isku soo dhaweeyo dadku waa isku dhiig isku dhaqan isku qabiil plzz and plzzz

  45. WIILSADE says:

    WAAN IDINSALAAMAY AQRISTAYAALOW
    HADAAN SOODAADAGO SOOMAALIDU WAXAY KUMAAH MAAHDAA
    BUUN NINKII XADAA MEESHUU KUYEERIN LAHAA AYAA LARABAA
    NINKAAN WAXAAD MOODAA INUU NAMUSHQUULIYEY HADII UUYAHAY
    GARAAD REERGARAAD HAQABSADO SHAQADIISA DADKA GARAADKA LOOYAHAY WAALOO SHAQEEYAAYE SIDAAS WAXAAN ULEEHAHAY HADAKAHOR NINBAA XAAFAD MUQDISHO KAMIDA
    INTUU DEGEY WUXUU SHEEGTAY MADAX WEYNE SIDUU USHEEGANAAYEY MADAX WEYNE MARKUU OGAADAY
    QAYAALI NIMASIISA AYUU ISKADAGEY OOBULSHADIISA DHINAC
    KARAACAY HADA NINKAAN SIDII BUU IILA EGYAHAY WABILAAHI TOWFIIQ

  46. C/waaq says:

    Asc wll halaskadayo qabyalada xun walahi hormar garimayn inta an ishaysano mida kale garadka dadba dortay wa in lagu xushmeyo wil walba ma ahan in u aflagadiyo

  47. ciid says:

    asalaamu caleeykum dhamaatiin salaan kadib dad muslimin ah baan nahay Waa in dhalinyarado xushmeeysa waayeelka waayelkuna xushmeyaa dhalinyarado is xushmeeyn iyo kala dambeeyn baa hormar lagu gaaraa

  48. Asc waa idin slamay dhaman dadka commantiga kabixyay garaadka anaga waa so dhawaynaynaa garaarka marexana hada malahan dhaqan guud marka waxan oran lahaa marexan waxuu lamid yahay qaabaailada kale ee daarood majeerteen malahan ugaas ama garaad guud ogaadeen sido kale malahan haldhaqan ah oo aay kumideysan yahiin marka maxaa sade dusha iska saaray anaga waxan leenahay beelkasta xur ayaay utahay inay dorato ugaas anaga hadaan howraarsame nahay waa soo dhaweynaynaa garaadka wa bilahi towfiiq