Home » Archive Daily February 15th, 2012

Wufuud ku sii Qulquleysa Garoowe iyo Shirka oo la Filayo in uu Goordhow Furmo

Feb 15, 2012
Garowe, Somalia (AOL) – Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland ayaa waxa ilaa shalay ku qulqulaya wufuud caalami ah, iyadoona uu maanta  gaaray wafdi ka socda Dowladda Jabuuti. Wafdiga oo uu hogaaminayo wasiirka awqaafta iyo arimaha diinta dalka Jabuuti  Xaamud Cabdi Suldaan ayaa maanta kadagay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garowe, waxaana wafdigaasi garoonka kusoo dhaweeyay madaxweeynaha... 

Dibadbaxyo Lagu Taageerayo Midowga Al-shabaab iyo Al-qaacidda oo ka Dhacay Gobollada Jubooyinka, Bay, Bakool iyo Gedo

Feb 15, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Dibadbaxyo ballaaran oo lagu taageerayo midowga xarakada Al-shabaab iyo uruka Al-qaacidda ayaa maanta ka dhacay gobollada Bay, Bakool iyo Gedo. Magaalooyinka Kismaayo,Baydhabo, Baardheere, Xudur, Diinsoor iyo degmooyin kale oo katirsan gobollada Jubooyinka, Gedo, Bay iyo Bakool ayaa waxa maanta ka kala dhacay dibadbaxyo waaweyn oo lagu taageerayo midowga Al-shabaab iyo... 

Sheekh Shariif: in Soomaaliya ay ku Soo Duusho Al-qaacidda Cunaqabateynta Hubkana ay sii Saarnaato waa Caddaalad Darro

Feb 15, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Madaxweeynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta qudbad dheer ka jeediyay goob ay dad badani isugu soo baxeen oo lagu xusayay dibadbaxayaal hada kahor lagu laayay magaalada Muqdisho ayaa ka codsaday beesha Caalamka in ay Soomaaliya ka qaado cunaqabateynta dhanka hubka. Madaxweeynaha dowladda KMG ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya... 

Dhaawacyadii Qaraxii Muqdisho oo loo Qaaday Dalka Turkiga

Feb 15, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Dadkii dhawaan ku dhaawacmay qaraxii ka dhacay Baar Fatxi ee ku yaallay agagaarka Hotel Muna ee magaalada Muqdisho ayaa loo qaaday dalka Turkiga si loogu daweeyo. Dadkan oo ay tiradoodu gaareyso 16 qof oo islamarkaasina qabay dhaawacyo halis ah ayaa waxa daweyn lacag la’aan ah ugu deeqday dowladda Turkiga iyadoona ay maanta ka ambabaxeen garoonka caalamiga ah ee... 

Xiisad ka Taagan Duleedka Muqdisho iyo Dadka ku dhaqan Halkaasi oo bilaabay in ay Isaga Barakacaan

Feb 15, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Xiisado dagaal oo aad u xoogan ayaa lagu soo waramayaa in ay maanta ka taaganyihiin deeganada loo barakacay ee duleedka Muqdisho halkaasoo ay isku horfadhiyaan ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab. Ciidamada AMISOM oo wata Taangiyada Dagaalka islamarkaasina ay wehliyaan kuwa dowladda KMG ayaa saldhigyo ka sameystay goobihii ay shalay...