Home » Archive Daily February 18th, 2012

Hay’adda Nabadsugidda oo soo Bandhigtay Gaari Walxaha Qarxa laga Soo Buuxiyay iyo Ninkii Watay

Feb 18, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Hay’adda nabadsugidda qaranka ayaa maanta soo bandhigtay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa iyo wiil da’yar oo waday, waxaana ay hay’addu sheegtay in gaarigani iyo ninka wataba laga soo qabtay afaafka hore ee laga soo galo magaalada Muqdisho. Taliyaha ciidamada nabadsugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xoogaga... 

Qaramada Midoobay oo Tirakoob ku Sameysay Tirada Dadka ka Barakacay Duleedka Muqdisho

Feb 18, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Hay’adda qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa sheegay in todobaadkan gudhiisa ay magaalada Muqdisho ka barakaceen tiro aad u badan oo dad ah kuwaa oo ka kala yimid deegaanada loo barakacay ee duleedka Muqdisho. Afhayeenka Hay’adda UNHCR Melissa Fleming ayaa sheegay in labadii todobaad ee ugu danbeeyay ay duleedka Muqdisho kasoo barakaceen dad... 

Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida oo Fulisay Xukun Toogasho ah

Feb 18, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Dowladda KMG Soomaaliya ayaa maanta xukun toogasho ah ku fulisay askari katirsan ciidamada dowladda KMG oo ku eedeysnaa in uu dil u geystay askari kale. Askariga la toogtay oo lagu magacaabo Axmed Max’ed Sahal ayaa ku eedeysnaa in uu dil u geystay askari kale oo katirsanaa ciidamada qalabka sida, waxaana maanta lagu toogtay... 

Faahfaahin ku Saabsan Qodobadii Kasoo Baxay Shirkii Garowe

Feb 18, 2012
Garowe, Somalia (AOL) – Iyadoo sedexdii maalin ee ugu danbeeyay uu magaalada Garowe ka socday wejigii labaad ee shirkii wadatashiga ee Soomaaliya ayaa xalay la isla sixiixday qodobadii lagu heshiiyay. Qodobada lagu heshiiyay waxa kamid aha:- In Xubnaha baarlamanka cusub dhinaca dumarka laga dhigo 30%, islamarkaasina si deg deg ah loo soo dhiso garsoorka iyo qeybaha kala duwan ee ciidanka beesha... 

Dowladda KMG oo Sheegtay in ay Sameysay Guddi ka Shaqeyn doona Adkeynta Ammaanka Caasimadda

Feb 18, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay sameysay guddi ka shaqeyn doona sugidda amniga magaalada Muqdisho, gudigaas oo ka kooban gudoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir iyo Hay’addaha ammaanka. Wasiirka gaashaandhigga ahna ra’isul wasaare ku xigeenka dowladda KMG ee Soomaaliya Xuseen Carab Ciise oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda...