Home » Archive Daily February 19th, 2012

Wafdi ka Socda Dalka Norway oo Gaaray Muqdisho

Feb 19, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Wafdi ka socda dalka Norway ayaa gaaray magaalada Muqdisho, iyadoona wafdigu uu kulamo la qaatay madaxda ugu sareeysa dowladda KMG ee Soomaaliya. Wafdigan oo uu hogaaminayay Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta iskaashiga caalamiga ah ee dalka Norway Ereg Solhim ayaa kasoo dagay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde Airport, iyadoona ay halkaasi kusoo dhaweeyeen masuuliyiin... 

Dowladda Kenya oo Aqbashay in Dalkeeda lagu Maxkamadeeyo Kooxo looga Shakisanyahay Burcad-Badeed

Feb 19, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Dowladda Kenya ayaa ogolaatay in dalkeeda lagu maxkamadeeyo kooxo looga shakisanyahay Burcad badeed oo uu soo qabtay markab laga leeyahay dalka Denmarka. Nimankani looga shakisanyahay in ay yihiin burcad badeed oo ay tiradoodu gaareyso ilaa afar nin ayaa waxa gacanta kusoo dhigay markab laga leeyahay dalka Denmarka, iyadoona ay shalay diyaarad kasoo dejisay garoonka diyaaradaha... 

Madaxweeynaha Soomaaliya oo Rajo ka Muujiyay Shirka London

Feb 19, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Madaxweeynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa rajo ka muujiyay shirka la filayo in lagu qabto dalka Ingiriiska ee looga hadli doono xal u helidda arimaha Soomaaliya. Madaxweeyne Shariif ayaa sheegay in shirkaasi uu filayo in ay kasoo bixi doonaan wax wanaagsan, isagoona sheegay in shirku uu ku socdo talo Soomaaliyeed. Madaxweeynaha ayaa wax... 

Sh.Maxamed Aw-libaax:- Waxaan uga Baxnay Shirkii Garoowe Dooda ah in Meesha laga Saaro Goboladi ay Magacowday Dowladi Kacaanka‏

Feb 19, 2012
Baladxaawo, Somalia (AOL) – Gudmiyaha Ahlusunna Waljamacaa ee Gobolada Konfureed Sh.Maxamed Maxamuud Yusuf Awlibaax  aya manta waxa uu shir jaraid ku qabtay Magaalada Nairobi ee Xarunta Wadanka Kenya.  Sh. Maxamed Aya shirkisan uga warbixiyay sidi uu u dhacay Shirka Garoowe iyo Sababta Kaliftay  in Shirki oo meel Xasaasi ah maraya  in ay Ergadi Ahlusunna ka baxdo Waxaauu sido kale ku soo... 

Ardaydii ugu horeysay ee ka Qalin jibisey Jaamacada Gedo oo la gudoonsiiyey Shahaadooyin [SAWIRO]

Feb 19, 2012
Baardheere, Somalia (AOL) – Qalan jebinta Ardeydani ka qalin jesey Jaamacada Gedo ee ku taala gudaha degmada Baardheere oo ah Ardeydii ugu horeysay ee ka qalinjebisey Jaamacada Gedo,gaar ahaan  Labada Kuliyadood ee kala ah Maamulka iyo Maareynta iyo weliba Qeybta kale ee Barashada Aalada Cilmiga Computarada ayaa tiradoodu waxay dhameyd ilaa 20 Ardey.iyadoo ardeydaasina la gudoonsiiyey Shahaadooyin... 

Garaad Maxamed Sh.Maxamuud oo Kulan Qado sharaf ah u sameeyey Hogaamiyayaasha Dhaqanka Beelaha ku dhaqan degmada Baardheere

Feb 19, 2012
Baardheere, Somalia (AOL) – Kulan Qado sharaf ah oo si heer sare loo soo agaasimey ayaa shaley waxaa uu ka dhacay gudaha degmada Baardheere,iyadoo kulankaasi oo uu soo qaban qaabiyey Garaad Maxamed Sheekh Maxamuud ayaa ujeedadiisu ahayd is barasho iyo sidii Odoyaasha dhaqanka Beelaha ku dhaqan degmada Baardheere ay u yeelan lahaayeen Wada shaqeyn joogto ah. Garaad Maxamed oo ka hadley Kulanka...