Home » Archive Daily February 20th, 2012

Faahfaahin ku Saabsan Xiisado Dagaal oo ka Taagan Gobollada Bay iyo Bakool

Feb 20, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Wararka aynu ka heleyno gobollada Bay iyo Bakool ayaa sheegaya in deegaano katirsan gobolladaasi ay ka jiraan xiisado dagaal oo aad u xooggan, iyadoona ay suurogaltahay in saacad walba uu halkaasi ka qarxo dagaal. Ciidamada Itoobiya oo aad u hubeysan islamarkaasina sita gaadiidka dagaalka oo ay wehliyaan ciidamo katirsan kuwa dowladda KMG ayaa lagu soo waramayaa in ay... 

Jaamacadda Carabta oo Qaramada Midoobay ugu Baaqday in la Kordhiyo Tirada Ciidamada AMISOM

Feb 20, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Kulan ay isugu yimaadeen wakiilada dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira ayaa looga codsday hay’adda Qaramada Midoobay in ay kordhiso tirada ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya. Bayaan kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta kulankoodii kadib ayaa looga dalbaday hay’adda qaramada midoobay in ay soo dhameystirto tirada Ciidamada... 

Dagaal Xalay ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Feb 20, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Dagaallo xoogan iyo duqeyo ayaa xalay ka dhacay deegaanka Sarkuusta ee duleedka Muqdisho, iyadoona dagaalkaasi la isu adeegsanayay hubka fudud iyo madaafiic culculus. Dagaalka oo qarxay kadib markii xoogaga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen deegaanka Sarkuusta waxaana ilaa imika inta la ogyahay ku dhimatay... 

Kooxo Hubeysan oo Weerar ku Qaaday Saldhig Boolis oo ku Yaal Gobolka Waqooyo Bari Kenya

Feb 20, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Kooxo dabley hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn ayaa Jimcadii aynu soo dhaafnay habeenkeeda weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada booliska Kenya ku lahaayeen deegaan lagu magacaabo Faafi oo hoostaga Degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi bari Kenya. Kooxahani oo la rumeysanyahay in ay katirsanyihin xarakada Al-shabaab ayaa la sheegay in weerarkii ay ku dileen askari katirsan... 

Ugaas Maxamed Ugaas Xasan Yarow oo Markale loo Caleemo Saarey Ugaaska Guud ee Beelaha Xasan Gaashireedle ee G/Gedo (Daawo Sawirada)

Feb 20, 2012
Luuq, Somalia (AOL) – Xaflad si heer sare loo soo agaasimay,islamarkaana ku aadanayd Caleemo saarka Ugaaska Beelaha Xasan Gaashireedle oo ka dhacdey Degmada Luuq ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ugaasyada beelaha kale ee Somaliyed ee degmada Luuq,Odoyaal dhaqameedyo,Culama,udiin,Aqoonyahano,Haween iyo Waxgarad kale gedisan oo ka kala yimid degmooyinka uu ka kooban yahay Gobolka Gedo iyo Marti sharaf...