Home » News »

Jaamacadda Carabta oo Qaramada Midoobay ugu Baaqday in la Kordhiyo Tirada Ciidamada AMISOM

Nairobi, Kenya (AOL) – Kulan ay isugu yimaadeen wakiilada dalalka xubnaha ka ah ururka Jaamacadda Carabta oo ka dhacay magaalada Qaahira ayaa looga codsday hay’adda Qaramada Midoobay in ay kordhiso tirada ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya.

Bayaan kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta kulankoodii kadib ayaa looga dalbaday hay’adda qaramada midoobay in ay soo dhameystirto tirada Ciidamada nabadilaalinta ee ay codsatay AMISOM lana gaarsiiyo ilaa 18,000 oo askari.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu sheegay in ururka Jaamacadda Carabta uu siweyn usoo dhaweynayo horumarka dhanka nabadda ee ay ku tallaabsatay dowladda KMG ee Soomaaliya iyo weliba in uu dhamaado xilligii kumeelgaarka ahaa.

Xubnihii kasocday dalalka carabta ee xubinta ka ah ururka Jaamacadda Carabta ayaa ku baaqay in sanduuq dhaqaale ururin ah loo sameeyo Soomaaliya si loogu taageero hanaanka nabadeed ee Soomaaliya.

Ugu danbeyntii ururka Jaamacadda Carabta ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka ee dalalka Carabta in ay sii wadaan gargaarka biniaadanimo ee ay geeyaan dalka Soomaaliya si ay meesha uga baxdo dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed ee weli la ildaran macluusha.

 

Mohamed Sujuu, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.