Home » Archive Daily February 21st, 2012

Dowladda KMG oo Soo Bandhigtay Hub iyo Rag katirsan Al-shabaab

Feb 21, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ciidamada dowladda KMG ee  gobolka Banaadir ayaa maanta howgallo ay ka sameeyeen degmooyin katirsan gobolka Banaadir  waxa ay kusoo qabqabteen hub iyo rag katirsan Al-shabaab. Howlgalladan oo ay iska kaashanayeen ciidamada xoogga dalka, Booliska iyo kuwa Nabadsugidda islamarkaasina ay ka fuliyeen degmooyinka Dayniile iyo Wardhiigley ayay kusoo qabqabteen Hub, walxaha... 

Diyaarad laga Leeyahay Dalka Mareykanka oo ku Burburtay Jabuuti

Feb 21, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Afar Sarkaal oo katirsan Ciidamada Mareykanka ee howgalka ka wada wadamada Geeska Africa ayaa dhimatay kadib markii diyaarad nooca dagaalka oo loo yaqaan U-28 ay kula burburtay xilli ay cago dhiganeysay Saldhig ay ku leeyihiin dalka Jabuuti. Afhayeenad u hadashay ciidamada Mareykanka ee ku sugan Jabuuti oo lagu magacaabo Amy Oliver ayaa sheegtya in diyaarada ay ku dhinteen... 

Xarakada Al-shabaab oo Sheegtay in ay ka Hortageyso Dagaallada ka soo Cusboonaaday Gobollada Baay iyo Bakool

Feb 21, 2012
Baydhabo, Somalia (AOL) – Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay in ay ka hortagi doonaan weerarrada ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya ee kasoo cusbnoodayo qeybo katirsan gobollada Baay iyo Bakool. Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo kamid ah hogaamiyeyaasha Al-shabaab ayaa sheegay in ay ka hortagayaan duulaanka ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya kusoo yihiin... 

Qarax lala Eegtay Ciidamada Itoobiya ee ku Sugan Beledweyne

Feb 21, 2012
Beledweyne, Somalia (AOL) – Wararka aynu ka heleyno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka Qarax xooggan lala eegtay ciidamada Itoobiya ee ku sugan halkaasi. Xiriir aan la sameynay qaar katirsan dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne ayay inoo sheegay in qaraxa lala eegtay askar katirsan ciidamada Itoobiya saaka xilli ay dadku u kala yaacayeen goobahooda ganacsi,... 

Raysul Wasaare Gaas: Mar Dhow Shabaab way ka Ciribtirmi Doonaan Soomaaliya

Feb 21, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’isul wasaaraha dowladda KMG ee Soomaaliya Dr. C/weli Max’ed Cali (Gaas) ayaa sheegay in dhawaan xoogaga Al-shabaab laga sifeyn doono guud ahaan gobollada ay ku harsanyihiin ee dalka Soomaaliya. Ra’isul wasaaraha oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in dowladda KMG ay wado qorsheyaal ballaaran oo Al-shabaab looga...