Home » Archive Daily February 22nd, 2012
Qaramada Midoobayoo Xayiraaddii ka Qaaday Shirkadda Barakaat
Muqdisho, Somalia (AOL) – Hay’adda golaha ammaanka ee qaramada midoobay u qaabilsan xayiraadda shirkadaha iyo ururrada lagu eedeeyo in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-qaacidda ayaa maanta soo saartay bayaan ay xayiraadda uga qaadeyso shirkadda Barakaat.
Bayaanka kasoo baxay gudiga ayaa lagu sheegay in xanibaadii laga qaaday shirkadda Barakaat laamaheeda kala duwan ee ay ku lahayd caalamka,...
Ra’isul wasaare Gaas oo Sheegay in uu Filayo in Shirka London ay kasoo Baxaan Natiijooyin Wax ku ool ah
Nairobi, Kenya (AOL) – Ra’isul wasaaraha dowladda KMg ee Soomaaliya Mudane C/weli Max’ed Cali (Gaas) ayaa sheegay in uu filayo in shirka la maalinta berito ah ka furmi doona dalka Ingiriiska ay kasoo baxaan natiijooyin waxku ool ah oo Soomaaliya u horseedi kara Nabad iyo Horumar.
Ra’isul wasaaraha oo isagu ku sugan dalka Ingiriiska ayaa sheegay in Shirka London ee looga hadlayo arimaha...
Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya oo la Wareegay Magaalada Baydhabo
Baydhabo, Somalia (AOL) – wararka aynu ka heleyno magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in galabta ay magaaladaasi si buuxda ula wareegeen ciidamada dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa Itoobiya.
Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa saaka isaga huleelay guud ahaan magaalada, iyagoona hore u sii qaaday agabkii ka yaallay oo ay kamidtahay idaacad ay leeyihiin oo ku taallay magaalada...
Raysul Wasaare Cameron: Ujeedada Shirka London Maahan Aqoonsiga Somaliland, Qorshaha Britain-na kuma Jirto
Nairobi, Kenya (AOL) – Raysul wasaaraha dalka Britain David Cameron ayaa sheegay in shirka la filayo in maalinta berito ah oo ka furmo magaalada London in uu ku saabsanyahay sidii la isugu keeni lahaa guud ahaa Soomaalida.
Raysul wasaaraha oo wareysi siiyay idaacadda BBC-da ayaa sheegay in shirka ay u qabanayaan si a horumar uga sameeyaan dalka Soomaaliya isagoona sheegay in dhibaatooyinka Soomaaliya...
Sh.Shariif iyo Faroole oo ku gulaystay in Shaqsi ka soo jeeda Beesha Jareerweyne uu Shirka London uu u matalo Gobolka Gedo iyo Kacdoon ka dhashay arinkaas
Nairobi, Kenya (AOL) – Waxaa Maalmihi ugu danbeyay ka socday Magaalada Nairobi howlo lagu diyaar garobayay ka qayb galka Shirka Somalida ee Magaaalaa London ka dhacaya .
ka qaybgalka Shirkaasi aya waxaa uu buuq iyo sawaxaan badan ka dhaliyay Safaarada UK ay ku ledahay Magaalada Nairobi ee Wadanka Kenya.
Buqa iyo isqabqabsiga aya waxaa uu ka danbeyay ka dib marki Safaraada UK u fadhida...
Faahfaahin ku Saabsan Xiisadaha ka Taagan Gobollada Baay iyo Bakool
Baydhabo, Somalia (AOL) -Wararkii ugu danbeeyay ee aynu ka heleyno deegaanada a xiisadaha ka taaganyihiin ee gobollada Baay iyo Bakool ayaa sheegaya in shalay ilaa xalay ay halkaasi ka dhaceen dagaallo aad u xooggan oo dhexmaray xoogaga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG, Ahlusunna Waljameeca oo garab ka helaya kuwa Itoobiya.
Wararka ayaa sheegaya in Degmada Bardaale oo qiyaastii 50 u jirta magaalada...