Home » Archive Daily February 23rd, 2012

AMISOM: Kama Baxeyno Soomaaliya ilaa an ka Ciribtirno Al-qaacidda

Feb 23, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ciidamada nabadilaalinta midowga Afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in aysan ka baxeyn Soomaaliya ilaa ay meesha ka saarayaan xoogagga Al-shabaab ee xiriirka la leh ururka Al-qaacidda. Fred Mugisha oo ah taliyaha ciidamada Midowga Africa ee Soomaaliya oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in magaca Al-shabaab uusan ahayn mid jira taasina ay ka warqabeen,... 

Ciidamada dowladda KMG oo ay Kaabayaan kuwa Itoobiya iyo Al-shabaab oo ku Dagaalamay Degmada Xudur

Feb 23, 2012
Xudur, Somalia (AOL) – Wararka aynu ka heleyno degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta uu halkaasi ka dhacay dagaal aad u culus oo dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Itoobiya. Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya ay weerar ku qaadeen degmada Xudur oo ay ku sugnaayeen dagaalyahannada... 

Shirkii Looga Hadlayay Arimaha Soomaaliya oo la Filayo in Goordhow uu ka Furmo Magaalada London

Feb 23, 2012
London, UK (AOL) – Saacadaha foodda nagu soo hayo ayaa la filayaa in magaalada London ee dalka Ingiriiska uu ka furmo shirkii ay martigelisay dowladda Britain ee looga hadlayo xal u helidda arimaha Soomaaliya. Madasha uu shirka ka dhacayo ayaa waxa ka socoto qabanqaabada furitaanka shirka, iyadoona ay goobta ku suganyihiin madax ka socoto dalalka aduunka, ururro caalami ah iyo weliba siyaasiyiinta... 

Dowladda KMG oo Sheegtay in ay Maamullo u Dhiseyso Goobaha Shabaab laga Saaray

Feb 23, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay maamullo ka dhisi doonto goobaha laga saaray xarakada Al-shabaab ee koonfurta dalka Soomaaliya. Wasiir ku xigeenka wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah Mahad Cabdalla Cawad oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda Radio Muqdisho ayaa sheegay in wasaaraddu ay dajisay qorsheyaal ay ugu talo galeen in lagu dhiso maamullo... 

Qarax Xalay lala Eegtay Ciidamada Itoobiya ee ku Sugan Baydhabo

Feb 23, 2012
Baydhabo, Somalia (AOL) – Qarax nooca miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa lagu soo waramayaa in xalay gudaha magaalada Baydhabo lagula eegtay ciidamado katirsan kuwa Itoobiya ee shalay qabsaday magaalada Baydhabo. Qaraxa ayaa lagu soo waramayaa in uu ka dhacay agagaarka halka loo yaqaan afar idoodka ee magaalada Baydhabo, iyadoona la sheegay in qaraxa ka dib ciidamada Itoobiya ay rideen rasaas...