Home » Archive Daily February 24th, 2012

Dhaq-dhaqaaqyo ka Jira Gobolka Galgaduud iyo Shabaab oo isaga Baxay Deegaano Dhowr ah

Feb 24, 2012
Dhuusamareeb, Somalia (AOL) – Wararka aynu ka heleyno gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in qeybo katirsan gobolkaasi ay maanta ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan oo ay wadeen xoogagga ururka Ahlusunna ee ku sugan qeybo katirsan gobolkaasi. Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayay dadka deeganka inoo xaqiijiyeen in xaaladda degmadaasi... 

Duqeyn Shabeelada Hoose lagula Eegtay Gaadiid ay Wateen Masuuliyiin Al-shabaab Katirsan

Feb 24, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Wararka aynu ka heleyno gobolka Shabeelada hoose ayaa sheegaya in diyaarado nooca aan duuliyaha lahayn ay duqeymo ka geysteen nawaaxiga deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelada Dhexe. Sarkaal katirsan waaxda sirdoonka dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta ay geysteen diyaaradaha, ay ku dhinteen laba qof oo ajaanib ah iyo mid kale oo Soomaali ah, waxaana uu... 

Halkan ka Aqri War-murtiyeedkii laga Soo Saaray Gabagabadii Shirkii London

Feb 24, 2012
Waxaan halkan idinku soo gudbineynaa War-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii ka Dhacay London ee looga hadlayay Arimaha Soomaaliya kaasoo shalay lagu soo gabagabeeyay gudaha dalka Ingiriiska.   Hadaba halkan hoose ka aqri Warmurtiyeedkii Shirka oo ku qoran Af-Soomaali:- Hordhac  Shirka London ee ku saabsan Soomaaliya waxaa uu aqalka Lancaster House uu ka dhacay 23kii Febraayo 2012, waxaana ka soo... 

Dowladda KMG oo Sheegtay in ay Weerar ku Tahay Meelwalba oo ay Shabaab Joogaan

Feb 24, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Dowladda KMG ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay duulaan ku tahay meel walba oo ay xoogagga Al-shabaab uga suganyihiin Soomaaliya, iyadoona ay dowladdu sheegtay in qorshaheedu yahay ciribtirka ururka Al-shabaab. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaashaandhigga dowladda KMG ee Soomaaliya Max’ed Cali Catoosh oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qorshaha dowladda KMG uu...