Home » News »

Dhaq-dhaqaaqyo ka Jira Gobolka Galgaduud iyo Shabaab oo isaga Baxay Deegaano Dhowr ah

Dhuusamareeb, Somalia (AOL) – Wararka aynu ka heleyno gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in qeybo katirsan gobolkaasi ay maanta ka jiraan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo aad u xooggan oo ay wadeen xoogagga ururka Ahlusunna ee ku sugan qeybo katirsan gobolkaasi.

Xiriiro kala duwan oo aan la sameynay degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayay dadka deeganka inoo xaqiijiyeen in xaaladda degmadaasi ay manta tahay mid siweyn looga dareemayo dhaqdhaqaaqyo xooggan oo ay sameynayaan xoogga Ahlusunna, iyadoona la sheegay in magaalada ay ka ambabaxeen ciidamo aad u tiro badan oo katirsan kuwa Ahlusunna Waljameeca ee gobolkaasi.

Xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay in ay isaga baxeen deegaano dhowr ah oo hoostaga degmooyinka Ceeldheer iyo Ceelbuur ee katirsan gobolkaasi, iyadoona lagu soo waramayo in dagaalyahanna Al-shabaab ay fariisin ka sameysteen degmada Ceelbuur halkaasoo ay aad ugu xoogganyihiin.

Masuuliyiin katirsan kuwa Ahlusunna ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in saacadaha nagu soo aadan ay ku foolleeyihiin deegaanada ay ka baxeen xoogagga Al-shabaab, iyadoona saraakiishaasi ay sheegeen in dhawaan ay qaadi doonaan duulaan ballaaran oo ay ku doonayaan in ay xoogga Al-shabaab uga saaraan guud ahaan gobolka.

Xiisadahani kasoo cusboonaaday gobolka Galgaduud ayaa kusoo beegmaya xilli inta badan gobollada Koonfureed ee dalka Soomaaliya ay ka jiraan abaabullo dagaal oo ka dhan ah xarakada Al-shabaab, iyadoona ay xusid mudantahay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobollad Bay, Bakool iyo Hiiraan ay wadaan howgallo ciidan oo ay doonayaan in ay isku fidiyaan goobo horleh oo ay ka qabsadaan xoogga Al-shabaab.

 

C/qaador Faarax, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

3 Jawaabood " Dhaq-dhaqaaqyo ka Jira Gobolka Galgaduud iyo Shabaab oo isaga Baxay Deegaano Dhowr ah "

  1. mahad says:

    Reer walba wey badbaadin magaalooyinkooda iyo maatadooda umana ogalaanayaan iney dagaal ka dhexsameeyaan waxaan ka ahayn cawaanta reer gedo oo marba inta meel lagu qufulo wax ka fura aan la helin oo waxa ay magaalooyinkooda iyo maatadooda u burburinayaan aan garan karin marna rooboow daba socda marna daahir aweys war sida isu dhaama oo mar keliya caqligiina ha shaqeeyo weligiin dad idiin daran ha daba soconina oo meesha iska qaada.

  2. Hanbalyo Ugaaska Beelaha Sade Daarood

  3. Hanbalyo Ugaaska Beelaha Sade Daarood
    Waxaan Kuraac sanahay Mahad waa runtiise meesha is qaadda