Home » Archive Daily February 25th, 2012

Kenyan oo Sheegtay in aysan Waan-waan la Galeyn Al-shabaab

Feb 25, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in aysan wax wadahadal ah la galeyn xarakada Al-shabaab ee ka dagalanta Soomaaliya, kadib markii dhawaan xoogga Al-shabaab ay soo bandhigeen muuqaalka maxbuus Askar Kenyan ah oo codsaneysa in Kenya ay la Baxdo Ciidamadeeda si ay u helaan xoriyadooda. Afhayeenka militariga Kenya, Colonel Cyrus Oguna oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan... 

Golaha Odoyaasha Beelaha Hawiye oo Soo Dhaweeyey Shirkii London

Feb 25, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Golaha Odoyaasha dhaqanka beelaha Hawiye ayaa soo dhaweeyay qodobadii kasoo baxay shirkii looga hadlayay arimaha Soomaaliya ee ka dhacay dalka ingiriiska. Kulan ay isugu yimaadeen golaha dhaqanka beelaha Hawiye oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayay ku sheegeen in ay soo dhaweynayaan go’aamadii kasoo baxay shirka London, iyagoona sheegay in ay ahaayeen qodobo wax u ool... 

Kooxda ka Dagaalanta Buuraleyda Galgala oo Si Rasmi ah ugu Biiray Al-shabaab h

Feb 25, 2012
Boosaaso, Somalia (AOL) – Urur diimeedka ka dagaalama buuraha Galgala islamarkaasina dagaalka kula jira maamul goboleedka Puntland ayaa maanta shaaca ka qaaday in ay si rasmi ah ugu biireen ururka Al-shabaab ee dhawaan kamid noqday ururweynaha Al-qaacidda. Mid kamid ah hogaamiyaasha kooxdani oo lagu magacaabo Sheekh Yaasiin Khaalid Cismaan (Yaasiin Kilwe) oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay... 

Dagaal Xalay ka Dhacay Duleedka Qooqaani

Feb 25, 2012
Dhoobley, Somalia (AOL) – Dagaal aad u xooggan oo u dhexeeyo xarakada Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Kenya ayaa xalay ka dhacay duleedka waqooyi ee deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose. Dagaalkan ayaa yimid kadib markii dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen saldhig ay duleedka deegaankaasi ku lahaayeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya,...