Home » Archive Daily February 28th, 2012

Shirka London Waa Mirihii ka Dhashay Qiyaanaddii Mahiiga

Feb 28, 2012
Shirka London oo aan ahayn shir Soomaaliya looga arrinsanayo ee ahaa meel amar laysku siinayo oo talooyin horay loo meel-dhigay, ka soo qaybgalayaasha loogu qaybinayo, wuxuu ahaa hagardaamo dan loo ekeysiinayo. Farriintii Wasiirka 1aad ee dalka Ingriisku gudbiyey waxaa nuxurkeedu ahaa laba arrimood oo kala ah:- In nabad-galyada Soomaaliya wax laga qabto. Taasoo caalamka Qatar ku ah. iyo in Caalamku... 

Midowga Yurub oo Kordhiyay Waqtiga Howlgallada la Dagaalanka Burcad Badeeda

Feb 28, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Ururka Midowga Yurub ayaa sheegay in ay waqtiga u kordhiyeen howlgalka lagula dagaalamayo kooxaha burcad badeeda ee ay ka wadaan xeebaha dalka Soomaaliya. Ururka ayaa sheegay in howlgalka lagula dagaalamayo burcad badeeda in uu sii socon doonto ilaa laga gaarayo bisha Dec, 2014, iyadoona howlgallada ciidmada EU ee Atlanta la sheegay in ay ballaarin doono howlgallada ka... 

Xildhibaan katirsan Maamulka Galmudug oo lagu Dilay Magaalada Gaalkacyo

Feb 28, 2012
Gaalkacyo, Somalia (AOL) – Wararka aynu ka heleyno magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta koonfurta magaaladaasi lagu dilay xildhibaan katirsan Baarlamanka maamulka Galmudug State. xildhibaanka oo lagu magacaabo C/laahi Max’ed Siyaad (Shulux), ayay kooxo dabley ku toogteen gudaha magaalada Gaalkacyo, iyadoona ilaa imika aan la garaneyn cida ka danbeysay dilka... 

Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda oo ku Dagaalamay J/hoose

Feb 28, 2012
Kismayo, Somalia (AOL) – Xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG ayaa saaka ku dagaalamay nawaaxiga deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada hoose, iyadoona dagaalka labada dhinac uu ahaa mid culus. Dagaalka ayaa yimid kadib markii dagaalyahannada Al-shabaab ay jidka u galeen kolonyo gaadiid ah oo wateen ciidamada dowladda KMG oo marayay wadada isku xirtay Taabto iyo Qooqaani, waxaana halkaasi... 

Waxgaradka Beesha Sade ee Baardheere oo Wax Kama Jiraan ku Tilmaay Ugaas la sheegay in loo Doortay Beesha Sade‏

Feb 28, 2012
Baardheere, Somalia (AOL) – Odoyaal, Waxgarad iyo Culamaa’udiin ku shiray Degmada Baardheere ayaa waxay sheegeen in ayan waxba kala socon doorashadii la sheegay in Deegaanka Malkaahariyeey lagu doortay Ugaas ay leedahay beesha Sade, iyagoona intaasi ku daray in ay si aad ah uga xun yihiin warkaasi, islamar ahaantaana ayanba ka warqabin wax doorasho ah oo ka dhacdey malkaahariyeey. Hadaba, bayaan... 

Gudiga Ururka Haweenka Degmada Luuq oo la Magacaabay

Feb 28, 2012
Luuq, Somalia (AOL) – Xaflad si heer sare loo soo agaasimey,islamarkaana ku aadanayd dhismaha Ururka Haweenka degmada Luuq,ka dib kulamo iyo wada xaajoodyo mudo dheer soconayey ayaa maanta waxaa lagu qabtey gudaha degmada Luuq, iyadoo xafladaasi oo ay ka soo qeyb galeen Odoyaasha deegaanka, Aqoon yahano,  maamulka Degmada, Haweenka iyo waxgarad kale ayaa ujeedadeedu waxay ahayd soo bandhigida... 

Xoogagga Al-shabaab iyo Ciidamada Dowladda KMG oo Xalay ku Dagaalamay Luuq

Feb 28, 2012
Luuq, Somalia (AOL) – Wararka aynu ka heleyno magaalada Luuq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in uu halkaasi xalay ka dhacay dagaal aad u culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamo katirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen Buundada Luuq oo saldhig u ahayd ciidamada dowladda KMG, waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray dagaal...