Home » News »

Xoogagga Al-shabaab oo Xalay Weerar ku Qaaday Magaalada Beledweyne

Beledweyne, Somalia (AOL) – Wararka aynu ka heleyno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xalay gudaha magaaladaasi uu ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Al-shabaab, kadib markii dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay si dhuumaaleysi ah weerar ugu soo qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku lahaayeen magaalada Beledweyne.

Dadka deegaanka ayaa inoo xaqiijiyay in ciidamada katirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku lahayeen afaafka hore ee magaalada Beledweyne, iyadoona rasaasta ay isku ridayeen labada dhinac laga maqlayay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Saraakiil katirsan dowladda KMG oo warbaahinta la hadashay ayaa sheegay in dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay weerar gaadmo ah kusoo qaadeen, waxayna sheegeen in ay iska caabiyeen islamarkaasina u geysteen qasaarooyin lixaad leh.

Sarkaal ka gaabsaday in magaciisa la baahiyo ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalkii xalay ay ku qabteen mid kamid ah saraakiishii hogaamineysay weerarkii xalay, waxayna sheegeen in uu jiro dhaawacyo ay xoogagga Al-shabaab uga carareen duleedka magaalada.

Ilaa imika ma jiro wax war ah oo ku aadan dagaalkii xalay oo kasoo baxya dhanka xoogagga Al-shabaab ee la sheegay in ay iyagu weerarka qaadeen.

Jawiga magaalada Beledweyne ayaa saaka aad u dagan, walow ay jiraan baaritaanno ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ka sameeynayaa qeybo katirsan xaafadaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
C/qaadir Faarax, Muqdisho/Somalia.

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

1 Jawaab " Xoogagga Al-shabaab oo Xalay Weerar ku Qaaday Magaalada Beledweyne "

  1. gaaldiid says:

    beledweyne waa gobol ka mid ah dalka soomaaliyeed inta ay joogaan gaalo xabasho ahana lagama yaabo in xabad laga joojiyo kuwa ku heeseyaa dawlad soomaalina waxaan leenahay waad dhunsantihiin illaahey ha,idin soo aruuriye meeshaan wax dawlad ah ma jirte dawlad soomaaliya waxaa ay uga danbeysey dawladii jaale maxamed siyaad bare uu madaxa ka ahaa xabshada dalka ka ilaalin jirtey marka shecebka soomaaliyeed maba aqoonsan kooxo xabasho kabaha ka dabawada dalka waxaa ay ka baxeyaan iyagoo duleysan oo meel ay aadaan la,a inshaa alaahu