Home » Archive Daily March 2nd, 2012

Kenya oo Sheegtay in Ciidamadooda kamid Noqonaya AMISOM aysan ka Amarqaadan Doonin Sarkaal aan Kenyan ahayn

Mar 2, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ciidamadooda kamid noqonaya AMISOM aysan ka howlgalin doonin goobaha ay haatan ku suganyihin ciidamada Brundi iyo Uganda islamarkaasina aysan noqon doonin ciidamada la wareegi doona goobaha ay Itoobiya ka Saartay Al-shabaab. Afhayeenka Militariga Kenya Col. Cyrus Oguna oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ciidamada Kenya ee kusugan Soomaaliya... 

Siilaanyo: Dowladda uu Hogaamiyo Madaxweeyne Shariif Waxaan la Fureynaa Wadahadal

Mar 2, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Madaxweeynaha Maamulka la magacbaxay Somaliland Axmed Max’ed Max’uud (Siilaanyo) ayaa sheegay in maamulkiisa uu wadahadal la furayo dowladda KMG ee Soomaaliya. Madaxweeynaha oo wareysi gaar ah siiyay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in maamulkiisa uu wadahadal la galayo dowladda Soomaaliya, wadahadalkaas oo uu xusay in uu u dhici doono sida laba... 

Diyaaradaha Kenya oo Duqeymo ka Geystay Duleedka Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo

Mar 2, 2012
Garbahaareey, Somalia (AOL) – Diyaarado Nooca dagaalka oo ay leedahay dowladda Kenya ayaa duqeymo ba’an ka geystay duleedka degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo. Wararka aynu ka heleyno halkaasi ayaa sheegaya in diyaaradaha Kenya ay duqeymo ba’an ka geysteen duleedka Degmada Buurdhuubo iyadoona ilaa imika aan la xaqiijin karin qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay duqeyntaasi. Saraakiil... 

Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM oo la Wareegay Xeradii Maslax

Mar 2, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ciidamada Dowladda KMG oo garab ka helaya kuwa AMISOM ayaa saaka dagaal culus oo ay la galeen xoogagga Al-shabaab kula wareegay xeradii Maslax  oo fariisin u ahayd xoogagga Al-shabaab. Ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa la sheegay in saaka ay weerar saf ballaaran ah ku qaadeen saldhigyo ay xoogagga Al-shababa kaga sugnaayeen magaalada Muqdisho, iyadoona...