Home » Archive Daily March 4th, 2012
Farmaajo oo si wayn Loogu Soo Dhaweeyey Holand iyo Asagoo La hadlay Shacabka Reer Holand [Sawirro]
Xafladdaan oo aay Xalay Kasoo qayb galeen in ka badan kumanaan ruux oo soomalida ku dhaqan magaaladda Danhaag ee dalka Holand isla markaana lagu soo dhawaynayay wafdigii Raysal wasaarihii hore ee Soomaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Maxamed (Farmaajo) Ayaa kuso idlaaday jawi Is Afgarasho iyo Kala warqaadasho.
Xafladaan Soo dhawaynta ah oo loogu Magac Daray Somali Hope Confrence 5 Ayaa ahayd mid si wayn...
Madaxweeynaha Soomaaliya oo Kormeeray Goobihii ugu Danbeeyay ee ay la Wareegeen Ciidamada Dowladda KMG iyo AMISOM
Muqidisho, Somalia (AOL) – Madaxweeynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta booqasho ku tagay goobihii ugu danbeeyay ee lagala wareegay xoogagga Al-shabaab ee magaalada Muqdisho.
Madaxweeynaha oo ay socdaalkiisa ku wehlinayeen Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, Taliyaha ciidamada xoogga dalka, abaanduulaha ciidanka...
Dowladda KMG oo Sheegtay in ay Mardhow la Wareegeyso Magaalada Kismaayo
Dhoobleey, Somalia (AOL) – Saraakiisha Dowladda KMG ee gobollada Jubooyinka ayaa sheegtay in mar dhow ay qorsheynayaan sidii ay gacanta ugu dhigi lahayeen magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose oo ay ku xoogganyihiin Ururka Al-shabaab.
Taliyaaha ciidamada dowladda KMG ee gobollada Jubooyinka Gen. Yuusuf Xuseen Dhuumaal oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in uu u soo dhamaaday...
Farmaajo oo Xisbiga Tayo Party ku dhawaaqaya
Waxaa Wadanka Holland soo gaaray Maxamed Abdilaahi Farmaajo oo ka mid ahaa Ra’iisul wasaarayaashii soomaray Soomaaliya kadib burburkii dalka Somaliya,Waxaana halkaasi si weyn ugu soo dhaweeyey dhamaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Holland.
Kadibna waxaa loo soo gudbiyey Ra’iisul wasaarihii hore ee Somali Mr,Farmaajo Hotelka ay ka degayaan Holland inta ay joogaan kaasi oo ku yaala magaalada...
Gabay aad u Xiiso Badan: Darwiishkii Labaad Baan ahay oo Gaalada u Daran (By:Abwaan C/nuur Xasan Sheekhdoon)
Waxaan daafacaayaa dalkiyo diinta eebahaye
Duligooda gaalada annaa diiday oo nacaye
Dawgii ilaahay annaa dooni oorabaye
Anigaa diriiska u gashaday gaal inaan dilaye
Daba dhilifka raacana anaa dooxi oo marine
Qaramada dufoobana anaa daatada ujaraye
Dadkii caamada.ahaa anaa dawrada ufuraye
Anigaa daliilkii sharciga daaray oo shidaye
Anigaa damiinkii ku iri hab udigtoonoowe
Anigaa daleeyoo warmaha daababka...
Bayaan ku Socda Dhammaan Ummadda Soomaaliyeed Gaar ahaan Waqooyiga Galguduud
Nairobi, Kenya (AOL) – Waxaan in muda ah ku guda jirney inaga oo ah maamulka Somali central State in ummada degta waqooyiga galgaduud ay helaan maamul ay u madaxbanan yihiin oo ay iyagu dhexdooda iska doortaan si ay ula jaanqaadan maamulada kale ee ka jira qeybaha kale ee somaliya, lana shaqeynaya DKM iyo cidwalba oo u taagan midnimada Soomaaliya.
Waad la socotaan in lagu jiro xilli kala guur...
Labo Qof oo Walaalo ah oo ku Geeriyootey Buurdhuubo, kadib Markii ay Cuneen Raashin la Sumeeyey
Baardheere, Somalia (AOL) – Geerida labadan qof ee walaalaha ah oo ka mid ahaa dadka deegaanka Buurdhuubo ayaa waxaa ay ka dambeysay ,ka dib markii ay ku sumoobeen Raashin ay cunayeen,iyadoo goobta dhacdada ay ka dhacdeyna ay tahay guriga mid ka mid ah labada walaalaha ah,taasoo sababtey in wax ka yar ka dib wax yeelada sunta ay keentay darteed ay ugu geeriyoodaan Waxyeelada Sunta lagu darey...
Xoogagga Al-shabaab oo la Wareegay Deegaanka Diif ee Gobolka Jubada Hoose
Dhoobleey, Somalia (AOL) – Wararka aynu ka heleyno gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in weerar kooban oo saaka ka dhacay deegaanka Diif oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa ururka Raaskaambooni ay xoogagga Al-shabaab u suurogashay in ay la wareegaan deegaanka Diif.
Dadka deegaanka oo aan la xiriirnay ayaa inoo sheegay in saaka aroortii ay maqleen rasaas aan sidaa u badnayn oo...