Home » Archive Daily March 7th, 2012

Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Jaamacadaha dalka Pakistan oo soo dhawaynaysa tillaabadii ay qaadday Safaaradda Soomaaliya ee Pakistan

Mar 7, 2012
Bayaan kasoo baxay ardayda Soomaaliyeed ee dalka Pakistan ayaa lagu soo dhaweeyay tallaabadii ay qaadday safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi oo ay waxbarashada uga kansashay arday lagu eedeeyay in ay katirsanaayeen ururka Al-shabaab. Hadaba Bayaanka ayaa u qornaa sidan:- Aradayda Soomaaliyeed ee wax ka barata Waddanka Pakistan jaamacadihiisa kala duwan waxay soo dhawaynayaan tillabaddii saxsanayd ee... 

Jaaliyadda Khaatumo ee dalka Uganda oo soo dhaweysay aqoonsiga maamulka Khataumo

Mar 7, 2012
Jaaliyadda Khaatumo State Ee Dalka Uganda ayaa soo dhaweysay Aqoonsiga Maamulka Khatumo State loogu Aqoonsaday Maamul-Goboleed buuxiyey Shuruudihii Maamulada ee loo Asteeyey Maamul-Goboleedyada ka dhismaya Dalka.  Aqoonsigan ayaa yimi ka dib markii ay wefdi ka socda Maamulka Khaatumo State ay beryahan ku sugnaayeen magaalada muqdisho ee caasimada Somalia halkaas oo ay kula kulmeen madaxda Dawlada... 

Applications invited for United Nations Journalism Fellowships (Appel a candidatures pour les bourses de Journalisme des Nations Unies)

Mar 7, 2012
The Dag Hammarskjöld Fund for Journalists is now accepting applications from professional journalists from developing countries for its 2012 fellowship program. The application deadline is Friday, March 30, 2012.    The fellowships are available to radio, television, print and web journalists, age 25 to 35, from developing countries who are interested in coming to New York to report on international... 

Suldaan Ali Abdulahi oo Soo dhaweeyey Ku dhawaaqida Xisbiga Tayo

Mar 7, 2012
Dhammaan Shacbiga Somaliyeed, waxgaradka, Siyaasiyiinta, Haweenka Culumaa,udiinka Dhalinyaraduba waxay soo dhawaynayaan Xisbiga Cusub ee kudhawaaqay Ra’iisulwasarihii hore ee Soomaliya Mahamed Abdulahi (Farmaajo) Laguna Magacaabo Tayo Party.  Hadaba waxaa ku dhawaaqista xisbigan si gaar ah usoo dhaweeyey Suldaan Ali Abdulahi Hassan oo kusugan dalka Sweden kuna Tilmaamay Fursad dahabi ah, uguna... 

MSF oo Ilbaabada isugu Dhufatay Xarumo Caafimaad oo ay ku Lahayd Muqdisho

Mar 7, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Hay’adda Dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee (MSF) ayaa ilbaababa isugu dhufatay goobo caafimaad oo ay hore ugu lahayd degmooyin katirsan gobolka Banaadir. Hay’adda ayaa xirta xarumo caafimaad oo ay ku lahayd degmooyinka Wadajir iyo Hodan, iyadoona xiritaanka xarumahaasi ay ka danbeysay kadib markii dhawaan laba kamid ah shaqaalaha hay’addaasi lagu dilay... 

Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda KMG oo ku Baaqay in Gargaar la Geeyo Gobolka Gedo

Mar 7, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna wasiirka gaashandhigga dowladda KMG ee Soomaaliya Xuseen Carab Ciise ayaa ugu baaqay hay’adaha samafalka in ay sida ugu dhaqsaha badan gargaar biniaadanimo ku geeyaan gobolka Gedo oo uu xusay in ay kajirto dhibaato dhanka nolosha ah. Wasiirka Gaashaandhigga iyo wafdi uu hogaaminayo oo shalay kormeer ku tagay degmada Garbahaaree... 

Yuusuf Indhacadde: Xayiraadda Al-barkaat Waxaa ka Danbeeyay Qaar ka mid ah Shirkadaha Xawilaadaha Soomaliyeed

Mar 7, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Genral Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo maanta warbaahinta kula hadaly hoyga uu ka deganyahay magalaad Muqdisho ayaa ugu baaqay Qarmada Midoobay in ay magdhaw ka bixiso xayiraaddii la saaray Bank-a Al-barkaat ee ay Hay’adda Qaramada Midoobay xayirta adeeggeedii kadib markii lagu eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-qaacidda. Gen. Indhacade ayaa sheegay... 

Dagaallo Culus oo Xalay ka Dhacay magaalada Muqdisho

Mar 7, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Dagaallo aad u culus oo u dhexeeya ciidamada dowladda KMG oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay qeybo katirsan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya. Dagaallada ayaa la sheegay in ay ka qarxeen xaafado katirsan degmada Kaaraan oo ay kamid yihiin Xaafadaha Keesaneey, Xaliimo-heyte, iyo Habargaalo, kadib markii dagaalyahanno... 

Madaxweynaha Maamulka Bartamaha Soomaaliya oo la Kulmay Madax ka Tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Britain

Mar 7, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Bartamaha Somalia Dr. Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey) oo beryahaanba shirar caalami ah kaga qeybgalayey dalal dibadda ah ayaa markan la kulmay xubno sar sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Britain oo ay ammuuro dhowr ah isla soo qaadeen. Wuxuu madaxweynaha magaalada London kula shiray u qeybsanaha wasaaradda arrimaha dibadda...