Home » News »

Bam Gacmeed Lagu Weeraray Ciidamada Itoobiya ee ku Sugan Beledweyne

Beledweyne, Somalia (AOL) – Wararka aynu ka heleyno magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in saaka weerar loo adeegsaday walxaha qarxa uu ka dhacay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne.

Qarax loo maleynayo Bamgacmeed ayaa la sheegay in lagu tuuray xarun ay ciidamada Itoobiya ku lahaayeen magaaladaasi, ilaa imikana lama oga qasaaraha rasmiga ah ee askarta Itoobiya kasoo gaaray weerarkii Saaka.

Dadka ku dhaqan xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne ayaa AOL u sheegay in qaraxa lala beegsaday Saldhig ay lahaayeen ciidamada Itoobiya, waxayna intaa ku dareen in xaafadda lasoo dhoobay ciidamo aad u tiro badan oo katirsan kuwa Itoobiya.

Askarta Itoobiya ayaa goobta ka bilaabay baaritaanno guri guri ah oo ay ku baadigoobayaan dadka ay uga shakisanyihiin in ay ka danbeeyaan qaraxa.

Weerarkan maanta lagu qaaday ciidamada Itoobiya ee ku sugan Beledweyne ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii ugu danbeeyay ay ka socdeen magaalada Beledweyne howgallo baaritaanno ah oo lagu xaqiijinayay ammaanka magaalada, kuwaasoo ay iska kaashanayeen ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan halkaasi.

 

C/qaadir Faarax, Muqdisho/Somalia.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.