Home » Archive Daily March 14th, 2012
Qarax ismiidaamin oo ka Dhacay Agagaarka Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia (Sawiro+Video)
Muqdisho, Somalia (AOL) – Qarax ismiidaamin ayaa goordhawayd ka dhacay afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Villa Somalia, iyadoona qaraxa uu fuliyay ruux naftii hure ah oo ku labisnaa dareeska ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya.
Qaraxa oo ahaa mid xooggan ayaa waxa uuka dhacay meel u dhow guriga uu daganyahay gudoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoona ay qaraxa ku dhintee...
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo Sheegay in ay sii wadi Doonaan Howlgallada ka Dhanka ah Al-shabaab
Nairobi, Kenya (AOL) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Melez Zanawi ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howgallada ka dhanka ah xarakada Al-shabaab ilaa ay ka saarayaan gobollada ay ku harsanyihiin ee dalka Soomaaliya.
Ra’iisul wasaaraha oo warbaahinta la hadlay kadib kulan uu la yeeshay madaxweeynaha dalka Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ay ka go’antahay...
Wasiirka Arimaha Dibadda Kenya oo Goordhow Gaaray Muqdisho
Muqdisho, Somalia (AOL) – Wasiirka arimaha dibadda dalka Kenya Moses Watangula iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhow ka dagay garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde Airport ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa waxa garoonka si diiran ugu soo dhaweeyay wasiirro katirsan dowladda KMG oo ay kamid yihiin wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah, wasiiru dowladaha gaadiidka cirka...
AMISOM oo Sheegtay in Bisha August ee Sanadkan ay Gacanta ku Dhigi Doonto Gobollada Dalka oo Dhan
Muqdisho, Somalia (AOL) – Saraakiisha xoogagga AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday qorshe cusub oo ay doonayaan in ay uga howlgalaan gobollada koonfureed ee dalka Soomaaliya ee ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab.
Taliyaha ciidamada Uganda Jen. Around Nyakairima oo hadal ka jeediyay kulankii looga hadlay ammaanka dalka ee lagu soo gabagabeeyay Muqdisho ayaa masuuliyiintii...