Waa arrin feejignaanteeda leh, layaabkeedana huwan, kana fog wadan jaceyl, ceebna ku ah Siyaasiyiinta iyo hogaanka siyaasadeed ee dalka.
Waxaan aad ula yaabay sanadkii 2007-dii markii Madaxweynihii hore ee KMG ah C/llaahi Yuusuf Axmed siiyay dhul ku dhow afaafka hore ee Xeebta dekaddii hore ee Muqdisho dowladda Yemen si ay uga dhisato Safaarad, waxaase iga yaab- badnaa maanta markii aan arkay derbiga Masjidkii C/casiis ee burburay ilaa iyo derbiga ku dhow Xeebta Liido ee degmada C/casiis oo laga taagay Laba Tabeello, kuna kala qoran yihiin (Turkey Embassy), waxaan eegay mar labaad si aan u xaqiijiyo, waxaase arkay ilaalo ciidan Soomaali ah oo goobta ku sugneed, iyadoo goobtana ay ka bilaabatay howl dhismo, si aan u eego heerka fikir ee uu aaminsan yahay askariga albaabka taagnaa ayaa waxaan weydiiyay inuu ii qeexo aragtida uu ka qabo dhismaha cusub ee goobtaasi laga dhisayo , wuxuu iigu jawaabay: “ wadankeenu wuxuu waayay wadani, Turkiguna wuxuu safaarad ka dhisayaa goobaha dalxiiska loogu tala galay ee dhaqaalaha ka soo gali lahaa wadankeena”.Waxaase layaab leh Maamulka gobolka banaadir oo la ii sheegay inuu ahaa fududeeyaha in dhulkaasi la bixiyo, hayeeshee awooda shaqa-joojinta iyo dib u soo celinta hantida guud ay xaq u leeyihiin Maxkamadda Gobolka Banaadir iyo Maxkamadda Sare ee dalka, kuwaasoo ilaa iyo hadda aan wax war ah ka soo saarin xadgudubkan iyo boobka ka soconaya dhulka Xeebta.
Safaaradda Yemen, waxa ay dhistay derbi weyn oo xeebta ku dhow, hayeeshee ma aaney dhameystirin sababo dagaalo horey ugu dhexmaray degmooyinka Shangaani iyo C/casiis ciidamada dowladda FS oo kaashanaya AMISOM iyo Xoogaga Xarakadda Alshabaab.
Waxaa la ogsoon-yahay in Safaaradaha Soomaaliya ee Caasimadaha Sanca iyo Ankara ay degan yihiin guryo kiro ah, halka dowladaha Yemen iyo Turkiga ay doonayaan in si ka baxsan sharciga caalamiga inay ku helaan dhul istiraatiiji ah oo Xeebta Muqdisho ku yaala, taasoo ay keeni doonto muran dhinaca sharciga la xiriira.
Sida sharcigu yahay, hadii dhisma Safaarad ajnabi ah laga sameeynayo gudaha dalka, waxaa ogolaanshaheeda leh Xukuumadda oo ay ugu horeyso Wasaaradda arrimaha dibadda, safaaradda ajnabiga wax dhul ah looma hibeyn karo, lamana siin karo, calankeedana dhulka kama taagi karto hadii guriga ay degan tahay uu kiro yahay, iskaba daayee in derbiga dhismaha ay ku midabeyso midabka calanka dalkeeda, waxaase waajib ah in safaaradda ajnabiga ay dhul ka iibsato goob aamin ah, waxaana howsha kala iibsiga ay dhexmareysaa Wakiil ka socda dowladda ajnabiga iyo milkiilaha dhulka oo dekumintiyadooda marka hore u gudbinaya Wasaaradda arrimaha dibadda, Wasaaradda arrimaha dibaduna waxa ay dekumintigaasi ka xaqiijineysaa Wasaaradda arrimaha gudaha gaar ahaan dowladda hoose, kadib xaqiijin feylka waxaa ay wasaaradda arrimaha dibadda u gudbineysaa Maxkamadda gobolka ama Maxkamadda sare si go’aan cad oo qeexaya heshiiska caalamiga ah ee safaaradaha ajnabiga la marsiiyo kala iibsiga dhulkaasi, iyadoo la xusayo in muddo 99 sano kadib milkiyadda dhulkaasi ay dib ugu noqoneyso gacanta dowladda dhexe ee dalka, iyadoo safaaradda ajnabiga ay xaq u yeelaneyso inay dib u iibsato isla dhulkaasi kadib cusbooneysiinta heshiiska.
Hadaba, waxa ay u muuqataa in qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta hogaanka heysa aaney muujineyn wax u dhigma qiiro daljaceyl, Hadii Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf uu qaldamay, waxaa qaladkii labaad sii galay Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, iyadoo la ogsoon yahay in Xeebta ay tahay il dhaqaale oo laga dhisi karo Hoteello, baarar laga cunteeyo, goobo lagu nasto (koorniish) iyo waxyaabo kale oo nafci u leh dalka, waxaase yaab leh in si fudud oo aan sharci aheyn lagu bixiyo dhul dan guud, iyadoo la ogsoon yahay in Xerada Xalane oo saldhigga ciidamada AMISOM uu ku yaalo Hoteel kaasoo habeen waliba lacag ku dhow $150 USD looga qaado shaqaalaha samafalka iyo weriyeyaasha shisheeye ee wadanka soo booqda, lacagtaasina ma ahan mid gacanta dowladda Federaalka KMG ah ku soo dhacda.
——–
W/diyaarisay : Sacdiya Muuse (Magool)
Email: sacdiyo162@yahoo.com
Mogadishu-Somalia.
Walaashiis, dhul ninkiisaa u aaya. Kenya waxa ku taal xarunta qaramada midoobay oo laga maamulo arrimaha Afrika oo dhan. Waxay taas ku gaareen waxay ku deeqeen dhul ku yaar Girigiri, Nairobi. Haddii Turkigu dhisto dhulka, waxa ka faa’iidaya Soomaalida. Xanaaqa ha la yareeyo, caadi ha la iska dhigo.
Sacdiyo adigu waxad layaabtay safaaradahan laga dhisanayo meelo ku yaal muqdisho e anigu waxan la yaabanahay daaroodka rejeda ka qaba muqdisho ooo weli caasimad ku tilmaamaya oo jabkeeda ka naxaya iyo dhaceeda walee hadii qunbulad duriya lugu tuuro maanta muqdisho inaan ku farxo maaha e inaanan wax yar ka naxeen waxadan ba ogayiin maalinta qaraxyadu ka dhacaan oo aan jidhkii moryaanta hawiye oo yaacsan magalada sidaan ugu farxo ee hadaad gabadh yahay ku faraxsan tahay joogitaanka muqdisho anaka dhiigii iyo abaal kadhicii iyo xoolahayagii baanu xusuusanaa e ha noola iman ha maqlin ragan afka kaleh muqdisho e inay gubato oo aan wiil idnka badbaadin baanu caloosha ka wada jecelnahay e
KKKKKKKKKK WALAAL XAASID WELIGIIS MALIIBAANO HANTIDA AAD SHEEGANEYSO WAXEY AHEED HANTI UU LEEYAHAY DADKA MUQDISHO DEGAA OO AAD KU QAADATAY SI AAN SHARCIGA WAAFAQSANEYN MARKA SOMALI WAXEY KU MAAHMAAHDAA HAL BOOLI AH NIRIG XALAAL AH MA DHASHO ABALKAAGU WAA SIDAAS “MIDA KALE DAKA DHIBKA WAXA KU HAAYO WAA IDINKA WAXAAD DHALEYSAAN WAA QABIIL HADII AAN SIDAAS IYO NALOO YEELIN WAX KALA SOCONAAYO MAJIRAAN AYAAD MEESHA LA SOO TAAGANTIHIIN HADANE WAAD OGTIHIIN HADII AAD TIHIIN REER BARI BURCAD BADEED WAXA NA BARAY WAA ADINKA ITOOBIYA DHULKA SOMALI WAXA SOO GELIYAY WAA ADINKA KULMIS WAXA AAS AASAY WAA ADINKA DAKA SADBURSIGA WADAA WAA ADINKA
sc wr wbr.
Qofka wata reer bari saaxiib waxana kuu sheegayaa in aadan adeegsan magaca dadka sharaftu lahi leeyihiin ee isku day in aad soo qaadato magacaaga dhabata ah ee waalidkaa kuu bixiyay,reer bari kuma hadlaan hadaladaas oo kale oo daciifnimada ah,xataa hadii uu jiro qof kula qabo fikirkaas markaan janbalka caataha ah kala tag websaityada,ogow soomaali waa hormartay weyna kala taqaanaa waxa ay ku hadlayaan heerka uu mugiisu gaarsiisan yahay.
yaa xaasid ibnu xaasid( alxasuud laa yaziid)
Sacdiyo Salaan kadib. Dhammaan waxa aad sheegtay iyo qoraalkaaga aay waddeniyadu ka muuqato waa sax waana wax uu ka xumaado qof kasta oo damiir waddeni leh. Laakiin, haddii aad tahay dadkii 91kii kadib meeshaa looma ooyaanka looga yaqiinay ee marka la caroodo lagu caro baaba’ayey, waxaay ila tahay, Turkida iyo Yamanta ayaaba adiga kaa mudan lahaanshaheeda.
Maxaa yeelay, adigu laguumaba ogola iska daa in aad u doodide in aad adiga tii kaa maqneyd ku doodid oo waa dil iyo shirqool wixii aay kuu horseedaa arrintaasi.
Marka Reer Bari waa runtiise, take care of your self, and go to where you are belongs to.
ya Daaroodku Xamar jecelaa e xaa kaa quseeya Xeebta Liido,Turki iska dhaafe Yahuudaan sii haa,Saddex qolo oo Soomaali ah Dhuloodii aa lagu
kari la’yahay,Mareexaan,Dhulbahante,iyo Habargidir.aryaa Dhul ma qabtaan miyaa xaa idin ka galay Xamar..
Habargidir waxay la waalahay in Dhul islaameed xoog ku degto Galgaduud lagu kari maah,Xamaray nagu kubaareeyeen.Mareexaan Gedo lagu karimaah Kismaayo iyo Xamar ay ku waasheen,Dhulbahante Laascaano waxay ka jecelyihiin Hargaysa,Garoowe iyo Xamar,ar koofkiina ha idin qaado shuftayahay indhacadays dhul laguma helo.
asc marka hore waa idin salaamay marka xigta waxa aan la yabanahay dadka cuqdada ka qaba magalada muqisho qabiil meel uu idin geeynayo malahan hada qabiil kenntan waa ogtihiin dadka isak leh magala muqdisho in ay dabada idinka galaya walhi waxa aan la yabaya xaasid nimada idinku jirto daarodka masakinta ah siiba marexanka baahida heeso waxa ay ka buuxan xirada bad baado marka dad idin soo dhaeayay ina a caysaan mahan
Soomaalida xaasidsanaa war anaga meel aan xamar ahayn kuma noolaan karno oo meel habeen la seexdo ma lahin ee Hawiye jacayl iyo Xamar jacayl nagama aha , sokor hadaan u baahano Xamar baan u soo doonanaynaa . Allow yaa towraadii soo maxaan qalad badan sixi lahayn xataa 91kii haddii la soo celiyo nalagama hor mareen ciil badanaa ihi ihi ihi
Aan ooyee albaabka ii xira ihi ihi ihi.
oo ma waxaad ku talinaysaa in Kornishan ( meelaha Khamriga lagu cabbo) laga dhiso xamar iyo xeebteeda , tan kale waxaa ku haysa macluumaad la aan, Ankara iyo Sanca haday kiro dagan yihiin yaa Bixiya Lacagta yaa binti naas ? ma xamar baa bixisa ? dag dag iyo dulmi waa waxa na dulleeyaye dadka ha laga daayo daabacaadda caadifadda qof nacaybka huwan