Home » Archive Daily March 20th, 2012
Abwaan Xasan Jaceyl oo Galabta Aas Balaaran loogu Sameeyay Magaalada Nairobi
Nairobi, Kenya (AOL) – Allaha u naxariista waxa maanta qabuuraha Langata ee magaalada Nairobi lagu aasay Abwaan Xasan Maxamed Maxamuud (Xasan Jacayl), iyadoona aaskiisa ay kasoo qeyb galeen boqolaal dadweeyne ah, masuuliyiin, wariyeyaal iyo qaar kamid ah fanaaniinta Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Nairobi.
Abwaan Xasan Jacayl ayaa in mudo ah ku xanuunsanaa magaalada Nairobi, waxaana xalay...
Ciidamada Dowladda KMG oo Dib ula Wareegay Deegaanka Diif
Dhoobleey, Somalia (AOL) – Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa ururka Raaskaambooni oo isgarabsanaya ayaa dib ula wareegay deegaanka Diif ee Gobolka Jubada Hoose.
Dagaalyahannada ururka Raaskaambooni iyo kuwa dowladda KMG oo ku sugnaa meel aan sidaa uga fogeyn deegaanka Diif ayaa la sheegay in weerar lixaad leh ay kusoo qaadeen deegaanka Diif oo ay ku sugnaayeen xoogagga Al-shabaab, waxaana ay taasi...
Sedex Dhalinyaro ah oo lagu Toogtay Beledxaawo
Beledxaawo, Somalia (AOL) – Sedex nin oo la aaminsayahay in ay katirsanaayeen xoogagga Al-shabaab ayaa lagu toogtay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kadib markii sida la sheegay lagu soo qabtay walxaha qarxa.
Buulo Aadan Qaloocow oo ka mid ah saraakiisha dowladda KMG ee Belexaawo oo la hadlay idaacadda Barkulan ayaa sheegay in sedexda nin ay ka mid ahaayeen xarakada Al-shabaab, wuxuuna sheegay...
Xoogagga Ahlusunna oo dib u Qabsaday Degmada Dhuusamareeb Kadib markii ay saaka Gacantooda ka Baxday
Dhuusamareeb, Somalia (AOL) – Xoogagga Ahlusunna Waljameeca ayaa lagu soo waramayaa in ay dib u qabsadeen degmada Dhuusamareeb, kadib markii dagaal saaka dhexmaray labada dhinac ay xarakada Al-sahbaab ku guuleeysatay in ay la wareegto degmadaasi.
Warar ku dhow dhow degmada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in ciidamo fara badan oo katirsan xoogagga Ahlusunna waljameeca islamarkaasina ku hubeysnaa gaadiidka...
Xoogagga Al-shabaab oo la Wareegay Deegaanka Diif ee Gobolka Jubada Hoose
Dhoobleey, Somalia (AOL) – Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa saaka si nabadgelyo ah ula wareegeen deegaanka Diif ee gobolka Jubada hoose, kadib markii ay isaga baxeen ciidamada dowladda KMG iyo kuwa ururka Raaskaambooni.
Qaar katirsan dadka ku dhaqan deegaanka Diif ayaa AOL u xaqiijiyay in saaka aroortii ay magaalada isaga baxeen ciidamadii hore ugu sugnaa ee dowladda KMG iyo kuwa Raaskaambooni,...