Home » News »

Sedex Dhalinyaro ah oo lagu Toogtay Beledxaawo

Beledxaawo, Somalia (AOL) – Sedex nin oo la aaminsayahay in ay katirsanaayeen xoogagga Al-shabaab ayaa lagu toogtay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kadib markii sida la sheegay lagu soo qabtay walxaha qarxa.

Buulo Aadan Qaloocow oo ka mid ah saraakiisha dowladda KMG ee Belexaawo oo la hadlay idaacadda Barkulan ayaa sheegay in sedexda nin ay ka mid ahaayeen xarakada Al-shabaab, wuxuuna sheegay in ay qorsheynayeen falal amni darro oo ay ka geystaan degmooyinka Beledxaawo iyo Mandheera.

Sarkaalkan ayaa sheegay in sedexda nin ay gacanta ku dhigeen ciidamada Ammaanka, islamarkaasina xiligii la qabanayay ay wateen bambaanooyinka iyo bastoolado, wuxuuna sheegay in ciidamadu ay toogteen sedexdoodiiba.

Sedexda dhalinyaro ayaa la sheegay in meydkooda lagu arkay inta u dhexeysa magaalada Beledxaawo iyo degmada Mandheera ee dhanka Kenya.

 

C/qaadir Faarax, Muqdisho/Somalia.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

17 Jawaabood " Sedex Dhalinyaro ah oo lagu Toogtay Beledxaawo "

  1. waa arin aada loogu farxo waxey ku tuseysaa awooda ay leeyahiin ciidamad gedo joogo ee aysan dawlada ku sheega waxaba aysan xarin waan soo dhaweyneyaan hadaan nahay xildhibaanada beesha sadde arinkaan xitaa dawlada ku sheega ma aysan sameyn guul guul cida kasto oo halis ku ah amaanka waa in la qabataa oo sharciga la hor keeyo

  2. aloow nabad says:

    wiilal yar yar oo la soo marin habaabiyay waxay ahayd in la xiro lana dhaqan celiyo

  3. Abu fatima says:

    Hadii laba dameer kugu digtaan ama war kaa doocin
    Doorshaanka xaar qalatadaa kugu dul geeraarto
    Doofaar Zanaawiyo ayagu wax isma door shaane
    Daji amase daafida ayey doqontu quutaane
    Diin gaalo ruux qaatay baan kuu dirnaxahayne
    Bunji baa intii lagu duray goosan dacarteede
    Digsi laba dhardhaar saaran oo dhuxul dul gawriira
    Dabkiisiyo kulayl kiis ayaan doqonu xaalayne
    Waxa ay dhalaan dubanayaan waa u diin xumaye
    Inuu ubadka daafaha u gali oo u dili khaain
    Misna dhoho dad buu halis ku yahay wayga dagi wayday
    Waxase taa kasii daran ayaan idin dareen siine
    Waalabadan doxoree dulmiga jecel dabqaadkiisa
    Alle doori diin laawihii gaalo diranaysay
    Dambigiyo xasuuqaad dhigteen way dayeys naane
    Iska sugu durbaad waranka heli doorkan maantaahe

  4. Ali says:

    Waan ku farax sanahy wixii amaanka lidku ah in qorta laga jaro

  5. Fadumo. says:

    Midkan isku sheegayo xildhibaankow,horta yaad xildhibaan u tahay,xamar baad calool dameer leedahaye,waxa fcn in qofka waxna galo waxna gudo,lakin intaad amisom naag u tahay hahadlin,qofkaan ku aqoonin magacaagana arko wuxuu kuu malaynayaa nin.

  6. Nabadoon says:

    Waa dhibaato kale, Ilaahay nabad ha nasiiyo, waxa dhinac walba ku dhimanaya waa dhalinyaradii Gobalka.

  7. Kulalihi says:

    Waa ridoobaye dila, iyo Waa Alshabaabe dila!

    Waxay ila tahay inayan wado fiican ahayn in sharciga gacanta lagu wato sida kuwa afka duuban, haddii dad laqabto dhagar maleegayay waa in sharciga la hor keenaa oo deetana wixii ay ka mutaan la marshaa. Ee jidkaan ku arkay isla jidki baan waray waa war mooryaan kuwii afka duubaa baana arinkaas lagu nacay.

    Mahadsanid

  8. moo says:

    anigu aqli xumay ila tahay nimank la dilay sababtoo ah shabab somaliyoo dhan way jogan malin wlabana qaarna way isoo dhibaan qaarna waa la soo qabtaa. maxaa gedo bas ah kuwo joogo loo dilaa madaxda gedo ayaan saa ufikirin ayay ila tahay ilmahan waa doreegaysan yihiin dhaqancelin bay rabaan ee ma ah in la iska dilo ogaadana shabaab gedo joogo un waa ilmihi ree gedo . WAAD SALAAMANTIHIIN.

  9. kamaal says:

    Waxaan halkaan ka salamayaa dhamaan ciidamada gobolka gedo ee u dagaalamaya inay soo ceshtaan sharatoodii iyo karamadoodii iyo inay dhulkooda ugu noladaan sida dadka kale ee somaliyeed aad baan ugu faraxsanahay in wixii alshabaab sheegta in la dilo kadibna la gubo sida qashinka…

    Dhulka anagaa leh ee nin bakaraha lacag inta laga soo siiyay la rabo inuu dhulkeena xoog ku joogo orana waa u diidnay hadana u maleen maayo nin aanan wajigiisa xitaa la arkayn inuu dhulkeena xoog ku joogo…

    ciidamada gobolka iyo madaxdooda waxa kaliya ee idiin haray waa inaad dhisataan hogaan madaxwayne oo aad ku midaysan tihiin dhiig badan ayaa ku baxay xoreynta gedo yuusan dhiigaas mid micno la’aan ah noqon ee wiilasha nooga dhintay dhiigoodu ha noqdo mid mareexaan uu ku helo nadab iyo inay u soo jeestaan inay dhulkooda dhistaan…

    dhiiga wiilasheena ay gedo ku xoreeyeen fadlan yaan lagu ciyaarin waa iga talo…..

  10. wadani says:

    qofki danbiile ah in waajibkiisa la mariyo ma ahan wax hada cusub shabab-na sidaas hadii loola dhaqmo xaalada dalka guud ahaan ayay wax ka badaleysaa

    To xilishibaan

    aniga waxa iga yaabshay ninka sheeganaayo xildhibaan-ka oo hadana sidi dadka suuqa iskaga hadlaayo wax aan ka fiirsasho laheyn taasna waxan u nisbaynayaa aqoon la’aan iyo mugdi uga jiro sababta uu dawlada uga tirsan yahay.. ninka xildhibaanka ah mucaarad wuu noqdaa lakiin waxaa ka caagan in uu dawlad ku sheeg iyo erayo noocaas ah ku hadlo hadana lasoo taagan yahay anigoo xildhibaan ah.

    wuxuu kaloo is moogaysiinayaa in uusan asaga ku biilin ciidanka meesha uu sheegaayo oo dawalada uu caynaayo wixi ka soo gaaro ay meesha ku joogaan marka adeer ha hadlin ama sidi nin mas’uul ah u hadal waxa kaloo laayabanahay beesha kaas oo kale masiirkeeda u dirsatay oo wax ka sugayso in uu u matalo….

    teeda kale adiga intaad dawlada caynaysid adiga ku haayo hadaan nahay xildhibaanada beesha SADE maxaad shaqsiyan deegaanka aad ka soo jeedid u qabatey marka dal marlaxadaas oo kale ku jiro iskaa wax u qabso ayaa lagu tashtaa inta muqdisho mushaar loo fadhiisto dadka af wax looguma qabto meesha reerka aad matashid jifo hoose ka soo bilow ee wax qabo shaqsiyan naacda iska dhaaf…..

  11. aadan says:

    acw waxaa wax lala yaaba ah in ximaar ah calooshiis u shaqaysta aan wax kala ogayn in uu sheegta xildhibaan,hadana uusan garanaynin meesha ay arinta ka jirta waxay arintu jitaa in laga taliya masalixda umadda meesha degta,lana qaboojiya xiisad kasta oo jirta si ay meesha oga timaado nolol,dhiiga daadanaya wali ku iman mayso nolal waligeed,

  12. ibnu xasan says:

    kamaal waxaan kugu aqaanaa in aad u hadasho sida buushkii mareykanka ama melezka tigreega waxaay ila tahay in aad waxba dhaamin laakiin waxaan kuu sheegayaa kuwa sidaa oo kale u neceb dadka islamka oo raba in ay noolasha ku gubaan ama ku gubay ayaa iyaga oo aan gaarin hadafkii ay la haayeen sixun u dhintay sidii sharonkii yahuda,yalsinkii ruushka iyob kuwo kale oo badan oo ka horeeyay ama hadda jooga ama imandoona marka waxaan u maleynayaa in aad kuwaas ka midtahay horay ayaan arinkan oo kale kaagala hadlay oo aan kugu iri naftaada sharkeeda ummadda muslimiinta ka badbaadi allena sw u toobadkeen laakiin arinkii waxaad ka dhigatay cayaarcayaar oo waxaad dooneysaa in aad aragto ama aad adiga laftirkaaga nolasha ku gubto dadka muslimiinta marka waxaan allaah sw ka baryayaa in sida aad dooneyso dadkaa aan waxba kaagalabsan in aad u gubto in adiga allaah sw isagaa awoodlehe uu kuugubo allaahuma aamiiin aamiiin aamiiin wasallallaahuma calaa nabiyinaa maxamed wasalama t asliiman ka thiiraa

  13. kayze says:

    A/C.
    Markaad fiiriso dhaqanka beesha SASE,waxaad ka daalacanaysaa waxay uga duwan yihiin ummadda inteeda kale,waxaad mooddaa inay wada fooraan,oo kaliya ay kor fiiriyaan marka ficil dhaco,haddaad dhab u deristana dabeecadda beesha sade waa isku mid,deegannaadoodu waa isku muuq,horumar la’aantu waa isku si,hoggaan ma leh,caaqil maleh,culimo maleh,aqoonyahan maleh,mas’uul ha sheegin,waa iskuma quurto,iskuma samirto,aan kala danbayn lahayn.
    Qofka beesha sade ah ee noqdo koox waa xaydan yahay,dhago iyo indho maleh,kan xildhibaan noqdo waa dhuuni quute,dhashiisa cuno,aqoonyahnkooda meel buu la’yahay,maalqabeenkoodu meekhaan ma gaaro,waa wada marti,deegannadooda lagu soo dhaweeyo,waa wada callaal qolo kale kor saaran.
    markaad fiiriso deegamada ummadaha kale shabaab waa joogaan,dawlad kmg waa joogtaa,mana go’doonsana oo dadkoodii waa nool yihiin,shacabkoodii waa dhaqan yahay ganacsanayaan,oo waa dad isku xisaabtamaya,isbixinaya,oo is dhaqaaleeya,.
    Walaalayaal gedo fiiriya illaa itixaad ka soo billoow,waa go’doon,waa eyro go’an,waxaa saaran cunaqabatayn,dadkoodii waa lumeen,gaajo,xabbad iyo cudur baa qaybsaday,waa furin aan dagaalkeedu dhammaan.
    Ninka shabaabka ah ee ku abtirsada beesha sade waa sixranyahay,quful baana madaxa uga jaban,indho maqlahan,dhego malahan,damiir malahan,waana doofaar aan diirnaxayn,u damqayn dadkiisa darxumada hayso,dareemayn waxa ka jira degaamada kale,kan dawladda ku jiro noocuu doona ha noqdee waa dameer raran,mana oga halka loo rartay,ma yaqaan waxa lagu raray,illaa laga eryayana wayska daaqaa,dib uma fiirsho deegannaduu matalayay.
    haddaba walaalayaal haddii dadka ku abtirsada beesha sade ay ka duwanaadeen mmadaha kale,ma dad soo haajiray baa hiil u noqon ummaaddan hallaaggu ku habsaday,.
    baraarugo beesha sadaay.
    husseinabdi2004@hotmail.com

  14. A.A.Xade says:

    Ku, Kayse. Walaal waan ku salaamay runtii salaan qaali ah, salaan kaib.
    Horta marka hore magacaagu waa magac reer waqooyi qolodaad doontaba ka ahaawe laakiin, waxaa layiri nin wax ku siiya waad heshaa laakiin nin wax ku sheega ma heshid, waxaanna hubaa in aad wax noo sheegtay si aay ehelnimo ka muuqato yaase wax ku qaadanaya?

    Waxaan kuu qirayaa aniga oo ah nin u dhashay beeshan Sade, in aay dhammaan waxa aad nagu sheegtay aan ku sifoownay, oo aan caan ku nahay dad kale u rarne dadkiisa u xoog badan, illaa iyo markaan innagu awoodda Somaliya haayney iyo maanta oo aay cid waliba danteedii qabsatay.

    Waxaa kale oo aan hubaa, in aay qoraalkaagu dad badani qoonsan doonaan laakiin, qoraalkaagu nin rag ahi wuu fami karaa doqonina dan uga dhac.
    Waxaan xusuustaa Xukuumadii Siyaad Barre oo 5 wiil oo koofiyad cas ah u toogatay dahab yar oo aay gabar ka dheceen oo weliba laga soo celiyay si laayntoodu loogu qanciyo Somali aan qancayn. Marka hadda nooguma horreeyso wiil mareexaan oo loo waaqdhaco ku qancin dad kale oo aan weligood qancayn, intan iyo in badan oo aanan sheeginna daliil baay u yihiin waxaad sheegtay.

  15. kamaal says:

    Keyse,
    AAd baad isha uga tuurtay waxaan nahay maanta waxaan ahaan jirnayna waxaa sheegay A.A.axdle, dowladii maxamed siyaad laamiga ilaa hargaysa taha xitaa dhulkeena ma soo gaarin iska daa in warshad iyo cisbitaalo naloo dhiso kuwa hada ku jira dowlada waligood wax uma qaban dhulkooda oo sida axadle sheegay ayay raran yihiin oo marka laga dhamaysto danta laga leeyahay ayaa sida qashinka lasoo turaa…

    Faroole markuu doodaayo wuxuu ku doodaa maxaa punland dan ugu jirta waxaad iga rabto lakiin madaxda mareexaan waxay ku gorgortamaan maxaa dan ah oo iigu jirta danta aad iga leedahay madaxda reer sade kuma gorgortanto maslaxada dadkooda iyo dhulkooda ee calooshooda ayay ku gorgortamaan..

    Tusaale yar hadaan idinsiiyo dowlada kumeel gaarka hada jirta waxay qadaa arday dibadaha loo qaado yaa arkay wax madax ah oo reer sade ah oo ka hadlaya maxaa anaga iyo gobolkeena ka soo gaaray deeqda waxbarasho? ma aragteen arday la leeyahay waxay ka timi gedo ama cabudwaaq oo helay schoolership , jawaabtu waa maya halkaas waxaa idinka cad in dadkeenu waxaysan maamulka u laheen ay tahay inaaynaan haysan wax na matala oo jecel wanaaga dadkeena iyo dhulkeena……

    hadaba maxaa inoo dan ah waa inaan tashanaa oo dooranaa qofka jecel horumarka dhulkeena iyo dadkeena anagoo eegayn jifada uu yahay oo hadana aan la xisaabtanaa hadaan xisaabtan jirin horumar ma jiraayo…..

  16. wadani says:

    sidan hadalka A.A.Xade u fahmay waaa nin wax garad ah oo fahamsan siday wax u qaldan yihiin waxan rabaa kala danbayn la’aanta iyo ismaqal la’aanta oo ah sababta ugu wayn oo besha Sade manta meshaas dhigtay in aan wax ka iraahdo.

    hadan wax yar ka taabto Kismayo marki Harti,Sade iyo Absame lawada joogay 1995-ki agaheedi wiilal yar yar oo mareexaan ah ayaa waxay ka bixi waayeen gaari dhac iyo hebal xabad ku dhaji taas markay dhacdo maxa loo baahan yahay siyaasiyiin iyo oday dhaqameed u istaago oo gacanta ku dhigo danbiilaha hantidina laga soo celsho haduu dil gaystayna la toogto ama mag hadii lagu hishiiyo lala xaajaysto reer ka uu danbiga ka galay….

    taas badalkeeda besha MAREEXAAN wiilka ayaa daba lagashanayaa danbigi uu galyna waa lagu taageeraayaa abaal marina waxaa looga dhigaa waa geesi birta calashaday marki tuug magacaas loogu yeeray ma besha Sade ayaa loo daneeyay mustaqbalkeeda fog iyo sawirka ay bulshada ku dhexjoogto mise shaqsi tuug ah oo gaari qof shacab ah oo laamiga maraayo uu ka dagsaday in uu qaad ku gato ayaa loo fududeeyay…..

    dagaalki ka dhax bilawday Daarood-ki jubooyinka sida nabada ah kuwada daganaa ma u aheyn mid siyaasad la sheego salka ku hayay waxas oo miiran ayay ahaayeen aakhirna markuu mareexaan magaalada banaanka uga soo baxay xal ma raadin oo ma is waydiin war hadaan qaldanahayna aan isqabano oon ehelka la hishiino hadii nalaga qaldan yahayna aan dalbano in nalaga soo garboxo baaqyo nabadeed oo lasoo jeedshay way jireen oo ladiiday alaha u naxariistee sarkaal “Afgab dheedle” oo ahaa DAAROOD-ka xalaasha ah kana dhashay mareexaan ayaa fahmay in reerku go’aan qaldan qaatay asagana goobwayn oo kutaal duleedka kismayo ayaa lagu toogtay taas waxay ku badasheen nimanki xamar faqash uga soo saaray in ay wax ku darsadaan kadibna dhagta loogu sheego arin siyaasad dheer laga lahaa oo ah majeerteen wax idinma ogala waa xaasidiin ma ahan dad wax lagu darsado iyo wax lamid ah taasna waa tan maanta deegaanadi lagawada faa’iidaysan lahaa ee DAAROOD ee koonfur ku teedsanaa ay uwada holcayaan……qax,gaajo iyo duli ayaa ka taagan.

    Barre Hiiraale wuxu dhisay maamul ladhoho “isbahaysiga dooxada jubba” oo habargidir u ogalaanaayo in ay dagto deegaano ay shaqo ku laheyn inti uu maamul daarood raadin lahaa asaga sideedaba xaqiiqda qofku haduu geees maro tan ayay dhashaa.

  17. Sir duugan says:

    Asc.warka ma badinayo.keyse Hada xita Iidoor tahay run baad ka hadashay. Xadane waxan Lee yahay run naloo sheeg.wax qabad iyo farsamo cidna haka sugi isku tasho.kamal waxen Lee yahay wali Maad bislaan hada cunug la qalday hala dilo.wadani Adiga jalla ayaAn ku iri Hada xalal ah uu jiro waa sade