Home » Archive Daily March 22nd, 2012

Mar 22, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo caawa shir jaraa’id ku qabtay hoygiisa magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xoreynta qeybo ka mid ah gobolka Bakool, gaar ahaana degmada Xudur oo ay ciidamada Qalabka sida oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya ay maanta la wareegeen, isaga oo sidoo kalena hambalyo iyo bogaadinba u jeediyay ciidamadaasi geesiyaasha... 

Shirkii Golaha Wasiirada maanta ayaa qodobadii looga hadlay waxaa ka mid ahaa: Arrimaha Amniga, arrimaha gobolada, qoraalka Dastuurka cusub, xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo arrimo kale.

Mar 22, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin arrimaha amniga, arrimaha Gobolada, horumarka qabyo-qoraalka Dastuurka cusub, xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo arimo kale.   Ugu horeyntii Wasiirada Amniga oo ka warbixiyey xaaladda amniga ayaa... 

Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo Tacsi tiiraanyo leh u diraayo qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday marxuum Abwaan Xasan Jaceyl

Mar 22, 2012
TACSI:  INAA LILAAHI WA INAA ILAYHI RAAJICUUN. Anagoo ah weriyayaasha Soomaaliyeed ee dalka Kenya waxaa tacsi tiraanyo leh oo aysan u kala harin bahda warfiyeenada u diraynaa qoyskii, ehelada, asxaabtii, xigto iyo xigaal, intii jecleyd fankii iyo curintii saxbkeen Allaha u naxariistee Abwaan Xasan Maxamed Maxamuud oo xalay 20kii March, saacadu markii ay ahayd 3:30 am saqdii  dhexe ku geeriyooday... 

Magaalada Kismaayo oo laga Mamnuucay ka Ganacsiga Qaadka

Mar 22, 2012
Kismaayo, Somalia (AOL) – Maamulka Al-shabaab ee magaalada Kismaayo ayaa maanta soo saaray wareegto lagu mamnuucayo ka ganacsiga Qaadka. Wareegtadan oo uu ku saxiixnaa gudoomiyaha degmada Kismaayo Sheekh Xasan Yacaquub Cali ayaa lagu sheegay in laga bilaabo maanta aan la arkin karin cid ka ganacsan karta Qaadka, iyadoona amar lagu siiyay ganacsatada iibisa iyo kuwa Keena in ay joojiyaan howshaasi. Arintan... 

26 Soomaali Tahriibayaal ah oo lagu Laayay Xadka Dalalka Liibiya iyo Suudaan

Mar 22, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – 26 qof oo tahriibayaal Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen xadka ay wadaagaan dalalka Liibiya iyo Suudaan, kadib markii la gubay gaarigii ay saarnaayeen. Dadkani tahriibayaasha oo doonayay in ay si sharci darro ah ku galaan dalka Liibiya ayaa la sheegay in ay u gacan galeen kooxo u dhashay dalka Liibiya oo neceb Ajaanibta dalkooda soo gashay, kuwaasoo... 

Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya oo la Wareegay Degmada Xudur

Mar 22, 2012
Xudur, Somalia (AOL) – Ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Itoobiya ayaa maanta la wareegay degmada Xudur oo ay hore gacanta ugu hayeen xoogagga Al-shabaab. Lawreegidda Degmada Xudur ayaa ka danbeeyay kadib markii xoogagga Al-shabaab ay isaga baxeen, waxaana ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Itoobiya ay magaaladaasi gudaha u galeen iyadoo uusan dhicin wax dagaal ah. Dagaalyahannadii... 

Madaxweeynaha Soomaaliya oo Markii Labaad Xalay Kormeer kusoo Maray Qeybo katirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir

Mar 22, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Madaxweeynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay markii labaad kormeed kusoo maray qaar katirsan saldhigyada iyo isgoysyada ku yaal degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoona kormeerka Madaxweeynuhu uu ahaa mid uu ku ogaanayo qaabka ay u howlgalayaan ciidamada Ammaanka degmooyinka gobolka Banaadir. Madaxweeynaha ayaa xalay abaare 2:00 am booqday... 

Saraakiisha Dowladda ee Gobolka Bay oo Sheegay in ay la Wareegayaan Degmada Xudur

Mar 22, 2012
Baydhabo, Somalia (AOL) – Saraakiisha ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Itoobiya ayaa sheegay in ay ka go’antahay in ay gacanta ku dhigaan degmada Xudur ee xarunta u ah gobolka Bakool, oo ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-shabaab. Xildhibaan Max’ed Ibraahim xaabsade oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa Itoobiya ya ku wajanyihiin... 

Barnaamijka Aragtida Qoraaga Maxaa lagu Qaadaa Dhigay Todobaadkan?

Mar 22, 2012
Waxaa maalinimadii arbacada ee taariikhdu ahayd 21/03/12 lagu qaadaa dhigay barnaamijka la magac baxay(Aragtida Qoraaga) ee ka baxa telefishinka caanka ah ee Somali Channel arimo badan oo ka daahsoonaa umadda soomaaliyeed intooda badan. Barnaamijkan oo uu aalaaba daadihiyo wariyaha da’da yar ee Cali Aar waxaa kala qayb qaatey Rug cadaa qabiir ku ah arimaha soomaaliya, islamarkaana ahaa barayaashii...