Home » News »

Wararkii ugu Danbeeyay ee Xiisadaha ka Taagan Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud

Beledweyne, Somalia (AOL) – Iyadoo maalinimadii shalay ay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ay soo gaareen ciidamo aad u hubeysan oo katirsan kuwa Itoobiya ayaa waxa maanta xaaladda kacsanaan ah laga dareemayaa qeybaha ay ku suganyihin xoogagga Al-shabaab ee gobolkaasi Galgaduud.

Xoogagga Al-shabaab ayaa lagu soo waramayaa in isaga baxeen deegaano dhowr ah oo katirsan gobolkaasi Galgaduud, kadib markii ay ka warheleen duulaanka ay qorsheynayaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca.

Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa lagu soo waramayaa in ay ka jirto xaalad kacsanaan ah, iyadoona la sheegay in xoogagga Al-shabaab ay halkaasi kala baxeen inta badan ciidamadooda, waxaana magaalada haatan ku sugan ciidamo aan sidaa u badnayn.

Shacabka ku dhaqan goobaha ay maamulaan xoogagga Al-shabaab ee gobolka Galgaduud ayaa waxa lasoo darastay cabsi iyo welwel ay ka qabaan dagaallo dhexmara xoogagga Al-shabaab iyo ciidamada huwanta ah.

Dhinaca kale wararka aynu ka heleyno gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xaalad kacsanaan ah ay maanta ka jirto degmada Maxaas ee gobolkaasi, halkaasoo saldhig muhiim u ahayd xoogagga Al-shabaab.

Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay kaabiga ku hayaan degmadaasi, iyadoona xoogagga Al-shabaab la sheegay in ay magaalada kala baxeen inta badan ciidamadooda, waxaana xaaladda ay tahay mid aad u kacsan.

Saraakiisha hogaamineysa xoogagga Al-shabaab ee gobollada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa wacad ku maray in ay kahortagi doonaan duulaanka ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda KMG, kuwa ururka Ahlusunna iyo ciidamada Itoobiya ee dhaqdhaqaaqyada ka wada labada gobol.

Ciidamada Itoobiya ayaa kusii siqaya dhul hor leh oo ay ka taliyaan xoogagga Al-shabaab, waxaana xusid mudan in ay si nabadgelyo ah kula wareegeen degmooyin muhiim ah oo ay hore uga talin jireen xoogagga Al-shabaab oo ku yaal koonfurta dalka Soomaaliya.

 

C/qaadir Faarax, Muqdisho/Somalia.

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.