Home » Archive Daily March 27th, 2012

Xoogagga Ahlusunna iyo Itoobiya oo si nabadgelyo ah kula Wareegay Degmada Maxaas

Mar 27, 2012
Maxaas, Somalia (AOL) – Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlusunna Waljameeca oo iskaashanaya ayaa goordhawayd si nabadgelyo ah kula wareegay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, halkaasoo sanadihii u danbeeyay ay gacanta ku hayeen xoogagga Al-shabaab. Xoogagga Al-shabaab ayaa la sheegay in ay magaalada isaga baxeen saaka aroortii kadib markii ay ka warheleen gulufka colaadeed ee kusoo wajahan, waxaana... 

Madaxweeyne Soomaaliya oo Safar aan hore loo Shaacin ku Tagay Degmada Cadaado

Mar 27, 2012
Cadaado, Somalia (AOL) – Madaxweeynaha dowladda KMG ee Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada cadaadu ee gobolka Galgaduud halkaasoo uu ka arimiyo maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb. Wafdiga Madaxweeynaha ayaa ka koobnaa gudoomiyaha baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aaadan, Xildhibaano, saraakiil katirsan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM iyo weliba masuuliyiin kale oo katirsan... 

Kooxo ku Hubeysan Bastoolado oo Xalay Siyaabo kala Duwan Dilal uga Geystay Magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo iyo Beledweyne

Mar 27, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Kooxo Dabley Hubeysan ayaa xalay dad ku dilay magaalooyinka Muqdisho, Baydhabo, iyo Beledweyne, iyadoona dadka la dilay ay isugu jiraan ciidamo katirsan dowladda KMG iyo weliba dad rayid ah. Laba qof ayaa xalay kooxo ku hubeysan baastoolado waxay ku toogteen magaalada Muqdisho, iyadoona mid kamid ah dadkaasi uu ahaa askari katirsanaa ciidamada dowladda KMG ee Soomaaliya. Ciidamada... 

Wararkii ugu Danbeeyay ee Xaaladda Degmada Ceelbuur oo Shalay lagala Wareegay Al-shabaab

Mar 27, 2012
Ceelbuur, Somalia (AOL) – Degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud oo ay shalay gelinkii danbe la wareegeen xoogagga ahlusunna Waljameeca oo garab ka helaya kuwa Itoobiya ayaa saaka lagu soo waramayaa in ay tahay mid laga dareemayo xooga xasilooni aan cagobuuran ku taagnayn. Xoogagga Ahlusunna iyo kuwa Itoobiya ayaa la sheegay in saaka ay magaalada ka bilaabeen howgallo ballaaran oo guriguri ah,... 

Ahlusunna: Duulaan kuma nihin Dhulka uu ka Arimiyo Maamulka Ximin iyo Xeeb

Mar 27, 2012
Guriceel, Somalia (AOL) – Maamulka guud ee culumaa’udiinka Ahlusunna Waljameeca ayaa sheegay in aysan duulaan ku ahayn dhulka uu ka taliyo maamulka la magac baxay Ximan iyo Xeeb, balse waxa ay sheegeen in aysan aqoonsanayn maamulkaasi. Gudoomiyaha guud ee ururka Ahlusunna Waljameeca Prof. Xirsi Max’ed Hiloowle oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan jirin wax weerar ah oo ay qorsheynayaan...