Home » Archive Daily April 1st, 2012

Dastuurka cusub ee Soomaaliya oo la rabo in Qurbajoogta Soomaaliyeed ee Waqooyiga Mareykanka laga ansaxiyo (Daawo Video iyo koobi ka mid ah Dastuurka cusub)

Apr 1, 2012
Qarban-qaabiye yaasha Dastuurka cusub ee Soomaaliya oo isugu jira shaqsiyaad Soomaali iyo ajnabi leh, ayna taageerayaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya, dowlado shisheeye oo dano kala duwan ka leh Soomaaliya iyo maamul goboleedka Puntland ayaa waxuu baryahaan wadaa qorshe lagu dar-dar-gelinayo sidii Dastuurka cusub ee Soomaaliya looga dhaadhicin lahaa Qurbajoogta Soomaaliyeed ee ku dhaqan dibadaha,... 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyey Muqdisho.

Apr 1, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib shir uu uga qeyb galay magaalada  Nairobi ee dalka Kenya kaa  oo ay soo qaban qaabisay Xafiiska Siyaasadda Q/midoobey ee UNPOS. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigii la socday ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde,... 

Dagaallo Maanta ka Dhacay Duleedka Laascaanood oo Istaagay

Apr 1, 2012
Laascaanood, Somalia (AOL) – Wararka aynu ka heleyno degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa sheegaya in ay istaageen dagaallo maanta dhacay duleedka degmada Laascaanood, kuwaasoo u dhexeeyay maamulka Soomaaliland iyo ciidamo deegaanka ah oo taabacsan maamulka Khaatumo State. Dagaalladan oo ahaa kuwo xooggan ayaa waxa ay ka dhaceen deegaanada Waqbari iyo gacandar oo Galbeed iyo koonfur kaga... 

Dowladda KMG oo Sheegtay in ay Dejisay Qorshe lagu Sugayo Ammaanka Muqdisho

Apr 1, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Madaxweeynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta sheegay in dowladiisu ay dejisay qorshe cusub oo wax looga qabanayo xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho. Madaxweeynaha oo hadal ka jeediyay xaflad loo qabtay mashruuc horumarin ah oo ay dowladda Turkiga ka fulineyso Muqdisho ayaa sheegay in dowladiisu ay wax badan ka qaban doonto ammaanka... 

Dagaal ka Dhacay Degmada Maxaas iyo Ciidamo Itoobiya oo Halkaasi Gaaray

Apr 1, 2012
Maxaas, Somalia (AOL) – Dagaal xooggan ayaa lagu soo waramayaa in uu saaka ka qarxay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, kadib markii xoogagga Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay xoogagga Ahlusunna ku lahaayeen degmadaasi. Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa la sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay in dagaalkaasi uu sababay qasaarooyin... 

Booliska oo ka Hadlay Qaraxyo Xalay Siyaabo kala Duwan uga Dhacay Kenya

Apr 1, 2012
Nairobi, Kenya (AOL) – Booliska dalka Kenya ayaa faahfaahin ka bixiyay qaraxyo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay magaalada Mombasa iyo deegaan lagu magacaabo Mtwapa, kuwaasoo ay ka dhasheen qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Magaalada Mombasa ayaa xalay goob lagu caweeyo waxa lagu tuuray bambaano nooca gacanta laga tuuro ah, iyadoona ay ku dhinteen ilaa sedex qof oo ku sugnayd goobtaasi. “Bambaano... 

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo si Kulul u Dhaliilay Al-shabaab

Apr 1, 2012
Muqdisho, Somalia (AOL) – Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kamid ah hogaamiyeyaasha sar sare ee Al-shabaab, horena u ahaa gudoomiyaha ururkii burburay ee Xizbul Islaam ayaa maanta si kulul u dhaliilay hab dhaqanka Xarakada Al-shabaab. Sheekh Xasan ayaa uga digay Xarkaada Al-shabaab dilka dad rayidka ah, isagoona sheegay in loo baahanyahay in dadka wax loo sheego, islamarkaasina dagaalka lagu jiro...