Home » Archive Daily April 2nd, 2012
Halkaan ka akhri Dastuuradii Soomaaliya ee la qoray inta u dhaxeysay sanadihii (1960-2012)
Kaddib markii aan aragnay in ay dad badan oo Soomaali ah baahi weyn u qabaan sidii ay ku heli lahaayeen Dastuuradii kala gedisnaa ee Soomaaliya sanadihii u dhaxeeyay 1960-2012 ayaa waxaa noo suurtagashay in aan umadda Soomaaliyeed halkaan ugu soo gudbino 5 Dastuur oo la kala dajiyay sanadihii: 2012, 1990, 1979, 1962 & 1960.
Ujeedka aan Dastuuradaas shabakadda Allgedo Online ugu soo bandhignay...
Bogaadin, Hambalyo iyo taageero ku socota xisbiga cusub ee SNU.
Aqoon-yahanada, indheer-garadka, odayaasha, dumarka iyo guud ahaan Bulshoweynta Reer Banaadir ee ku dhaqan dalka Yemen, waxay marka hore taageeraayaan dib u soo nooleynta Xisbiga Taariikhda leh ee reer Banaadir ee SNU, marka labaadna waxay taageero iyo Hambalyaba u dirayaan Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga SNU Mudane Shariif Mohamed Sayid, kaasoo aan u rajeyneyno in Ilaahey uu u fududeeyo xilka weyn...
Barakacayaal hor leh oo kusoo Qulqulaya Magaalada Muqdisho
Muqdisho, Somalia (AOL) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho laga dareemayaa qulqulka dadka kasoo barakacaya deegaanada ku yaal duleedka Muqdisho, iyadoona ay dadku ku guurayaan gawaari iyo weliba gaari dameerro, waxaana dadkani ay beegsanayaan goobihii ay ka daganaan jireen magaalada Muqdisho.
Boqollaal dad ah oo u socdo raxanraxan ayaa maanta lagu arkayay iyaga oo kasoo qulqulaya dhanka deegaanada...
Xoogagga Al-shabaab oo Weerar ku Qaaday Degmada Ceelbuur
Ceelbuur, Somalia (AOL) – Wararka aynu ka heleyno degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in uu xalay saqdii dhexe uu hadlkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo dhexmaray xoogagga Al-shabaab iyo kuwa ururka Ahlusunna Waljameeca ee gacanta ku haya halkaasi.
C/weli Siyaad oo ah madaxa howgallada ururka Ahlusunna oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay...
Al-Shabaab: Kenya Dhibaatada Ay Soomaaliya ka Geysaneyso Dalkeeda ayay ka Arkeysaa
Muqdisho, Somalia (AOL) – Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay xafiiska warfaafinta ee xarakada Al-shabaab ayaa lagu sheegay in xaaladaha ammaan darro ee ka jira Kenya ay sabab u tahay dhibaatada ay ka geysanayaan Soomaaliya.
Xarakada AL-shabaab ayaa ugu baaqday dowladda Kenya ay in ay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, waxaana bayaanka lagu sheegay in mar walba oo ay Kenya dhibaato ka Geysato...
