Home » Meher-Aroos, News »

Halkaan ka akhri Dastuuradii Soomaaliya ee la qoray inta u dhaxeysay sanadihii (1960-2012)


Kaddib markii aan aragnay in ay dad badan oo Soomaali ah baahi weyn u qabaan sidii ay ku heli lahaayeen Dastuuradii kala gedisnaa ee Soomaaliya sanadihii u dhaxeeyay 1960-2012 ayaa waxaa noo suurtagashay in aan umadda Soomaaliyeed halkaan ugu soo gudbino 5 Dastuur oo la kala dajiyay sanadihii: 2012, 1990, 1979, 1962 & 1960.

Ujeedka aan Dastuuradaas shabakadda Allgedo Online ugu soo bandhignay oo aan waliba ugu sameynay bog gaar ah oo aan ugu magac darnay (Somali Constitution 1960-2012) ayaa waxay tahay in ay shacabka Soomaaliyeed fursad u helaan in ay bartaan Dastuurka dadkooda iyo dalkooda lagu dhaqayo, si markaas cidii rabta ay Dastuuradaas waxii qalad ah ee ku jira banaanka ugu soo saaraan ama cidii ku xad-gudubta ay ula xisaabtamaan.

Haddaba, si aad u akhrisato, u barato ama wax uga ogaato Dastuuradii kala gedisnaa ee dalka Soomaaliyeed loo soo dajiyay, mid-mid u fur Link-iyada hoose:

Dastuurkii Soomaaliya ee sanaddii (2012) Somali Constitution

Dastuurkii Soomaaliya ee sanaddii (1990) Somali Constitution

Dastuurkii Soomaaliya ee sanaddii (1979) Somali Constitution

Dastuurkii Soomaaliya ee sanaddii (1962) Somali Constitution

Dastuurkii Soomaaliya ee sanaddii (1960) Somali Constitution

F.G:  Dastuurada aan kor kusoo gudbinay oo ku qoran PDF Format ayaa qofkii raba waxuu awood u yeelan doonaa IN UU SI SAHAL AH U DAABACDO, U XAFITO, BOGGII HORE UGU NOQDO, BOGGA XIGA UGU GUDBO, FARTA U WEYNYESTO AMA U YAREYSTO.  Dastuuradan qofkii raba waa daabacan karaa ama qof kale waa u gudbin karaa ama la wadaagi karaa.

CODSI:  Fadlan haddii aad hayso dastuur kale oo aanan ogeyn ee la qoray inta u dhaxeysay 1960-2012 noo soo gudbi si aan ugu darsano bogga gaarka ah ee aan ugu tala galnay in aan Dastuurada Soomaaliya ku keydino.

——————–
Aden A. Colujoog
colujoog@yahoo.com

 

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

2 Jawaabood " Halkaan ka akhri Dastuuradii Soomaaliya ee la qoray inta u dhaxeysay sanadihii (1960-2012) "

  1. Aniga aragti waxaan ila ahaan laheyd ama aan si buuxda u cadeyn lahaa
    in aan ka tagin dhaqan ka iyo diin ta islam ka aan ka aana qaadan dastuurkaan kaan cusub dastuurna allaa mid munazal ah inuu soo dajiyey mar hore marka waa anşiga aragtida aan ka qaba

  2. kayze says:

    A/C.
    Waxaa wax lala yaabo ah ummad aan nolol iyo nabad midna haysannin, la haysta ah,la gumaysto,la boobayo khayraadkeedii bad iyo birri,birta laysugu dhiibay,laysu soo bahaystay baabi’inteeda,ayaa waxaa lagu mashquulinayaa dastuur,aaway waxii dastuurka ka horreeyay,dastuur waxaa loo sameeyaa dad iyo dal xor ah,afti madaxbannaan oo la qaado iyo weliba korjoogayaal caalami oo kormeera habka ay aftidu u dhacayso,.
    Waxaan cidna ka daahnayn xaqiiqda dhabta ah ee soomaliaya ka jirta,waana la wada ogsoon yahay in somaliya aysan maanta xor ahayn,oo ay ku jirto gumaysi midabbo badan leh,tartan ujeeddo badan ah,iyo weliba qandaraasyo aan lahayn waqti ay dhammaanayaan.
    Waxaa jira xaddiis ahaa qaryo walba waxaa madax looga dhigaa hoggaamiyihii ay u qalanto,(it’s so amazing),haddaba somaliaya yaa hoggaamiya?madaxwayne aan aqoon lahayn,afhayeen baarlamaan jaadwale ah,ra’isulwasaare qabyaaladayste ah,taasoo ka dhalatay natiijada maanta somaliya haysato,nasiibdarrada waxaa uga daran raja xumada soo muuqato,iyo mustaqbalka madoow ee ay ku sii hiranayso,waxaad aragtaa dadkii iyo dalkii somaliyeed oo laka boobayo,dadkii waa la laynayaa,waxaa lagu laynayaa tobannaan magac oo kala duwan,DKMG,ITOBIYA,SHABAB,UGANDHA,RUWANDHA,EHLUSUNNA,PUNTLAND,SOMALILAND ,GALMUDUG,MIDOWAGA YURUB,AMERIKA,CARAB,ALQA’IDDA,YUHUD,ISLAM,IYO CIDKASTAA OO MAGACSAMAYSATO,waxay bannaysteen dhiigii ummadda somaliyeed,waxay xalaashadeen xoolahoodii,waxaa laga soo ooday jiho walbaa,waxaana lagu wareeriyay waxaan jirin,shir aan dhammaan,go’aan aanan fulayn,iyo xaajo subax walba cusub oo ugub ah.
    Waxaa dhammaaday dadkii wax garad ahaa,waxaa yaraaday kuwii aqoonta lahaa,waxaa la ciribtiray dhallinyaradii,waxaana la gumaaday maxastii iyo carruurtii,looma kala harin hagardaamaynta ummadda somaliyeed,waxaana lagu bixiyaa malaayiin dollar dilka iyo dabargoynta somaliyeed.,sanad walbaa waxbaa cusub,mar waa dawlad ku meel gaar ah,mar waa urur diimeed magacyo badan,mar dawlad goboleedyo dhismayo,mar waa kooxo qabiileed,maantana waa dastuur qabyo ah,wuxuuna reebi doonaa raad ka xun kuwii hore,wuxuu galaafan doonaa nolosha dad bandan oo maanta nool,wuxuuna wataa sha’nigiisa iyo shiddadiisa,isagoo laga dhaxli doono taariikh la mida kuwii hore.
    Ugu danbayntii somaliya waxaa weli hor yaallo su’aal badan oo laga jwaaabin,inta su’aalahaas laga jawaabayana xalkeeddu wuu adagyahay.
    haddii aan idinn soo gudbiyo mid ka mid ah su’aalahaa waxaa waaye:–.
    (somaliya meeqaa macallin ayay leedahay).
    Ciddii jawaabtaa bixin karto waan soo dhawaynayaa.