Home » Archive Daily April 7th, 2012
Halkaan ka dhageyso khudbaddii Salaatul Jimcaha Sheekh Umal ee 6-4-2012 uu ka jeediyay Masjidka Abuubakar Sadiiq oo ku yaal magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Waxaa maanta inoo suurta gashay in bacda khudbada masjidka Abuubakar Sadiiq walaalaha jooga in ay inoo soo diraan khudbada uu ka jeediyay Jumcaha masjidka ee Sheekh Maxamed Cabdi Umal. Cinwaanka khudbada ayaa Sheekh Umal waxuu ka dhigay (isku dirdirka iyo dhibaatooyinkeeda.)
Fadlan Video-ga hoose ka dhageyso Khudbadda Sheekha ee Salaatul Jimcihii shalay oo ay taariikdhu aheyd April 6, 2012...
Dalka Uganda oo Laga Taageeray Xisbiga Tayo Party
Tan iyo Intii Lagu dhawaaqay Xisbiga Tayo Party, waxaa soo baxayey baaqya kala duwan oo lagu taageerayo Xisbigaasi oo ay Hogaamiyaan Siyaasiin Somalia Caan ka ah Xilal sar sarena ka soo qabtay.
Magaalada Kampala ee Dalka Uganda ayaa waxaa laga dareemayaa shacabweynaha Somaliyeed ee ku dhaqan sida ay ula dhacsanyihiin Xisbigan cusub oo ay dadka somaliyeed Raja wanaagsan ka qabaan inuu wax badan ka qabto...
Maamulka Al-shabaab ee Baardheere oo Xabsiga Dhigay Beeraley
Baardheere, Somalia (AOL) – Ciidamada Amaanka Maamulka Xarakada Alshabaab ee degmada Baardheere ayaa labadii maalmood ee ugu dambeeyey howgalo ay ka sameeyeen Tuulooyin hoos taga degmada Baardheere oo ay ku yaalaan dhul beereed si qarsoodi ah ay ugu baxayeen Tubaakada oo horey looga mamnuucay deegaanka ayey ku soo qabteen ilaa sedex ruux oo tubaakada beerayey iyo in ka badan ilaa Boqol gaashaan...
Madaxweeyne Shariif: Al-shabaab waxay Khabiir ku Yihiin in ay ku Dagaalamaan Magaalooyinka
Muqdisho, Somalia (AOL) – Madaxweeynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in xoogagga Al-shabaab ay khabiir ku yihiin in lagu dagaalamo magaalooyinka balse aysan ku dagaalami karin duurka.
Madaxweeynaha oo kormeer ku tagay saldhigyada iyo xerooyinka ciidamada dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin Muqdisho ayaa kula dardaarmay saraakiisha dowladda KMG iyo...
Wafdi uu Hogaaminayo Sheekh Cali Dheere oo Gaaray Magaalada Baardheere
Baardheere, Somalia (AOL) – Wafdi kasocda xarakada Al-shabaab islamarkaasina uu horkacayo afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Max’uud Raage (Cali Dheere) ayaa shalay gaaray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.
Wafdiga ayaa marki uu halkaasi gaaray waxa magaalada kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Al-shabaab ee degmada Baardheere, iyadoona uu wafdigu kulamo la qaatay madaxda Al-shabaab...
Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo lagu Wareejiyay nin lagu Qabtay Jaakadda Qaraxa [Daawo Sawirro]
Muqdisho, Somalia (AOL) – Taliska ciidamada xoogga dalka ayaa maanta maxkamadda ciidamada qalabka sida ku wareejiyay wiil dhalinyaro ah oo lagu qabtay isagoo xiran jaakad ay ku xirnaayeen walxaha qarxa kaasoo ay shalay gacanta ku dhigeen qaar katirsan ciidamada xoogga dalka.
Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Gen. C/kariin Yuusuf (Dhagabadan) ayaa sheegay in ninkani uu doonayay in...
Saraakiil ka Socota Dalka Sieraleone oo Gaaray Gobolka Gedo
Ceelwaaq, Somalia (AOL) – Waxaa magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo gaaray saraakiil ka socota dalka Sieraleone, kuwaasoo la sheegay in ay hordhac u yihiin ciidamada ka iman doona dalkaasi ee la filayo in la geeyo Soomaaliya.
Saraakiishan ayaa la sheegay in ay gobolka Gedo kasoo galeen dhanka Dalka Kenya, iyadoona ujeedada imaatinkooda ay tahay in ay qiimeyn ku sameeyaan xaaladda gobolka iyo weliba...
Fadlan caawi wiilkaan dhiban in uu Rabbi ku caawiyo (Daawo Video)
Shucayb Cabdi Xaaji Axmed waa wiil 15 jir ah oo Soomaaliyeed oo ku nool Degmada Luuq ee gobolka Gedo. Shuceyb waxaa yaraantiisii ku dhacay cudur ay takhaatiirta gudaha dalka Soomaaliya ku sugan ku sheegeen in uu yahay mid aan dalka Soomaaliya wax looga qaban karin, kaasoo sida aad muuqaalkiisa ku arki kartaan in uu yahay cuuryaan socod iska daaye aan xataa awoodin in uu iskiis suuliga (Musqusha)...