Home » Suugaan »

NABAD: Waa Gabay cusub oo uu tiriyay Mohamed Dahir N. (Gaani)

ASC. Ilaah (SWT) ayaa Mahad leh, Rasuulkiisaa Maxamed (scw) ayaa ciso leh, Islaamkaa karaamo leh, Amiirkaa sharaf leh, Ehelkaa xaq dhowr leh, Idmaalaa dhaqasho leh, Soomali baa midnimo leh.

Adoo mahadsan, fadlan hoos ka akhri Gabayga Nabad.
By. Mohamed Dahir N. Gaani.
———————————–

QARANIMO WAXAY HIIGSATAA HORUKAC WEEYAANE HADAFKEEDU HAWRAARSAN IYO HIMILO WEEYAANE HIDUHUNA HALEELADA DHASHIYO HARACLE WEEYAANE.

HOOY LAGU NAGAADIYO MIDNIMO WAA HAR NABADEEDE WAA SIDA HIRDOOGIYO UGBAAD HOGOLI HAYSAAYE HANQAR IYO HILAAC HALALACDIIS HUGUNKU WEEYAANE.

GOBANIMADA HODANKAA RAGBAA IIL U HOOS GALAYE IYADOO LA HEENSEEYEY BAAD HANAQA GOOYSEENE HOGAANKEEDII BAA GO’AY MARKAAD KALA HAYAANTEENE.

NIN WALIBA HALKUU HIBANAYUU HALOW KU SIIYAAYE DANTA LAMA HURAAN IYO WAQTIGU WAA HARDAMAYAANE DULLI SOO HAGOOGTIYO JIN BAA   MAATADII HEALAYE.

DADKA WAA HOGAYSTAAN HADDAY HILIB U BAAHDAANE HEEYHAATA BAA LAGU DUBTAA HANADADEENIIYE GIDDI HABAR DUGAAG IYO WATAA HAADDA LOO WARAYE.

SHACABKII HABEEN IYO DHARAAR HORORKU HIIGAAYEY HALKAAS IYO BADDAY U AMBADEEN HABAQLAHOODIIYE MOWJADAA HARAATIYEY MARKAY HIRARKU QAADEENE.

HANFADAHA WAXAA LAGU YAQAAN  INUU HINGOODAAYE NIMANKII HUMBAALAYN JIRUU SOO HORKACAYAAYE HOOBIYAHA HADAAN HARQIYIN KAMA HULEELAANE.

BOOLIDAAQA HEETINAHAYAAN HEEDHE LEEYAHAYE HANTIDAAN LAHAA IYO DAL BAAN KAAGA HAAJIRIYE ALLEYLEHE DAMEER HEEN LEH BAA HEERYADII CUNAYE.

HADAL HAAN MA BUUXSHAA LA YIRI WAA HOROO TAGAYE HUB SIINUU U BAAHNAA DALKAAD KALA HORAYSAANE HOODIYO AYAANKEENU WAA INAAN HESHIINAAYE.

RUNTOO LOO HILOOBIYO XAQAA LAGU HANUUNAAYE NABSI HAAMO BUUXSHAA JIROO LOO HAMUUN TIRAYE HAQDA IYO HANTAAQADU  HADMAY NAGA HARAYSAA?.

HAGARDAAMO IYO HADIMO WAA LAGU HUNGOOBAYE WIXII QOOMU NUUX LAGU HALIGAY HAATAN LOO BADAYE WAXAA NALA HABOON WAA XAQOON HIIL KA DHIGANAAYE.

WAXA HODAY NAFTIINIYO HUBKUNA HALISTII WEEYAANE MARKUU DHIIGU HIBITIQO AYAAD HEELO TUMATAANE DABKA HURAY HADAAN LAGA HORTAGIN HOOG AYAA XIGINE.

COLAAD AAN HAREYN WAA MIDAAD HUF KU NOQOTEENE CIRKOO HOORAY CAANO IYO NABAD KA HIRQAN MAYSAANE HIIRTAANYO MOOYEE WAX KALE KAMA HAMBAYSAANE.

HOLAC IYO DAB BAAD HAYSATAAN TAN IYO HAABIILE MAATADA NINKII HAGILAHAA HOOBAY LAGU QAADYE WAAYEEL HORMOODIYO DUQ WAAD HELI KARAYSAANE.

XAMAR IYO HARGEEYSOO LAMMAAN HIYIGU WEEYAANE HASHA KURAYGU HAANEEDO IYO HEESTU WAA NABADE HORWEYNKANA HALKII DARANLEH IYO HAWD HA LOO DHIGO.

HADBA HILINKA KII TOOSAN BAA LAGU HAGAAGAAYE HABARWACASHO IYO HAYBTA WAA LAGU HABSAAMAYE HEEGADA HADDAAN HORUMAR JIRIN LAMA HAWEYSTEENE .

NIN WALIBA HIGAADAAN BARTUU KULA HORJOOGAYE HIMMAMOOW HAMAAJIIRLEH IYO WAA HABEENADIYE ALLEYLEHE HALYEEY NOOMA KICIN WAANA LA HUBAAYE.

HAWO BEEN AH BAAD HAD IYO JEER KU HAMIYEYSAANE HAYBAD IYO HANAAN DAWLADNIMO LOOMA HAWL GALINE U HORSEEDA GUUL WADA JIR WAAD HANAN KARAYSAANE.

Mohamed Dahir N. Gaani
mohamed_dahir23@hotmail.com

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

Bookmark and Share

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.